Page 1 of 1

Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:17 pm
by Siciid85
Munaasibada Ciidal Adxa iyo sida Looga Ciiday Magaalo Madaxda Sanaag Ee Ceerigaabo+ Sawiro

CEERIGAABO(OWN) Waaberigii hore ee saaka ayaa guud ahaan daafaha magaalada Ceerigaabo laga maqlay dhawaaqa takbiirta ay soo tebinayeen cod-baahiyayaalka gaadiidka ku rakiban iyo weliba kuwa iskood loogu raibay fagaarah garoonka kubbadda cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo oo hallkaas loo sii diyaariyey in salaaddan Ciidal-Adxa lagu tukado.

Inta aan garoonka la gaadhin ayaa goor hore saaka oo jawiguna qabow badan laga dareemayey waxa suuqyada magaalada Ceerigaabo qulqulayey dadweyne aad u tiro badan oo isugu jirey dhammaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay kuwaas oo korkoodana ay ka muuqanaysey bilicda hugooda kala duwan ee soo jiidashadana leh ee ay xidhan yihiin waxana laysku salaamayey “Ciid Mubaarik” iyadoo weliba carruurta yar yarna marka laga reebo inta socodkeeda ku gaadhaysa dadka qaarkood ay dusha ku sideen si ay usoo daawisiiyaan munaasibadda fagaaraha laysugu tegayo ee salaadda lagu tukanayey.

Image

Gudaha garoonka cagta (Daalo Stadium) ee magaalada Ceerigaabo ayaa kolka aad gaadho waxad cagaha gelinaysey rays aan magaalada inteeda kale ka jirin oo ka dhashay habeennimada (xalay) gelinkeedii danbe ila subaxnimadii hore oo maammulka iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Ceerigaabo si aad ah ugu hawl lanaayeen diyaarinta sidii garoonkan loogu tukuna lahaa iyagoo si weyn halkaas u nadiifiyey sidoo kalena liidad dhaadheer oo nuurad lgu muujiyey si safafka aadka u dhaadheer ee lagu tukanayaa aanay u kala qalloocsamin halkaas ka sameeyey.

Boliiska magaalada Ceerigaabo ayaa iyaguna dhinacooda iyagoo guud ahaan amniga sugayey tan iyo habeennimadii xalay iyagoo lug iyo gaadiidkoodaba adeegsanayey si aad iyo aad ah u dhex marayey magaalada Ceerigaabo sidoo kalena subaxnimadii kkusoo waa beriistey waddooyinka iyo suuqyada waaweyn iyo weliba garoonkkii lagu tukanayey taasoo aragtida hore qof ahaan lays weydiiin karayey in ay jirto xaalad soo korodhay oo xagga amniga ku saabsan haseyeeshee nuxurka iyo ujeeddadoodu ahayd sugitaanka amniga oo keliya taasoo xataa xilligii salaadda la tukadey kaddib meelaha lagu buuqsan yahayna xataa boliiskku aanay ka madhnayn mararka qaarkoodna ciyaaraha dhallinyaradu u diyaarisay farxadda ciiddan meelaha qaarkood oo laga cabsooday in rabshadi ka dhalan kartona ay boliisku dhallinyarada ka joojiyeen cayaarahaas.

Image


Maaddaama jawiga iyo xaaladda lagu jirey ahaa mid deggan sidoo kalena la degdegsanayey gawraca xoolaha adxiyada islamarkaasna aanay jirin wax arrin ama dhibaato taagan oo lagama maarmaan ka dhiigaysey in fagaarahan lagaga hadlo ayaa salaaddii iyo qudbaddii ka danbaysey kaddib halkaas Sheekh-Maxamed Cali Biixi oo bulshadii isugu soo baxday tuikashada salaaddan Ciidal-adxa khudbad kooban oo kusaabsan muhiimadda maalintan weyni u leedahay ummadda islaamka iyo weliba macnaha ay ku fadhiyaan xoolaha adxada loo gowracayo iyo noocyadooda iyo welib ciddda iyo sababta ay ku waajibtey kaddib waxa bulshadii faraha badnayd ee isugu soo baxday garoonkan iyo guud ahaanba muslimiinta adduunka meel kastoo ay joogaan iyo weliba ummadda reer Somaliland intaba halkaas duco dheer oo dhinacyada nabadgelyada caafimaada dulmiga fakhriga denbi-dhaafka iwm uga soo jeediyey Badhasaabka gobolka Sanag Cali Cabdi Hurre.

Sikastaba ha ahaatee munaasibaddan ciidal-adxa ee magaalada Ceerigaabo ayaa ku dhammaatay jawi xasillooni iyo nabadgelyo aan wax dhibaato ahina jirin.

Odweynenews.com/Ceerigaabo


Image



Image


Image

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:49 pm
by Mr_Alfaas
umada reer sanaag khaasatan umad waynaha ceerigaabo :up: :up: Eid mubarak

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:53 pm
by Cumar-Labasuul
Lol these pictures were from last eid siciid mise oodweyne news is behind by a couple of months :lol:
Btw, Eid Mubarak

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:54 pm
by Siciid85
Cumar-Labasuul. I am not sure about that some of the pictures look new to me even Hadhwanaagnews posted it and other websites.


http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=23664


http://www.togaherer.com/2010/11/16/mun ... da-sanaag/

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:56 pm
by Siciid85
Mr_Alfaas wrote:umada reer sanaag khaasatan umad waynaha ceerigaabo :up: :up: Eid mubarak



:up:

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:57 pm
by The_Emperior5
Siciid85 wrote:Cumar-Labasuul. I am not sure about that some of the pictures look new to me even Hadhwanaagnews posted it and other websites.


http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=23664

i think cumar is right its ceerigabo ciid al fitir



watch 4:00

unless those girls isku dhar ku ciideeen hadana :lol: :lol:

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 5:02 pm
by Siciid85
Some of the pictures might be last Ciid however most especially the Daallo Stadium 1 pictures look recent. Anyhow it's not big deal if Oodweynenews, Hadhwanaagnews etc repost it.

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 5:03 pm
by Mr_Alfaas
The_Emperior5 wrote:
Siciid85 wrote:Cumar-Labasuul. I am not sure about that some of the pictures look new to me even Hadhwanaagnews posted it and other websites.


http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=23664

i think cumar is right its ceerigabo ciid al fitir



watch 4:00

unless those girls isku dhar ku ciideeen hadana :lol: :lol:
:lol: :lol:
war hablaha yaryar daa niyow rer ceerigaabo waa dad barakaysan :clap:

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 5:05 pm
by Siciid85
Mr_Alfaas. War odaygan Emperior iska ilaaliya wa kii ninka jarmalka camaal oo jailka la dhiigay. :lol: Ma haadu hablihi erigavo uso dhiigtay. :lol: :down: war khaliid ha xanaaqiin wa kaftan uun.

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 5:07 pm
by Mr_Alfaas
Siciid85 wrote:Mr_Alfaas. War odaygan Emperior iska ilaaliya wa kii ninka jarmalka camaal oo jailka la dhiigay. :lol: Ma haadu hablihi erigavo uso dhiigtay. :lol: :down: war khaliid ha xanaaqiin wa kaftan uun.
war kan waala naaraaye looma joojiyo :lol:

ma ninka ku leh outsiders :lol: :lol:

Re: Sidee Looga Ciiday Ceerigaabo

Posted: Tue Nov 16, 2010 5:09 pm
by The_Emperior5
Siciid85 wrote:Mr_Alfaas. War odaygan Emperior iska ilaaliya wa kii ninka jarmalka camaal oo jailka la dhiigay. :lol: Ma haadu hablihi erigavo uso dhiigtay. :lol: :down: war khaliid ha xanaaqiin wa kaftan uun.
:lol: :lol: :lol: :lol: habluhu ha korraan horta