some picturesGaalkacyo (RBC Radio):- Kusimaha ahna Kuxigeenka Duqa magaalada Gaalkacyo iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Degmada ayaa maanta booqasho ku soo maray xarunta Agoonta iyo Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Wafdigani ka socda degmada Gaalkacyo ayaa waxaa horkacayey Kusimaha ahna Kuxigeenka Duqa Gaalkacyo Daahir Maxamuud Muuse, waxaana xubno ka ahaa xubnaha joogtada ah ee Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil kale oo ka socota Dawladda hoose waxaana ka mid ahaa Lataliyaha Duqa Gaalkacyo Maxamed C/qaadir Nuur Dirir.
Wejigii ugu horeeyay ee booqashada wafdiga ayaa ka bilaabatay xarunta agoonta ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo ay xubnaha wafdigu warbixin kooban kaga dhageysteen maamulaha xarunta agoonta Gaalkacyo Mudane C/risaaq Daahir Afrax.
Maamulaha xarunta agoonta Gaalkacyo ayaa xubnaha maamulka degmada Gaalkacyo ee maanta halkaasi booqashada ku tagey waxaa uu u sheegay waxyaabaha baahida ay u qabaan agoonta halkaasi ku dhaqan, waxaana ka mid ahaa in xaruntu aysan heysan koronto islamarkaana ay isticmaalaan koronto ay ka dhaliyaan soolarka, in xaruntu aysan laheyn xarun caafimaad, in meesha ay ka maqan tahay goobihii ay ku ciyaari lahaayeen caruurta iyo mida ugu dhibka badan ee ah in dhinaca cuntada ay agoonta ka heysato dhibaato xoogan kadib markii uu sare u kac ku yimid maciishada qutuldaruuriga ah.
Kusimaha Duqa iyo wafdiga uu horkacayey ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan taakuleynta ilmaha agoonta ee ku xareysan xaruntaasi, isla markaana ay culeys ku saari doonaan hay’adaha samafalka gacan siinta agoonta ku xareysan xeradaasi.
Dhinaca kale waxaa wafdigu ay soo gaareen Isbitaalka guud ee gobolka Mudug halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Mudug iyo maamulka Isbitaalka Gaalkacyo, waxaana warbixin taabaneysa caafimaadka gobolka iyo kan Isbitaalka loo soo jeediyey mas’uuliyiinta ka socotay maamulka degmada ee uu horkacayey Kusimaha Duqa Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta maamulka degmadu waxay warbixinta Isbitaalka iyo tan caafimaadka gobolka Mudug ka dhageysteen Isu-duwaha caafimaadka gobolka Mudug C/naasir Shiikh Ibraahim iyo Agaasimaha Isbitaalka Guud ee gobolka Mudug C/raxmaan Maxamed Jaamac, iyagoo kadibna lugta soo mariyey dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo bukaanada jiifa.
Waxaa xubnaha mas’uuliyiinta ka socda degmada Gaalkacyo booqashadooda ay ku soo gaba gabeeyeen Isbitaalka Gaalkacyo iyaga oo balan qaadey in ay gacan buuxda ka geysan doonaan horumarka caafimaadka gobolka Mudug isla markaana ay diyaar u yihiin in ay buuxiyaan kaalin kasta oo ay maamulka caafimaadka degmadu ay door bidaan in wax lagala qabto.
RBC Radio


