Maansha Allaah; Alleylehe si la yaqaan buu wadaadkii mujaahidka ahaa muuse Biixi waa kaa jawaab fiican siiyey wiilasha yaryar ee maamulka Majeerteeniya ee ceebaynta marmarinaya Somaliland, kol haddii uu ku yidhi ‘Adeerayaal, idinkaa budhcad-badeed iyo argagixiso la walaalo ah oo Qaramada Midoobay ogtahaye afka naga jeediya, haddii kale haraati mujaahid baanu khariidada idin kaga saari doonaa.’ Eesh calaa nin dheh, haddii mar hore sidaa loola hadli lahaa Majeerteeniya way isasoo dhiibi lahayd.
Weger; Adeer; Muuse dhiigiisuu ku beeray Somaliland oo cidii xumaynaysa inuu u hanjabo garbuu u yeeshee, waxaad ka warantaa Soomaaliweyntan ceelkii Hargeysa dhex qulqulaysa miyaanu arkayn intuu Garoowe u caga-juglaynayo, mise sir baa duqan Siilaanyo laga hayaayoo Ilaa labada Shariif baa xamaantooda soo urursanaya. Yaa yidhaahda adeerayaal Somaliland dhaqaaqdaye xeradiina basrista, Cismaan Kalluunkan guddoomiyaha ka ah ururka Walawayntana ha lagu qaado xeerkii golayaashu ansixiyeen, haddii kale shaki baa iman.


