Xildhibaanno ku shiray Muqdisho oo mucaaraday xukuumadda uu soo dhisay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Sabti, 13 November, 2010 (HOL) − Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa kasoo horjeesteen xukuumadda cusub uu soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid aan ku saleysnayn qaabka ay dowladdu ku dhisan tahay.
Mudanayaasha, oo qaarkood kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda lasoo dhisay ay tahay mid aanay filayn, sidaa daraadeedna ay codka kalsoonida kala laabanayaan marka la horkeeno baarlamaanka.
"Dhismaha xukuumaddan, waa mid hareer-marsan miisaanka ay dowladdu ku dhisan tahay, sidaa daraadeed, xildhibaannada baarlamaanka waxaan ka codsanaynaa inay ka fiisadaan kalsooni siinteeda," ayay tiri xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo kulanka ka hadashay.
Xildhibaannada kulanka yeeshay, oo isugu jiray xubno wasiirro soo noqday iyo kuwo aan soo noqon, ayaa waxay aragti qura ka qabeen dowladda la magacaabay oo uu madaxweyne Sheekh Shariif sheegay inay tahay mid isbadal abuuri karta.
"Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu ku dhaqaaqay wax aanan ka filayn, sidaa daraadeed, waxaa naga go'an inaan kalsoonida kala laabanno," ayuu yiri xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka mid ahaa xubnihii kulanka ka hadlay.
Golaha wasiirada cusub, ee uu ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa muddo isku khilaafsanaa madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha, khilaafkaasoo ku saleysnaa tirada wasiirrada, inkastoo ay ugu dambeyn ku heshiiyeen, laguna dhawaaqay fiidnimadii xalay.
Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa laga sugayaa inay codka kalsoonida u qaadaan xukuumaddan 22-ka bishan, oo ku beegan toddobaadka soo socda, iyadoo ay jiraan xildhibaanno kale oo soo dhaweeyay tirada iyo xubnaha xukuumadda cusub.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
The Uneducated Say "NO" to PM Farmajo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
The Uneducated Say "NO" to PM Farmajo
Last edited by zingii on Sat Nov 13, 2010 9:15 am, edited 2 times in total.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: The Uneducated Say "NO" to PM Farmajo
Warsangali sabotaging the government.
- zingii
- SomaliNet Super
- Posts: 9937
- Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
- Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.
Re: The Uneducated Say "NO" to PM Farmajo
I know the chick is WARSANGALI but who is the other GUY?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 33 Replies
- 1476 Views
-
Last post by Faisah
-
- 4 Replies
- 536 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 503 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 32 Replies
- 2023 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 22 Replies
- 1214 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 1 Replies
- 423 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 37 Replies
- 3132 Views
-
Last post by quark
-
- 2 Replies
- 342 Views
-
Last post by Rebelxx222
-
- 18 Replies
- 1650 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 4 Replies
- 739 Views
-
Last post by waryaa