CEERIGAABO(OWN) Waaberigii hore ee saaka ayaa guud ahaan daafaha magaalada Ceerigaabo laga maqlay dhawaaqa takbiirta ay soo tebinayeen cod-baahiyayaalka gaadiidka ku rakiban iyo weliba kuwa iskood loogu raibay fagaarah garoonka kubbadda cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo oo hallkaas loo sii diyaariyey in salaaddan Ciidal-Adxa lagu tukado.
Inta aan garoonka la gaadhin ayaa goor hore saaka oo jawiguna qabow badan laga dareemayey waxa suuqyada magaalada Ceerigaabo qulqulayey dadweyne aad u tiro badan oo isugu jirey dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay kuwaas oo korkoodana ay ka muuqanaysey bilicda hugooda kala duwan ee soo jiidashadana leh ee ay xidhan yihiin waxana laysku salaamayey “Ciid Mubaarik” iyadoo weliba carruurta yar yarna marka laga reebo inta socodkeeda ku gaadhaysa dadka qaarkood ay dusha ku sideen si ay usoo daawisiiyaan munaasibadda fagaaraha laysugu tegayo ee salaadda lagu tukanayey.

Gudaha garoonka cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo ayaa kolka aad gaadho waxad cagaha gelinaysey rays aan magaalada inteeda kale ka jirin oo ka dhashay habeennimada (xalay) gelinkeedii danbe ila subaxnimadii hore oo maammulka iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Ceerigaabo si aad ah ugu hawl lanaayeen diyaarinta sidii garoonkan loogu tukuna lahaa iyagoo si weyn halkaas u nadiifiyey sidoo kalena liidad dhaadheer oo nuurad lgu muujiyey si safafka aadka u dhaadheer ee lagu tukanayaa aanay u kala qalloocsamin halkaas ka sameeyey.
Boliiska magaalada Ceerigaabo ayaa iyaguna dhinacooda iyagoo guud ahaan amniga sugayey tan iyo habeennimadii xalay iyagoo lug iyo gaadiidkoodaba adeegsanayey si aad iyo aad ah u dhex marayey magaalada Ceerigaabo sidoo kalena subaxnimadii kkusoo waa beriistey waddooyinka iyo suuqyada waaweyn iyo weliba garoonkkii lagu tukanayey taasoo aragtida hore qof ahaan lays weydiiin karayey in ay jirto xaalad soo korodhay oo xagga amniga ku saabsan haseyeeshee nuxurka iyo ujeeddadoodu ahayd sugitaanka amniga oo keliya taasoo xataa xilligii salaadda la tukadey kaddib meelaha lagu buuqsan yahayna xataa boliiskku aanay ka madhnayn mararka qaarkoodna ciyaaraha dhallinyaradu u diyaarisay farxadda ciiddan meelaha qaarkood oo laga cabsooday in rabshadi ka dhalan kartona ay boliisku dhallinyarada ka joojiyeen cayaarahaas.

Maaddaama jawiga iyo xaaladda lagu jirey ahaa mid deggan sidoo kalena la degdegsanayey gawraca xoolaha adxiyada islamarkaasna aanay jirin wax arrin ama dhibaato taagan oo lagama maarmaan ka dhiigaysey in fagaarahan lagaga hadlo ayaa salaaddii iyo qudbaddii ka danbaysey kaddib halkaas Sheekh-Maxamed Cali Biixi oo bulshadii isugu soo baxday tuikashada salaaddan Ciidal-adxa khudbad kooban oo kusaabsan muhiimadda maalintan weyni u leedahay ummadda islaamka iyo weliba macnaha ay ku fadhiyaan xoolaha adxada loo gowracayo iyo noocyadooda iyo welib ciddda iyo sababta ay ku waajibtey kaddib waxa bulshadii faraha badnayd ee isugu soo baxday garoonkan iyo guud ahaanba muslimiinta adduunka meel kastoo ay joogaan iyo weliba ummadda reer Somaliland intaba halkaas duco dheer oo dhinacyada nabadgelyada caafimaada dulmiga fakhriga denbi-dhaafka iwm uga soo jeediyey Badhasaabka gobolka Sanag Cali Cabdi Hurre.
Sikastaba ha ahaatee munaasibaddan ciidal-adxa ee magaalada Ceerigaabo ayaa ku dhammaatay jawi xasillooni iyo nabadgelyo aan wax dhibaato ahina jirin.
Odweynenews.com/Ceerigaabo


