Abaara 12:00 duhurnimo ee maanta ayaa diyaarad siday Paul iyo Rachel Chandler ka soo degtay garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde airport ee magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehliyay Dr. Maxamed Xangul iyo Maxamuud Daahir Qooleey oo ka shaqeeya arrimaha samafalka.
Lamaanahaan oo kolonyo gaadiid ah oo ay AMISOM leedahay ay waddo ayaa durbadiiba loola dhaqaaqay dhinacaa iyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xaflad soo dhaweyn ah u dhigay ku simaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan, R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, wasiiro ka tirsan Dowladda iyo xildhibaano.
Guddoomiyaha Barlamaanka oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu soo dhaweynayay lamaanaha Ingiriiska ah ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xanuunka la wadaagtay lamaanahaan haddana ay la wadaagayaan shacabka, Dowladda iyo Lamaanahaan Ingiriiska ah xornimada ay dib u heleen, isagoo u mahad celiyay dhinacyadii ka qeyb qaatay dadaalka.
Sidoo kale R/wasaare Farmaajo ayaa yiri “gacmo furan ku soo dhawaada adinkoo heysta xornimo” wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan u gashay sidii loo sii deyn lahaa dadkaan haddana ay ku faraxsan tahay xornimada ay heleen.
Paul and Rachel Chandler oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin xornimada ay dib u heleen, waxayna sheegeen in ay dhibaato Jireed iyo mid maskaxeed ay soo gaartay inti ay ku jireen gacanta afduubayaasha, waxayna tilmaameen in aysan ogeyn in madax furasho laga dhiibay iyo in kale.
Lamaanaha ayaa u mahad celiyay Dowladda Soomaaliya, maamullada gobollada dhexe iyo dhamaan dadkii gacanta ka geystay sii deyntooda.
Paul and Rachel Chandler, waxaa la afduubtay 23 October 2009, waxayna ku jireen gacanta kooxo burcad badeed ah oo ka doonayay lacag madax furasho ah, shalay ayayna xorriyadooda dib u heleen.





