Manta Mujaahideenta TFG oo sii rasmi ugu wareegan fariisamaha Ciidamada ee Xoosh
Taliyaha Ciidamada X.D.S. ayaa maanta booqday guutada Ciiadamada ku sugan deegaanka Xoosh ee degmada Wadajir, isagoo dhanka kale ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayay munaasabada Ciidda oo lagu qabtay Xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Axmed Jimcaale Geedi oo ay wehliyaan Abaaduuliyaha Ciidamada XDS C/kariin Yuusuf Dhegabadan, Taliyaha Ciidamada Badda, Faarax Cumar Cisman Qare, iyo Saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagay fariisimaha guutada Hilaac ee ciidamada XDS ay ku leeyihiin deegaanka Xoosh ee dagmada Dharkeynleey.
Waxaana halkaasi war bixin ku siiyay Taliyaha Guutada Hilaac C/llaahi Cismaan Cageey oo ka waramay xaalada ciidamadaasi iyo sida ay u gutaan wajibaadka ciidanimo, waxaana sidoo kale halkaasi uu Taliyuhu salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadaasi, isagoo ku soo wareegay aagaga ay ciidamadu difaaca kaga jiraan.
Dhanka kale Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa ka qeybgalay Xaflad lagu maamuusayay Ciidul Adxa ayna soo qabanqaabiyeen Saraakiisha ciidamada oo lagu qabtay xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.
Xafladaasi ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha ciidamada XDS iyo Saraakiil kale waxeyna ciidamada u rajeeyeen in la soo celin doono magacii iyo heybadii uu lahaa ciidanka xoogga, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay gaadakaciyaar ciidan halkaas oo kooxda Bambeydu ka tumayeen muusig ay ciidamadu ku gaardinayeen.
Arintani ayaa ka danbeysay kadib markii R/wasaaraha Soomaaliya u maanta saraakiisha ciidamada gudoonsiiyay lacago ay soo dhiibeen jaaliyada Soomaliyeed ee Britain, taas oo ciidamada loogu iibiyay sagaal neef oo geel ah.
Dhigtooy MUjahideen!
