ministry of health give bus to garowe hospital
Posted: Fri Nov 12, 2010 4:29 pm
Garowe: Wasaaradda Caafimaadka dawlada Puntland ayaa maantey gaari Bus ah ku wareejisay Isbitaalka guud ee caasimada Puntland ee Garowe. Munaasibadii gaarigan uu Isbitaalku kula wareegayay waxaa kasoo qaybgalay madax ka tirsan wasaaradda caafimaadka Puntlnad, maamulka Isbitaalka iyo marti sharaf kaleeto.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame oo ka hadley gaariga ay wasaaraddu siisay Isbitaalka ayaa sheegay inay farxad u tahay wasaaradda caafimaadka inay gaari ku wareejiso Isbitaalka, isagoo wasiirku kula dardaarmey maamulka Isbitaalka in gaariga ay dhaqaalaystaan oo uusan dayacmin isla markaasna lagu fuliyo baahida Isbitaalka oo kaliya.
“ Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad gaarigan ogaataan in uu yahay gaari umadu leedahay looguna adeegayo, waxaan doonaynaa inaad ku fuliisaan baahiyaha Isbitaalka oo kaliya, laakiin raali maka noqon doono in wax kale lagu qabsado sida gaadiid hore oo uu Isbitaallkan leeyahay ka dhacdey” ayuu yiri Wasiirka caafimaadka Puntland.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee Garowe Maxamed Jaamac oo ka hadley munaasibada uu gaariga Isbitaalka la siiyey kula wareegay ayaa soo dhaweeyey gaarigan ay wasaaraddu Isbitaalka siisay isagoo uga mahadceliyey wasiirka caafimaadka aqbalida codsiga Isbitaalku u gudbiyey ee ku aadan baahida dhanka gaadiidka ah ee uu Isbitaalku qabo. Agaasimuhu wuxuu balan qaadey in gaarigan uusan dayacmi doonin oo aan lagu qaban doonin baahi ka baxsan tan Isbitaalka.
Wasiirka caafimaadka Puntland ayaana agaasimihiisa guud ee wasaaradda caafimaadka u igmadey inuu furaha gaariga ku wareejiyo agaasimaha Isbitaalka guud ee Garowe Maxamed Jaamac.
Dhanka kale hay’ada Bisa Cas laanta Garowe ayaa maantey daawada lagu tacaalo cudurka Kalooraha waxay ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland. Daawada iyo agabka kale ee lagula tacaalo ee ay hay’ada Bisha Cas ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhamayd 50 Kartoon.Munaasibada daawadan ay wasaaraddu kula wareegaysay ayaa ka dhacdey xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qaybgalay wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame, agaasimeyaasha wasaaradda qaybaheeda kala duwan iyo madaxda hay’ada Bisha Cas Laanta Garowe.
Xoghayaha hay’ada Bisha Cas laanta Garowe Maxamuud Ismaaciil Cali ayaa wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ku wareejiyey daawada iyo agabka kale ee lagula tacaalo cudurka Kalooraha ama loo yaqaan shuban biyoodka.
Maxamuud Ismaaciil Cali ayaa sheegay in daawada iyo agabka kale ee lagula tacaalo cudurka Kalooraha ay isugu jiraan Kaniino, ORS, qalab nadaafadeed, tuubooyinka sanka laga gasho bukaanka ee lagu quudiyo, baaldiyo iyo koobab bukaanka wax lagu siiyo iyo Galoofiska gacanta la gashado.
Agabkan ay wasaaraddu gudoontay ayaa ah mid lagula tacaalo cudurka Kalooraha marka uu dilaaco, waxaana loogu talagalay inuu noqdo keyd si aan loowaayin daawada hadii cudurkan meel laga sheego.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Calli C/laahi Warsame ayaa uga mahadceliyey Bisha Cas deeqdan ay wasaaradda gudoonsiiiyeen iyadoo wasiirku sheegay in agabkan ay wasaaraddu u baahneyd iyadoo loogu talagaly in bulshada lagu badbaadiyo.
Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Wasaaradda Caafimaadka Puntland



go puntland

