Page 1 of 1

CIID in KALSHAALE

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:41 pm
by malakumod


Dagaal qadhaadh oo maanta qarxay deegaanka Kalshaale, ayaa lagusoo waramaya inuu keenay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Mar aanu khadka telfoonka kula xidhiidhnay degaanka uu dagaalku ka socdo ayaa waxaa naloo xaqiijiyey in afar ruux ku naf waayeen dagaalkan, dhaawacuna uu aad u badanyahay.

Dadka ku geeriyooday dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay yihiin 8 kasoo jeeda beesha Bariga Burco, iyo nin kasoo jeeda dhinaca Buhoodle, inkastoo ay jiraan dhaawac culus oo soo gaadhay labada dhanba.

Wararku waxay kaloo sheegayaan in gurmad iyo ciidamo urusi lagu jiro labada dhinacba, welina dagaal goos goos ahi socdo oo lays hor fadhiyo.

Deegaanka Kalshaale oo ka tirsan degmada Buhoodle ayaa beyahan waxaa ka aloosnaa colaad, kadib markii niman kasoo jeeda bariga Burco oo ay weheliyaan maleeshiyo maamulka Somaliland ahi ay isku dayeen inay goobtaas ka qotaan Baraago. Arrintan oo dadkii deegaanka lahaa si adag ugasoo horjeesteen.

Shabakadda LASANOD ayaa weli ku hawlan xog ururin ku saabsan dagaalkan, wixii hadba kasoo kordhana waanu idinla socdsiin hadii Allahh idmo. waxaanu idinka raaalli gelinynaa hadii wax iska bedelaan wararka horudhaca ah ee naga soo gaadhaya goobta dagaalka.

Re: CIID in KALSHAALE

Posted: Tue Nov 16, 2010 4:43 pm
by NewHargeisaGirl
^^
Does your sweetheart know that you are very Anti-SL :roll: