The Somaliland Community in Kenya will Hold a Big Meeting
Posted: Thu Nov 11, 2010 9:00 am
SHIRWEYNIHII SHANAAD EE JAALIYADA SOMALILAND EE DALKA KENYA OO LOO MUDEEYAY INUU QABSOOMO 17/11/2010 OO KU BEEGAN MALIN AXAD AH
shir ay isugu yimaadeen gudida fulinta ee jaaliyada, maanta oo ay taariikhdu tahay 10/11/2010 ayuu gudoomiyaha guud ee jaaliyada Somaliland Mudane Yusuf Abdirahman Abdilahi kaga dhawaaqay in shirweynihii jaaliyada ee shanaad loo qoondeeyay inuu qabsoomo maalin Arbaco ah ee taariikhdu tahay 17/11/2010 , isagoo dhamaan ugu baaqay kana codsaday xubnaha jaaliyada ee isugu jira rag , dumar iyo dhalinyaroba. Shirweynuhu wuxuu ka dhici doonaa hotelka Nomad Palace oo ku yaala magaalada Nairobi.
Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay inay baryahan danbe soo baxeen dad caadaystay sheegashada xilal aanay jaaliyada u hayn isla markaasna ka aflagaadeeyaan madaxda qaranka gaar ahana safiirka Somaliland ee dalkan Kenya Mudane Mahamed Ahmed Nuur (Indhabuur) oo ah halyey u kacay kor u qaadida sumcada Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay dalkan isagoo tan iyo markii loo magacaabay xilkan ka hirgaliyay dalkan Kenyan kalsooni weyn oo muwaadiniinta Somaliland ku naaloodaan isla markaasna dalkooda jiritaankiisa ku muujiyaan goobkasta oo ay ku sugan yihiin.
Guntii iyo gebogabadii wuxuu gudoomiyuhu guul iyo barwaaqo u rajeeyay Jamhuuriyada Somaliland isagoo ku amaanay xukuumada dadaalka aadka u weyn ee ay muujiyeen mudadii gaabnayd ee ay xilka umada u hayeen.
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Kenya
Yusuf Abdirahman Abdilahi