Page 1 of 1

Somaliland parliament votes for pay raise

Posted: Mon Nov 15, 2010 10:35 am
by The_Emperior5
Xukuumadda iyo Golaha wakiilada oo ku heshiiyey in la kordhiyo Dhamaan mushaharka Shaqaalaha Dawladda





Hargeysa (SDWO 14/11/2010) – kulan ay caawa yeesheen Gudi ka kooban xukuumada iyo golaha wakiilada ayaa la sheegay inay caawa ku heshiiyeen in la kordhiyo dhamaan mushaharka Shaqaalaha Dawlada kadib markii ay kulan yeesheen.

Arintani waxay ku dambaysay markii ay Mudanayaasha golaha wakiilada soo afjaray dooda xeerka Kala xadaynta xeerka mushahaarooyinka, kaas oo ay doodiisu maalmihii ugu dambeeyay ka socotay hoolka shirarka ee wasaarada arrimaha Gudaha.

Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo cod baahiyaha qabsaday ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mushahaarada madaxda sare iyo waliba shaqaalaha la jaan gooyo.

Waxa uu xaashi tilmaamay in dad dano gaar ah lihi ay wadaan buuq iyo sawaxan si ay u meel marsadaan tooda uun, waxaanu wasiirka maaliyada ku eedeeyay in uu fagaarayaasha qiiq kaga kicinayo golaha wakiilada.


Waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay wasiirkii hore ee maaliyada iyo ka cusub isaga oo maxsuulka u soo baxayna ku sheegay in uu cawil ahaa mid dariiqii ugu haboonaa ku taagnaa, halka uu wasiirka cusubna kaga eedeeyay in uu ku jiro sidii uu isaga hor keeni lahaa golaha wakiilada iyo waliba dadweynihii soo doorta “Waxa aynu ku jirnaa bad wayn, goor dhaweyd ayaa waxa halkaas soo taagnaa nin waxa uu lahaa golaha wakiilada haddii aanan dhagax ku dilin, waa cadho wayn oo ay dad weynuhu inoo qabaan, cid kalena colaadaas inagumay kicinin waxa inagu kiciyay wasiirka maaliyada oo fagaarayayaasha ka sheega in uu aynu mushahaarada kordhisanayno” ayuu yidhi Xaashi, waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Walaahi ninkii cawil gob ayuu ahaa waayo maxamed xaashi hudheeladu ayuu dadka inagaga kicinayaa” ayuu yidhi.


Waxa kale oo uu xildhibaanku cadeeyay in xisbiga mucaaradka ah ee UDUB uu ahaa mid isna wanaagsan waayo buu yidhi wakhtigii ay talada dalka hayeen masaajiida kamay khudbayn jirin.


Waxa iyaguna halkaas dooda ka dhiibtay mudanayaal tiro badan waxaanay dhamaantood isku raaceen in la jaangooyo mushahaarooyinka saraakiisha sarsare ee xukuumada iyo waliba shaqaalaha.

Isku soo wada duubo dooda golaha wakiilada ee saaka ayaa ku soo gabogabawday jawi deganaan walaloow ay mudanayaasha golahaasi kaftan hoos ka tuur ah isku ridayeen.



Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

Re: Somaliland parliament votes for pay raise

Posted: Mon Nov 15, 2010 10:48 am
by LiQaaye_TDH
Im Totally against This........