Page 1 of 1

Paranoid Jidbaale claims there is Gurmaad from Gashaamo

Posted: Thu Nov 18, 2010 1:27 pm
by Siciid85
Horufadhi, Xadhadhan, Maygaale Iyo Kalshaale Oo Wada Furin Noqday Iyo Maleeshiyaadka SNM Oo Tiknikadii Ku Wareejiyey Beeshooda.
Written by Jidbaale.com
Thursday, 18 November

Buuhoodle(Jidbaale.com):-Wararka ka imaanaya Deegaanadii dirirtu ka socotay ayaa sheegaya in Furimo badan ay fureen beelaha Isaaq, waxaa la sheegay in saaka maleeshiyaad fara badna oo gurmad ah soo buux dhaafinyeen magaalada Xadhadhanka, kuwaasoo ka yimid magaalada Gaashaamo ee gudaha Ethiopia ku taalla. Maleeshiyaadkan Xadhadhanka yimid ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Habaryoonis.

Degmada Horufadhina waxaa la sheegay in ayadana la isku horfadhiyo, ka dib markii ciidamo Gurmad ah oo reer dhagaxeed ah, kana soo kala jeeda beelaha Reer Yoonis ee Habar-Jeclo, Cumar iyo Sacad Yoonis ay gurmad ahaan usoo gaadheen. Deegaanka Kalshaale iyo Maygaagle ayaa ayagana weli waxaa ka jira is horfadhi ciidan. Gurmadka ay soo fidiyeen beelweynta Isaaq ayaa waxaa noo xaqiijiyey Odayaal iyo waxgarad ku kala sugan deegaanada la isku horfadhiyo.

Dhankale waxaa ay noo xaqiijiyeen odayaasha iyo weliba qaar ka tirsan weriyeyaasha oo gaadhay jiidaha dagaalka in maleeshiyaadkii SNM ee sheegay inay dhex-dhexaad yihiin ay Hubkii Tiknakadahaa ku wareejiyeen Maleeshiyaadka kala jooga deeganadaasi, halka Ciidamadii qaarkoodna inta dharkii dirayska ahaa laga saaray dhar shacabna loo geliyey laguna dhex daray beelaha.

Arrintan ayaa marka dhankastaba laga eego u eg mid weerar qaawan ah, waxaana la sheegay in wafti iska dhigayey inay yihiin nabad-doonno, oo ka socda maamulka Hargeysa ay ka qayb qaadanayeen dagaal gelinta. Waxaana ka mid ah nimanka dagaalka hurinaya ku xigeenkii hore ee Daahir Riyaale iyo Maxamed Kaahin, oo ahaa ninkii Hoggaaminayey dagaalkii Haye sannadkii 1984kii.

Waxaa sidoo kale haba yaraatee aan lagu soo darin Horgallada deegaanka u dhashay, kuwaasoo laga qarinayo hubka iyo Rasaasta la qaybinayo, waxaana qaarkood la sheegay in loo Hanjabay.

Re: Paranoid Jidbaale claims there is Gurmaad from Gashaamo

Posted: Thu Nov 18, 2010 2:12 pm
by kaliil
kuwa jidbaale wax kusoo qoraa caadi maaha.wax ka cuqdad badan oo ka been badani ma jiraan. maxaad waxaa ka akhrisataan?

Re: Paranoid Jidbaale claims there is Gurmaad from Gashaamo

Posted: Thu Nov 18, 2010 2:51 pm
by LiQaaye_TDH
:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

Allah Yaa ilaahay Yaqaana.... Goorma Habar Yoonis Loo Baahday Miyada ay Bilaabatyba :lol: Solomadow oo Keliya aya wallahi iso Habar wacatay, Dagaalkina Macal Muu na soo Gaadhin anaka oo Qarka uu Saaran Buuhoodle Hawdkeeda.. Iskaba Daa Habar Jeclo......

Yesterday Solomadow took over 2 Villages Maygaagle and Xadhaadhanka, and the so called somaaliland army is forcing us to leave, even thou i heard they burned houses and huts :lol:

This is just the Beginning of something that wont stop to HJ Moves into Buuhoodle 8-)

Re: Paranoid Jidbaale claims there is Gurmaad from Gashaamo

Posted: Thu Nov 18, 2010 4:46 pm
by Siciid85
Kalil & Liqaaye it's also on Horufadhi their other website. Wuxu propagenda badana daad aan meesh ku jiirin bii iska so dheex-galinayan.

http://horufadhi.com/?p=1044