
Siyaasiga caanka ah Cali Cabdi Awaare, isla markaana horey u ahaa wasiir hore oo Puntland ka tirsanaa ayaa dhul banaan ugu deeqay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho.
Dhulkaan oo cabirkiisu dhan yahay 100 x 190 isla markaana ku yaal gudaha Magaaladda ayaa waxaa uu Mudane. Cali Cabdi Awaare, si rasmi ah ugu wareejiyey Masuulyiinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya.
Munaasibadda uu ku wareejinayey dhulka banaan ee ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha Qardho ayaa waxaa goob joog ka ahaa, masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo kan degmadda Qardho.
Prof. Axmed Maxamed Barre oo ka tirsan Madaxda Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa waxaa uu mahadcelin u jeediyey Siyaasi Cali Cabdi Awaare, isla markaana ku amaanay kaalinta uu kaga jiro sidii degaanka horumarkiisa looga shaqeyn lahaa.
Siyaasi Cali Cabdi Awaare Oo Dhul banaan ugu Deeqay Jaamacadda Qardho (Sawiro)
November 11, 2010
0 comments| leave your own!
Share
Siyaasiga caanka ah Cali Cabdi Awaare, isla markaana horey u ahaa wasiir hore oo Puntland ka tirsanaa ayaa dhul banaan ugu deeqay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho.
Dhulkaan oo cabirkiisu dhan yahay 100 x 190 isla markaana ku yaal gudaha Magaaladda ayaa waxaa uu Mudane. Cali Cabdi Awaare, si rasmi ah ugu wareejiyey Masuulyiinta Jaamacadda Bariga Soomaaliya.
Munaasibadda uu ku wareejinayey dhulka banaan ee ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha Qardho ayaa waxaa goob joog ka ahaa, masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolka iyo kan degmadda Qardho.
Prof. Axmed Maxamed Barre oo ka tirsan Madaxda Jaamacadda Bariga Soomaaliya ayaa waxaa uu mahadcelin u jeediyey Siyaasi Cali Cabdi Awaare, isla markaana ku amaanay kaalinta uu kaga jiro sidii degaanka horumarkiisa looga shaqeyn lahaa.
Awaare_oo_dhul_Cabiraya
Awaare_iyo Masuulyiinta Jamacadda
Awaare_Waceys_iyo Buux
Goob
Awaare_Sakariye_Prof_Axmed
Gaar ahaan sida faraxadda leh oo dhul banaan isla markaana qiimihiisu yahay 150.000 lacagta Mareykana ah uu dadka iyo degaanka uu ka dhashay ugu deeqay.
Cali Cabdi Aware oo isagana hadal kooban oo uu ka jeediyey goobta dhulka uu ku wareejinayay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhankiisa, isla markaana waxaa uu uu ku daray hadalkiisa in ay tani ka tahay qeyb dadaalka lagu doonayo in Waxbarshadda degaanka kor loogu qaado.
Siyaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhul badan oo uu leeyahay, uu ku wareejin doono dadka ka shaqeeya arimaha Horumarka degaanka Qardho isla markaana loo baahan yahay in dadka ay gacan iska siiyaan sidii wax loo wada qabsan lahaa.
Cismaan Buux Cali duqii hore ee Qardho oo isagana ka mid ahaa dadkii ka qeyb qaatay horumarka degaanka ayaa waxa uu sheegay, in Aware talaabadda uu qaaday ay tahay mid ku dayasho mudan isla markaana ay tahay mid geesinimo , mar hadii dhul qiime aad u badan ku fadhiya uu dadkiisa ugu deeqay.
Ugu dambeyntii waxaa hadalka soo xiray Cabdi Maxamed Aadan Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo isagana mahadcelin balaaran u jeediyey siyaasi Cali Cabdi Awaare.
Odayaal iyo dad kale oo waxgarad ah oo ka qeyb qaatay xil wareejinta ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin, tilaabadda uu qaaday Siyaasiga Cali Cabdi Aware.
Horseed Media
Qardho,Soomaaliya