By admin3 (online) on Nov 14, 2010 with Comments 0
ShareBanaanbax loogu soo horjeedo Xukuumadda uu soo dhisay Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhacday deegaano hoos taga gobolka Sanaag.
Dibadbaxan oo ka dhacay magaalooyinka Badhan, Laasqoray, Dahar iyo deegaano kale ayaa waxaa la sheegay inay soo abaabuleen dadweynaha ku dhaqan degaanadaas kuwaasi oo tilmaamay in ay ka soo horjeedaan wasiirrada cusub iyagoo sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen xukuumadda Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayay hadalo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen in xildhibaannada Baarlamaanka KMG ee kasoo jeeda deegaanadaasi in ay 24-saac gudahooda isaga soo baxaan magaalada Muqdisho ayna yimaadaan deegaanadooda.


