Muqdisho: (Sh. M. Network) Gudiga Warfaafinta Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa Maanta Cambaareeyay Talaabadii shalay Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Garoonka diyaaradaha ay ku midab takooreen saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gudiga Warfaafinta Barlamanka KMG Soomaaliya Cawad Axmed Cashara oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay talaabadii shalay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Muqdisho ay ugu geysteen Garoonka Muqdisho Ciidamada AMISOM ee ilaaliya halkaasi.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in marka hore uu ka xunyahay in suxufi Soomaaliyeed dhibaato loo geysto, waxaana uu ugu baaqay madaxda Warbaahinta gaar ahaan kuwii saxafiyiintooda ay dhibeeteeyeen ciidamada AMISOM in ay qabsadaan qareen u dooda si dambigaasi loogu qabsado cidii geysatay.
Sidoo kale gudoomiyaha gudiga Warfaafinta Barlamanka KMG Soomaaliya Cawad Axmed Casharo waxaa uu ugu baaqay wasaarada warfaafinta Xukuumada KMG Soomaaliya in arimahaani ay wax ka qabato, isagoo intaasi ku daray in ka barlamaan ahaan ay arintaasi kala hadli doonaan Wasaarada warfafinta.
Shalay ayay aheeyd Markii Ciidamada AMISOM ee ilaaliya Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ishortaag ku sameeyeen saxafiyiin Soomaaliyeed oo xiligaasi doonayay inay sawiro ka qaataan Lamaanaha Ingiriiska oo xiligaasi ka doo dagayay garoonka halka ay u fasaxeen Wariyayaal kale oo Ajanabi ah, taasi oo keentay in saxafiyiintu ay ka cowdaan
What else you expect from AIDS infected gangsters thinking they are "peacekeepers"

Can TFG, Alshabab, XI and Amisom not go outside muqdisho and finish each others off?