awoodaha dastuurku siiyey Madaxweynaha

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

awoodaha dastuurku siiyey Madaxweynaha

Post by Mr_Alfaas »

Wuxuu Magacaabay, Xilkiina ka qaaday Safiiro aanu awood u lahayn

Hargeysa (Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa jabiyay kuna tagrifalay Qoddob Dastuuri ah oo uu leeyahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo”kadib markii uu ku talaabsaday magacaabista Safiiradda Somaliland Dawladaha Caalamka u fadhiya, magacaabistaas oo uu iska leeyahay Madaxweynuhu sida ku cad:-

Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland oo ka hadlaya Awoodaha Madaxweynaha kaasoo u qoran sedan:-

Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarinta bulshada iyo habs-sami-u-socodsiinta maamulka Dawladda. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda:

1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda

2. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta Golaha Wasiiradda.

3. Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawladda marka uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh, isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:

b. Hanti-dhowraha Guud

t. Guddoomiyaha Baanka Dhexe

j. Guddoomiyaha iyo Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

x. Xisaabiyaha Guud

kh. Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha

d. Taliyayaasha ciidamadda iyo ku-xigeenadooda

r. Danjirayaasha

s. Xeer-ilaaliyaha Guud iyo

dh. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.

4. Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Taliyaha Guud (Commander-in Chief).

5. Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ku reebban yihiin qisaasta iyo xuduudda shareecadda islaamka, iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib marka uu la tashado Hay’adaha ku shaqada leh.

6. Saxeexa heshiisyada caalamiga ah

7. Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda Somaliland

8. Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha aqoonsigooda (Credentials)

9. Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduunka

10. Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha

11. Hogaaminta xaaladdaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalada degdeg ah

12. Fulinta xeerarka aan waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman

13. Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale

14. Madaxweynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u degsan.

Hadaba Dastuur Jabinta uu ku talaabsaday Wasiirku waxa daliil u ah wareegtadan uu soo saaray Khamiistii ee uu ku magacaabay Toddoba Safiir wareegtadaasi oo u qornayd sidan:- Ka dib markii la tixgaliyay baahida qaran ee loo qabo in la kobciyo xidhiidhka ay dawladda Somaliland la leedahay bulshada caalamka, lana qiimeeyay inay daruuri tahay in la dardargaliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsiga ee Somaliland, waxaa loo magaacaabay dadka hoos ku qoran inay noqdaan Wakiillada Xukuumadda Somaliland ee wadamada soo socda iyadoo la eegay xirfadooda, waayo aragnimadooda iyo aqoontoodaba.

1. Aaden Nuux Dhuule Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

2. Prof. Maxamed Xirsi Qalinle Wakiilka Somaliland ee Jabuuti

3. Maxamed Axmed Nuur Wakiilka Somaliland ee Kiiniye

4. Axmed Cumar Sangoore Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska

5. Rashid Nuur Gaaruf Wakiilka Somaliland ee Maraykanka

6. Xasan Mawliid Axmed Wakiilka Somaliland ee Faransiiska

7. Cali Maxamed Axmed Wakiilka Somaliland ee Yemen

Wareegtadan wasiirku waxay ka hor imanaysaa Magacaabistii uu Madaxweynuhu soo saaray 29 Agoosto, 2010, taasoo uu ku magacaabay guddoomiyayaasha hay’adaha dawladda ee madaxa bannaan, taliyayaasha ciidamada qalabka sida , iyo agaasiimayaal guud. Madaxweynuhu waxa kale oo uu magacaabay Safiirka Somaliland u fadhiyaya Dalka Itoobiya oo uu u magacaabay Maxamed Xasan Siciid isagoo ku bedelay Wakiilkii Somaliland ee dalka Ethiopia Ambassador Maxamed Xasan Nuuriye

Marka laga yimaado Dastuur jabinta uu wasiirku ku talaabsaday waxay magacaabistiisu cadho galisay qaar ka mid ah Beelaha Somaliland kuwaasoo ay ka mid yihiin Beesha Samaraoon iyo Beesha Ayuub oo midkoodna aanay ku jirin magacaabista Safiiradda Cusub oo ay markii hore lahaayeen qaar ka mid ah Safiiradii hore ee Rayaale, halka Beesha Ayuub Safiirkii kaliya ee loo magacaabay oo muddo kooban Xilka hayay uu Mid kale ka dul-magacaabay.

Source WAAHEEN.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”