IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by GENERAL_SNM »

We need to support al-shabab in a big way. Like provide all those restless wadads in Somaliland free tickets to the south. :up:
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by JeyR »

GENERAL SNM... HERE THE NEWS, CLICK HERE, I AM SURE U WILL LOVE IT.. READ IT
http://riinji.com/full.php?id=6402
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by GENERAL_SNM »

Why would they give you weapons when they are being over run by al-shabab? They have bigger problems then your little militia can imagine and your waiting for support from them. You guys are getting more and moe desperate and now that you have pissed of the solomadow, they will stop anything going into buhoodle from Burco or Somaliland. Or have you guys forgotten Buhoodle is in Togdheer. :D

''Solomadow markay kacdo waa cidanka yurube'' :up:
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by Knight of Wisdom »

Jeyr...it says that two thousands soldiers have been signed for the State of SSC. I don't understand. Are they going to be coming from the South? If so, are they mixed clans or strictly Dhulbahante?
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by Knight of Wisdom »

GENERAL_SNM wrote:
''Solomadow markay kacdo waa cidanka yurube'' :up:
I have been in UK and I have never met a Solomadow. Not to mention, I have meet 6 Habr Jeclos in my entire life. :lol: :lol:
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by Executive »

SSC :som: :up:


The Darwiish unity is getting stronger :up:
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by GENERAL_SNM »

You guys killed a punch of innocent civillians celebrating eid. :down: But you guys seem to think it was a victory rather then the shameful act.
But here is what a Solomadow man said to you guys in 83, and how true it is today....

Dhawaanahanba waataanan tirin dhaantadii gabaye
Ma dhudhuminin maansooyinkii dhumucda weynaaye
Ma dhaafine waxaan damacsanaa inan war dhuugaaye
Marse haddii dadkii dhoohanaa dhedadu ii keentay
Ma dhursugo'e waa inan naxwaha ugu dhaqaaqaaye

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Ku dhanqalante meel milicahoon dhiri ku oollayne
Dhufaan rarey ah waa lagu yaqaan dheeha roorsiga'e
Isba kuruska dhaabmaa hodiyo dhibida bawdyaaye

Hadba qaalimmada waw dhunshaa dhuurta doogga lehe
Dhudhubaha gahaydha leh wuxuu dhiriqda saydhaaba
Dhurwaa ba'an haddii lagu sallido dhimasho qoodeeye
Ma dheereeyo goortay durduro dhagac ka siiyaane
Kolka uu halbawlaha dhuftee dhuumatada gooyo
Dhuunyeedhis mooyee ka samir tamaro sii dheere
Halkaasaa waraabuu dhigaa kaga dhammeeyaaye

Adiguna dhiggiisaad tahay, iyo Dhoodi oo kale'e
Weligiin dhulmahantoow afxumo dhaha ma deysaane
Dhengadaana waa u cabbantiin sida dhabeeleede
Mar ka ay belaayadu dhacdee talo dhanaanaato
Hadhowbaa shimbiro dheelayaa dhiillo kuu noqone

Hadhowbaad Dhilaalliyo ka qaxi goobki dhererraaye
Dhurdihii Marqaan iyo hadhoowbaad Dhacar ku noolaane
Hadhoowbaad abtoow iga dhin iyo dhihi warkaagiiye
Nabad nagu dhaqaay iyo la iman odayo dhaadheere

Hadhoowbaa dhibiilaha tashigu dhiiqo kaa geliye
Hadhoowbaa raggii dhereggu hodey dhoobbi ii noqonne
Hadhoowbaad ratiga dheeliyiyo dhaanka ii raraiye
Hadhoowbaad kabaa ii dhabdhabi dheguhu hoolmeene

Hadhoowbaad dhufaysyada burciyo weelka ii dhiqiye
Hadhoowbaad riyaha iigu dhigi dhoofka waxareede
Hadhoowbaad dhamiijada ka guri naylihii Dharo'e
Hadhoowbaan xammaal kaaga dhigan taagan dhoobada'e
Hadhoowbaan dharreecida malkhabad dhoorka kuu sudhiye
Hadhoowbey dharbaaxada ilmadu dhaax ku gobo'layne

Afartaa dhammeeyee waxaan hore u sii dhaafshey

Maandhoow dhul lama maagi karo dhagaxyo jiifaane
Maandhoow dab lama sii dhex galo dhuxulo waaweyne
Maandhoow tog lama dhaafi karo daad ku soo dhacaye
Maandhoow libaax looma dhaxo meesha dhawrta lehe
Maandhoow Yaxaas laguma dhego miciya dhaadheere
Maandhoow Abeesada dharqada looma dheelmado'e
Maandhow dhayali looma maro dhuunta miinada'e
Oo maandhoow maroodiga dhabta ah looma fool dhigo'e

Dhasha reer Isaaq waad taqaan dhiirri iyo xooge
Weligeed gob loo dhaartay waa dhega adaygtaaye
Hadday dhirifto waa lagu og yahay dhac iyo duullaane

Jabhadaa la dhuray iyo sengaha dhabarku weynaaday
Dhallinyarada loo tababaree sidata dhawr qaadka
Hubka dhacaya Taangiga sidii dhibicda loo keenay
Ninkii dhimanayiyo waxan ogeyn dhaaftidii madhane
Bal an dhawro maalmahan danbay dhibi ku haysaaye
User avatar
LiquidHYDROGEN
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14522
Joined: Fri Mar 16, 2007 10:48 am
Location: Back home in Old Kush

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by LiquidHYDROGEN »

Inshallah the government of Somaliland will deal with this nuisance. If the criminal confederacy of warlords called the TFG wish to arm hillbillies then the Government of Somaliland should see it as an act of aggression on there behalf and the undermining of the territorial rights of Somaliland. I say we should say arm and provide assistance to al-shabaab in return for these nabadiids treacherous acts.
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by JeyR »

GENERAL_SNM wrote:Why would they give you weapons when they are being over run by al-shabab? They have bigger problems then your little militia can imagine and your waiting for support from them. You guys are getting more and moe desperate and now that you have pissed of the solomadow, they will stop anything going into buhoodle from Burco or Somaliland. Or have you guys forgotten Buhoodle is in Togdheer. :D

''Solomadow markay kacdo waa cidanka yurube'' :up:
GENERAL SNM... THE REASON WE WENT THERE IS BECUASE TFG IS A RECOGANIZE SOMALI GOVERNMENT AROUND THE WORLD, UNLIKE YOUR SO CALL S/LAND. WHAT WE NEED FROM THEM IS TWO THINGS. 1)TO TELL THE WORLD SSC IS STATE WHICH IS FREE FROM SL AND PL. ONCE THAT HAPPEN THE INTERNATIONAL COMMUNITY WILL GO HEAD AND DEAL WITH SSC INSTEAD OF SL AND PL. SECONDLY, WE WILL GET SOME WEAPONS WHICH WE WILL USE TO PUNISH YOU.
FOR THE BUUHOODLE PART OF TOGDHEER? NOPE, YOU WRONG....WE CAN'T SHARE ANYTHING...
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by JeyR »

Knight of Wisdom wrote:Jeyr...it says that two thousands soldiers have been signed for the State of SSC. I don't understand. Are they going to be coming from the South? If so, are they mixed clans or strictly Dhulbahante?
CAUSIN, THEY ALL WILL BE DHULOOS BUT THEY WILL PAY THEIR SALARY, REMEMBER XAMAR LACAG BAA LAGU CUNAA, WE WILL GET OUR SHARE FROM INTERNATIONAL COMMUNITY...
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by JeyR »

GENERAL_SNM wrote:You guys killed a punch of innocent civillians celebrating eid. :down: But you guys seem to think it was a victory rather then the shameful act.
But here is what a Solomadow man said to you guys in 83, and how true it is today....

Dhawaanahanba waataanan tirin dhaantadii gabaye
Ma dhudhuminin maansooyinkii dhumucda weynaaye
Ma dhaafine waxaan damacsanaa inan war dhuugaaye
Marse haddii dadkii dhoohanaa dhedadu ii keentay
Ma dhursugo'e waa inan naxwaha ugu dhaqaaqaaye

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Ku dhanqalante meel milicahoon dhiri ku oollayne
Dhufaan rarey ah waa lagu yaqaan dheeha roorsiga'e
Isba kuruska dhaabmaa hodiyo dhibida bawdyaaye
Bal an dhawro maalmahan danbay dhibi ku haysaaye


HORTA DAGAAL DHULOOS IYO ISAAQ AMA HABAR JECLO DHEXMARA WAXAA U DANBEEYEY HAYE, DAGAALKAANA WAAD OGTIHIINOO DEE WALAAHAY SIDA DAGAALKAN LAYDIIN BARYEY BAA LAYDIIN BARYEY OO LA IDIN YIDHI DAGAAL MA FIICNEE AAN ARINTA WADA HADAL KU DHAMAYNO, WAAD DIIDEEN, MARKII DAGAALKU BILAABMAYNA WAABAD YAACDEEN OO MAGAALADII OO CAMIRAN BAAD KA YAACDEEN. MIDA KALE QABIILKAN AAD SHEEGAYSO EE SOBOMODOW MAMBA MAQAL... WAXAAN KUU SHEEGAYAA GABAYGII AADAN CARAB EE HAYE OO DAGAALKAA KA SHEEKAYNAYA WAAKAN, WAADNA OGTAHOO DEE MAGAALADII HAYE WAA LAQABSADY MAALINTAA, RAGIINIINA WAX LA LAAYEY IYO WAX LA QABTAY BAY NOQDEEN... WAA KAN GABAYGII ALA HA U NAXARIISTEE AADAN CARAB UU HAYE KA TIRIYEY.

Codkiisuu bogtaa aar haduu coodi loogsade’e
Habeenkuu cashada deeqda helo camal higoodkiise
Cartankiyo jibaadkaad waxuu cunay ogaataaye
Anaguna caraad baan aqaan caawa oo kale’e
Cuud iyo hadaan goobtii helay amase ciilbeelay
Warku how cadaadee bal maan caalamka u sheego
Inkastoonan curadba u ahay inaan canaan qaado
Colka oo duulan maalintii hadii la i caleen saaray
Cimrigiisu nin uu dheeryahoo caarif aan ahaye
Waa lagu casali baan is idhi caana waad tahaye
Caqligaan ka fiirsaday tashiga kii u cidhib roone
Waxba nolosha lama caabudee ceebta ma ilaashay

Kolse hadaanan caafiyad dab iyo ciidan tabanaynin
Casar iyo inaan duhur wax galo caariyaan bidaye
Waa caado tuug galab in aan ceelka weeraro’e
Ma cadceeda oo soo baxdeybaan cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miyaa samada caad fuulay
Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay
Markii caara dhuubtiyo la riday saban cabaadaaya
Shinbiraha cidoodiyo jugtii fule ma cayntaaray
Ma caraystey qaaraan dhulkaba cagaha saaraynin
Geesiga dagaalka u cinbaday ciidhe ma utoogtay
Cirka lama marshee shiishka hoos ma ugu wada ciirshay
Ma ku culay wax badan buu buntukhu naga cabaysnaaye
Midna looma caaline sidii cawsha ma laynay
Caydiga ma laynee nin raga caymo ma udiidnay

Dhaaxaa kufrigu caawiyee nagu cadaadsheene
Ingiriis carow waana kii cawda loo jaraye
Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin

Haye waa carada ay dhawaan nagu cidhiidhyeene
Caasimada hawd buu noqdiyo cadan yartoodiiye
Isagoo camiran baa doraad la igu caasiyaye
Kun calaamad laan soo dul dhigay oo cadaawaha’e
Bal inay cawaan wuxu yihiin malo caruureed leh
Dhar cagaaran iyo mood wixii guriga ceegaagay
Ilaa cadayna kama qaadanino weys cajabiyeene
Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene
Ma ku caranay awrtuba dhirtay caasha marisaaye
Celiyaayda fiigaha miyaa caato nagu reebtay
Ku waa caayayee eray xun sow kama cadhoon waayin
Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye
Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay
Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma’aha

GABAYGA WAAN SOO GAABIYEY, MARKAA DEE WAYNU IS NAQAANAAYE BAL AAN EEGNO WAXAAD LA TIMAADAAN..
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by Knight of Wisdom »

Jeyr, why are you ignoring me? :|

Ina adeer, I asked you a question and you never answered it. Anyways, I wanna ask you, what happened in Dagaalki Haye? I heard it was back in 1984.

Who lived in Haye?
Who lives there today?
What caused that war ?

:? :? :?
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by samadoon-waaxid »

who said the TFG has no weapons,the AMISOM weaponary wearhouses are over flooded with arsenal and new toys that will last them for the next few years,complementary from the US & EU :up: :som:
samadoon-waaxid
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4228
Joined: Tue Feb 10, 2009 9:48 pm
Location: telling Siilaanyo's daughter ictiraaf bed time stories

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by samadoon-waaxid »

Knight of Wisdom wrote:Jeyr, why are you ignoring me? :|

Ina adeer, I asked you a question and you never answered it. Anyways, I wanna ask you, what happened in Dagaalki Haye? I heard it was back in 1984.

Who lived in Haye?
Who lives there today?
What caused that war ?

:? :? :?
knight here is ur answer

haye was a HJ town. the war was caused by SNM bandits led by ina kaahin. what happend was that a HJ guy shot nin Khalid ah and the elders of the HJ wanted to hand over the shooter to the victim's family,but ina Kaahin threatned the HJ elders to not do that,so when they failed to hand in the killer the war was on,Dhulbahante entered the town and the SNM were annihiliated,they basically emptied the whole town and left everything in it like a free grab,thats why Adan carab who witnessed the battle said he thought the town was like a free carwo(big store full of goods), a little over 460 me were killed from the HJ side that day. here is few lines from Adan carab's poem that are descriping what I just said.
Ma cidlaan ka helay gaalo aan lagu cabanaynin
Carwaan mooday subaxdii markii ay nooga carareene
Ma cabiidshay ina kaahin baa loo cimaamadaye
Cawaday anoo nool hadii aan calaftidaa gaadhay
Markan soo cimraysiyo xajkii u citiqaad ma’aha

in the last two lines he is basically saying he colored his hair red(the color of hina) that day with HJ blood, that now its obligatory for him to go to hajj(it was the tradition of the older somalis men to dye their hair with hinna when they going to the hajj) :lol: :lol:
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: IF THE TFG ARMS SANKA SADO CALI..

Post by GENERAL_SNM »

The bare faced lies you are writing have no relationship with reality....
1, Haye was a Reer Dahir town nd after the fight its still a Reer Dahir town. If you had won why did you not take it like we take your towns when we win?
2, The SNA with your leaders Ina Dafle supported you with arms and men power, still you lost.
3, You only have one man who tried to put at spin on the truth as it was clear for any knowledgeable person you had lost..

I will list you the amount of poets who have commented on the action.....


Karbashki Haye......


Dagaalkii Haye oo gabayo badan laga tirshey waxa ka mid ahaa tixdan la yidhaahdo “Keef Xaalak” ee uu Samatar Dakharre ugu jawaabayo nin gabay ku faanay oo Aadan Carab la yidhaahdo. Aadan Cara boo malaa guusha u yaqaan xabbad la iska rido ee aan xisaabin raggii, saanaddii iyo taakulayntii ay ku waayeen Haye ayaa tirshey gabay ay ka mid ahaayeen;

Kolse hadaanan caafiyad dab, iyo ciidan tabanaynin
Casar iyo inaan duhur wax galo, caariyaan bidaye
Waa caado tuug galab inaan, ceelka weeraro'e
Ma cadceeda oo soo baxdeybaan, cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miyaa, samada caad fuulay
Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay.

Gabaygu u ekaa tixdii “Habbis” ee Maxamuud Daallin ka tirshey hardankii u dhexeeyey Habarwaa iyo dhawr jilib oo HabarJeclo ah. Iyadoo la wada og yahay ceebtii Shirshooraha iyo Gaaskii ciidanka ahaa ee taageerayey ka raacday Haye, caqliga ayaa diidaya in nin la ciilay gabay noocana tirsho.

Markii gabaygaa Aadan Carab la maqlay waxa ka jawaabay dhawr nin oo uu ka mid yahay Xaaji Cabdi-gii Reer Daahir. Samatar baa Xaajiga gabaygii ku celiyey oo yidhi adna xaqiiq baad ka gabayda ninkaad u jawaabaysaana wuu iska faanaye maa redidid. Cismaan Dawiil oo meesha labada Abwaan fadhiyeen joogay baa Samatar yidhi “Samatarow adigu maad ninkaa cidlada ka faanay wax tidhaahdid” markaasuu Samatar gabaygan ka tirshey isla goobtii. Isagoo Aadan Carab la hadlayana waakii lahaa;


Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e
Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey
Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay
Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera
Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey
Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

Digniin: Gabaygan ma dhamma oo intii aan cajaladda maqalkeedu noo saamixin waan ka boodnay:

1. Kaafleyda maansadu beryaha, iguma kaarrayne
2. Waxaan luuqda koolkoolin jirey, laygu kari waaye
3. Karaahaystay haasaawahaan kow ahaan jiraye.

4. Kaftan iyo dhabtoonna uma marin, Koofil dabadeede
5. Maantaa kalkood galay tixii, kaydsanaan jiraye
6. Koow dhaha Cismaanoow haddaan Koobbi qorayaaye.

7. Adigoo kashbacay oo sidii Kebesh u xaydhoobay
8. Oo kadimo geeliyo xeryaa adhigu kaaceero
9. Oo Kobo caleenliyo xareed kuugu kala soofay
10. Oo lacagtu kuu kiilan tahay kiishaddiyo jeebka

11. Oo kibis xalaaliyo nimcada kiribku kuu buuxo
12. Aad dumarkeed koodii kore iyo Kaaha la cawayso
13. Kaftan iyo cayaar laguma galo kabar colaadeede
14. Waxa nabadda lagu kaydsadaa koos adduunyaha'e.

15. Kooraa raggii saari jirey kaynta laga guuray
16. Ee uu kaskoodii qabaal kaban aqoon waayey
17. Mar hadday karuur iyo helaan kaynta midhaheeda

18. Oo uu kacaankuna ayido, oo kooras ugu deeqo
19. Oo Kaarihii dawladdiyo kolanyo loo dhiibo
20. Kartidiisa Daaroodka waa kibir xumaanshaa'e

21. Iyagaan kifaaxeey xornimo kaalinna u joogsan
22. Kuraasida la wada saaray iyo koodhka loo geliyey
23. Kooskaba qabsada waa wixii kaday Shirshooraaye.

24. Kuubba iyo sidii Xabashidii la isu keenkeenay
25. Kulubyada la soo ururusaday iyo Kirib calooleedka
26. Kuukuuyadii ina Siyaad idinku koolleeyey
27. Waataad ku taamteen waxaan idin kafayneyne

28. Annagana Kariimkii allay kiisa noo tahaye
29. Isagaannu kaalmaysannaa keli ahaantiise
30. Kaayaha aduunyadana waa naga kor qaadaaye
31. Kutubtiyo wixii aan ahayn koolajiga diinta
32. Karaahiyada waan necebnihiyo kulanka shaydaane.

33. Marse haddii dagaal loo kacoo laysku kululaado
34. Kufri iyo islaam uumiyuu naga kaxayn waaye
35. Kitoo miidhan iyo baannu nahay keligi laayaane
36. Kabiir iyo saqiir Habar Jecloo kaahiney hurudda
37. Waatay kajiiddada xumaan nagu kalliifeene
38. Kaambeynka waatay galeen karamo duullaane
39. Kamaandowska Reer Daahirkii karinta hawd raacay :clap:
40. Kamballada guryaha geelashoo koone uga foofay
41. Oo uu kormeerii la jiro kaynta hore joogey
42. Iyagay kornaylliyo wataan, kibirtan loo doortay :clap:
43. Kumanyaal hubkoodii sitaa koox yar weeraraye. :clap:

44. Ka kacayda qaylada, warkaan cidiba noo keenin
45. Sidii Kaamil-koodhkii fadhiyey, kodayartii buurta
46. Kob shareeran bay ula galeen kaara-dilihiiye
47. Markaasay kamiis ula dhaceen kii la hayjadaye
48. Ma kor marine shiishkii, siday kamarad haystaane
49. Kurkaa lagala eegtiyo wadnaha kulubidiisiiye
50. Waxba yaan kinaayayn daraan noo kufba ahayne
51. Kashifkii qabsaday reer Garaad koosku ma ogaaday
52. Ma karaama seegeen raggii kaafi laga waayey
53. Kibaaraad miyaa laga diliyo Kaabbe wada naaxay
54. Konton iyo sagaal dheer miyaa lagu kabaal qaaday
55. Kulaanbayda iyo xuunshadii kaday miyaa haagay
56. Kal biyo ah sideedii tukuhu maw kabbaday dhiigga.

57. Kulaylkiyo rasaastii markii keebka lagu waalay
58. Kufur beenayaashii miyaa kabala'aan yaacay
59. Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e
60. Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey
61. Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay
62. Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera
63. koley wira mar soo roga miyuu kari awood waayey
64. Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey
65. Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

66. Kacaannimada Buuhoodle waa lagu kalsoonaaye
67. Kobcintii dhaqaaliyo wixii kaalmo lagu siiyey
68. Kaydkii u oollaa miyaan kiilo laga qaadan
69. Ma kelyay u waayeen rag waa kini adaygaaye
70. Koonii markii laga gudbiyo kaalintii debedda
71. Ee uu dagaalkii kordhee kooska wada gaadhay
72. Kebeddii Salmaha, Ciidankii Kabar Ugaadeenya
73. Kambalkeeda Caynaba wixii Kaare hoganaayey
74. Kanooniga madaafiicda, iyo kolanyo jiidaysa
75. Koolaaftankoodii intoo koosan laga gaadhay
76. Kubaddii cagaa iyo sidii, kolayga maw laadnay
77. Kanaalkii furraa iyo nugaal ma uga koor goyney
78. Iyagoo kal dhaafay oo harraad kaynta hoganaaya
79. kol inay daraan ceelashii kalax ma loo diidey
80. Keenada ma daadsheen sidii Koran-bacaad awra
81. Kalcas wiilashii joogay iyo karinta taaggeeda
82. Ma kalooyaduu caayayaa kelebki naafeeyey
83. Waxba yaanan kiilomitirin kaayihii dhacaye
84. Kun awoowo taariikhdu waa koobi noo qorane
85. Korkaa laga hayaa Aadanow kulantideenniiye
86. Kaamkii Taleex iyo illaa, Karin adoo daadsan
87. Nimankaa kadeedkaa qabteen idinka kaalmeeyey
88. Ka abaal dhacaa Reer Isaaq talo ku koobteene
89. Kutaantiyo sidii baw cunteen, dhiigga oo kale'e
90. Kalgacaylka iyo raaxadii, waa ku kibirteene
91. Duqsigii kunbaday baad tihiin fuudki kululaaye
92. Nin waliba wuxuu keensadaa lagu kaxeeyaaye
93. Keef-Xaalak waataad nimcada kadabsan weydeene.
------------------------------------------------------------------------------

Markii dagaalkii dhacay ee guutooyinkii Afweyne, Dhulmahante iyo Daaroodkii ay cagaa ku wateenba dhawr jilib oo HJ ahi cagta mariyeen ayuu abwaanku gabaygan tirshay isagoo tixraacaya buraanburkii ninka dhulmahante oo malaha markuu arkay in hubkii iyoo Ciidamadii Qaranka lala hareer taagan yahay ku naalooday in uu guul aanu ab u lahayn hantiyi karo. Waxa caddaatay in inkastoo Daayeer uu Habar-Dugaag oo dhan shiriyo oo wuxuu tab iyo xeelad hayaba madasha keeno inuu sed Libaax sun ka yahay. Waxay arrinkani ina xasuusinayaa gabaygii Abwaankii weynaa ee Maxamed Nuur Fadal uu lahaa;
Bulbulloow Libaax iyo Dawaco boower kala roone
Haddii uu bulxamo Aarku waa bili cuslaadaaye
Waxan nahay rag lagu beegi jirey boqol ninkoodiiye

Abwaanku wuxu gabayga oo arartiisu aysan dhammayn ku bilaabay sidatan;

........
Meeshiyo anoo qaydleh baan qaari ku ahaaye
Qalin-duurrayaashaan afxumo qaladba moodeyne
Qurux maleh nin caytamay sidii dumarka qaarkiiye
Iga qoro qasiidooyin baan kuu qaddimayaaye

Aduunyadan qaskiyo weerarkiyo qaxarka loo uumay
Ee qaboowga loo diiday ee laysku qalanaayo
Ninkii gelin qadeeyaba waqtigan qoolka gelinaaya

Waataan qabkaagii ku idhi yuu qar kaa ridine
Waataan qasaaraha ku idhi qoorta haw dhiganne
Waataan xumaan kaa qabtiyo qoomihii hore'e

Waataan cajlado kuu qatimay waano qiiro ahe
Waataan hawada qaadday idhi qaaradaa mariye
Qasdigaygu waa tuu ahaa nabadda qiimeeye

Naf uu qaamudkeedii galaan qabarba faallayne
Raggii qayladaadii ku kacay waakuwaa qubane
Haddaa meydku qadawgii bixiyo qariyey dooggiiye

Waakaa qalfookii Hayiyo, Qararro yaalyaalle
Imikaa dhurwaa qawdhamiyo haadku qodayaaye
imikaa qaxootigu Nugaal sii qulqulayaaye

Dhallaan qayladii waxa la yidhi waa qaboonada'e
Waayahan qalaadkii dhinte iyo korisu qaadkiiye
Wadnihii na qayraamin jirey waa qufulateene

Qosolka iyo haasaawihii kuma qaxwaysaane
Ma qafiiftay Uusloow adaa huriyey qiiqaase
Ma qatallantay waatii Siyaad iilka kuu qoday'e

Ma qunbacatay goortii warkoo qoran laguu keenay
Ma qandhootay geerida markaad gelisay qoyskiinna
Ma qayirantay maantaan tolnimo kula qalloocnayne

Ma qiyaastay noloshaa qabteen qaalinnimadeeda
Ma qiirootay waa lagu lumaa kibirka qaarkiise
Ma ka qooftay nimankaad lahayd qaata amarkayga

Ma qadderisay waa mawd qarsoon qaranka reer shiikhe
Qusurkaba adaan gaadhin iyo badaha qooqaaya
Qaxarka iyo kibirkii miyaa kaa qadhqadhinaaya

Qalalaasaahaagina miyaad qaadi kari weydey
Jeerooy Qunbuladuu dhacaan laysma qaaddimine
Qira gaabnidee sowdigii col u qalqaalaayey

Qudh la gooyo iyo dhaawac iyo maal la kala qaado
Qardoofadu rag waw soo taxnayd taniyo Qaabiile
Qammuunyada ilkaha iyo dibnuhu waa qashiinnimo'e

Nin xumaan qoday caadki tahay qoomamiyo ciile
Qabtii Samatar galay waadigaa qoobka soo dhigaye
Haddaad gacan-Libaax qaad is tidhi quusashaa xigiye

Ninkii Qaanso iyo leeb filanayoow qabarki weynaaye
Sunta qaraxday ciiddiina waa qori madoobaade
Waxba yay is qoosaalintii ila qadhaadhaanne

Haddaa nabaddi aad quudhsateen qiimo leedahaaye
Qaraabiyo abtiga waa kolkaa qiran ogeydeene
Maxaan kula qabtaa waatanoo qulubtay Uusloowe


-----------------------------------------------------------------------

Gabaygani wuxu jawaab u ahaa buraanbur ay koox dibkanaaxyadii Daaquudka Afweyne midiidinka u ahaa tiriyeen iyagoo ay damacsanaayeen inay taariikh aan jirin samaystaan iyagoo hadafkoodu yahay inay ceebti iyo hullaabti gunnimo ee qarniyaasha saarnayd ay appeal ka qaataan.

Gabaygan wuxu koobayaa colaado dhawr ah oo tii "HAYE" ee 1983-kii ugu danbeysey oo dhexmaray Dhulmahante iyo dhawr jilib oo HJ ah. Markii xornimada la hantay waxay yididiilo weyne gashay dhammaan shacabka Soomaliyeed ee xalaal miiradka ah oo rajaynayey inay ka koraan qabiilkii waqtiga iyo waracyada badani kaga lumeen isla markaana u tafo-xaytaan higsashada quruumaha aynu ka hadhnay. Hadaba niyaddaas saliimka ah ee Soomalida 93% saaqday waxa jid-gooyo ku sameeyey dib-ka-naaxyo aan dan Soomaliyeed wadin ee hadafkoodu yahay inay fursad ay ku aarsadaan helaan. Halka Soomalida Abwaannadeedu ka gabyayeen Dayaxa tegistiisa waxa qoomkaas bukaa daba joogeen Colaadihii ahliga ahaa oo ceebo badani ka raaceen. Ma dhamma

Daarood buraanburay hadduu dux iga qaadaayo
Dhaaxay daliisheen habaar duq iyo waayeele
Daayinna iima qaadee iyaguu dib ugu laabmaaye
Doqon baanse garanayn halkay doogtu kaga taalle
Daaraanta abidkiinba waa dira lahaydeene
Dakhar nimu ku dhacay waa gartii inu dawaamaaye
Nimaan diley siduu iigu digan bayga degi weydey
Dameerkuba dushoo laga raruu dookhad kiciyaaye
Duunyaduu u liitaye si kale uma dinnaahsheene
Adiguna dammiinyohow inaad derejadaa joogto
Sheekada daciifkeed waddaa taa daliil u ahe

Damcad sheekadii aan lahayn looma daadego'e
Oo deelqaafku waa kaa dilaa deriska geeraare
Oo waa laga diqoodaa waxay dheguhu diidaane
sidayadaa dawaar loo marshaa daxal la'aaneede
Dahrigaaga geli maansadaan daayacc baa tahaye

Taariikh durugsan adigaa dalbaday inaynu doonnaaye
Degel-cuna, Hawaar iyo taniyo dooryaanle
Deris Habar Jecliyo baa ahaa duudda aad tahaye
Markii daaqa cawskiyo biyaha la isku daw dhaafo
Dirir lays qabsaday oon tolkaa dacar la leefsiinin
Ninna duunka kuma sheegi karo dir iyo daaroode

Darayada Jidbaaliyo cadduur Daranta ruuxeeda
Dagaalkii ka dhacay ee warmaha la is dabbaalsiiyey
Dooddiga fardaha maalintay didibtu hayn weydey
Darbadii cuskaday reer jibriil diifti waa weli'e
Bah Idarays diraac qudha ayaan dooxayoo jaraye
Sidii aan dugaagga ugu wadhay daab ma soo roganne
Dibna inay u soo ciidanshaan damacu siin waaye

Ararsame waxaan dabarjaray ugu darraayeene
Nimankii maryaha daabaca leh dacalka jiidaayey
Ee aan dardaray Teerigiyo, Daab-caddiyo Kaalka
Af Bakayle kama daabaqaan doobka soo hadhaye
Dibno aad qaniintiyo afxumo kuma daweeyaane
Haddaa digigixooteen degmadu waydin dacal tiille

Barkad doogta uu qabo haddaan diirka ka caddeeyo
Dubaaqadi God-Dhuub maalintaan dala'siguu laayey
Darka saan u wadhay ee tukuhu uga dul geeraaray
Danqashiyo hadday ciil qabaan daaraddu u dhow'e

Dugulyaxunta reer Jaamac way naga danbeeyaane
Duulkii xaglaha debecsanaa loo dardaar weriye
Oo waa dooxadii garab waxay dibu xasuustaane
Sacad yooniskii dili ogaa duur fog muu jiro'e
Waa kaa ku deyrane fadhiya yeyle iyo daade
Muuse-na dushay kala jiraan kii danqaababa'e
Haddii ay dubaaxsahaanna waa uga daraaayaane

Dulbiciid qubuurahan darbadhan duuga weli reebban
Dadbay kuu xigeen oo iyaba duudsi laga yeelye
Dirawgiyo higlada muuuqataa darib rag weeyaane
Axmed Garaad duntiisaa sidii dawri loo dhigaye
Digtii raydab-dhuub baad qabtaan dakharadeediiye
Dixdii Ceel-Bardaalana annagaa dooradda lahayne
Darka Caynabiyo, cuunka iyo, damasha Ceeldhaaba
Dibirootigii kaaga dhacay duun haddaad garane
Daad-guraysigii waydinkii Laasahaw degaye
Dulgaal iyo Goldheeriyo Galgalo, Dogoble meesheeda
Maantaan dalkaba kaa eryee debedda kuu saaray
Aan dorraato kaa dhigay miskiin duunyo laga qaaday
Eed Moqorka Dooryaanka weyn diirka ku cabbaysey
Ee aan ku duudsiyey ma dhalan duqi adoogaaye
Dadkuna haatan waa wada og yahay dunida joogaaye
Maxaan kaala doodaa horaan kuu daraa-tumaye

Afartaa dacwada aan ritiyo darar nin waayeel dheh
Doog-sheeg intaan idhi murtida, ma idin deeqsiiyey
Denbi kuma hadlaayee anoo daacad werinaaya
An daliisho suugaan da'weyn daammad baan ahaye

Way idiin darraataa nimcadu daayin abidkiiye
Duuflaal ma weydaan ibleys daasadaw tumo'e
Waxaan dani ku jirin buu mar qudha idin dukhuulaaye
Dabinkuu idiin dhigay siyaad maydan daalacane
Waxad duulal qaaddeen markaad doolar gurateene
Degdeg nooma saarteen hujuun daarran meel kale'e

Daafacaadda waa lagu yaqaan duulka aan ahay
Damaaciga raggii noogu yimi kama dam siinneene
Goortay daguugmeen wixii dulundulcaynaayey
Durba weer madoow iyo baroor lama dekaameene
Dooxii Hayiyo lama dhigeen dacalladiisiiye
Goortii wax duugiyo xabaal dedan la waasiiyey
Dirxi kuma dhasheen reer wacays danabyadoodiiye
Daba-nirigga Khaalidi mudday nagu dirraayeene
Duni aan hadda ahayn kuwaan Kiridh ka soo duubay
Durujaayadii sow ma rogin waa dalbanayeene

Samakaab sidii loo dabxaday ciil la dalandoolye
Daadduunka uu qabo Cigaal daawadii maqale
Ninna uma dub-naxo uurar-weyn daamankii jabaye
Duubiya-xun Hayaag, iyo yaxyaan diric u noolayne
Doofaar-qodkii bay sidii sarab dednaayeene
Diktaatoorradii Hagar u file inaanan daarayne
Daandaansi hore waa wixii didiyey reeraaye
Maantana sidii dogobyadii ma is dul saarsaarray

Cali Geriga soo dumay hadduu diirku xadantooday
Duul waxay yihiin iyo ab-baa ficil ka daarraaye
Waxay kala duddeysteen dekano laga dawaareeye
Dabadhilifku soo dire raggii daabbadda ahaaye
Hayeeshee ma diirsane markaan BoQOL ka dawlaabtay
Dabayaaqadii sow ma helin nimanki doonaayey
Doorroonahoodii sow sidii Deero lama toogan
Dugayeeyda Goor iyo Marqaan dumar la eedaanye
Dimcadkiyo sarmaantii waxaan idinku daad-xoornay
Daacuun markii lagu danniyey, iyo dulin inay beerto
Duqsigiyo qadhmuunkii ka kacay laga dabayl roorye
Dixdii looga yaac iyo halkay daribtu kaa tiille
Alloow yaa duddada nooga gura dayma xumadooda
---------------------------------------------------------------------------
Gabaygan oo aan dhammayni wuxu ka mid ahaa suugaantii laga tiriyey dagaalkii "Haye" ku dhex maray Reer Yuusuf iyo Dhulmahante oo wata Gaas ka mid ah Ciidamadii Qaranka. Gabaygu Ma Dhamma

Ba'da gabay beryaa Aadanoow beeg isma lahayne
Waataan boggaygiyo ka jaray bedenka feedhaaye
Caawana ragbaa igu balfee ma an bilaabeene
Bilaashaqalka iiguma baxdoo ma ihi bayd-gaabe
Mar haddaan barriinsado murtida waan bayimiyaaye

Burunjida Maroodiga ka weyn biliga reer Sheekhe
Haddii bacadku kululaado oo laysku bahardaadsho
Beenta laguma eertee runtaa lagu baqoolaaye
Badda jiifta iyo waxannu nahay buuro xoog badane
Bisinkaa ilaah nagu xawilay oonan baarriyine

Haddii uu banbaanuhu qarxoo beledku qiiqaabo
Baaruud haddii laysku rido amase Baazuuke
Oo lays ba'naansado rag waa kala boqoollaaye
Billad bay halkaa kala tagtaa baha xabuusheede
ishoon bidhiq la siinbay durbaba boqol ku saydhaane

Afartaa bineeyee haddaan baal kale u leexdo
Iyadoo badhaadha gugiyo berisamaad joogta
Oo ay barwaaqadu da'doo boga la maalaayo
Abidkoodba boqor jaahilay bigil u qaadaane
Basarki ilaahay ka qaad beledi Daaroode
Iyagoo bayaan u arkayay nabaddi biiyeene

Buuhoodle duulkii ku shiray jaray bidhaantoode
Beeshii Wacays Aadan iyo Hagarki baanaayey
Cali Gerigi baashaa u tegey biishka la cunsiiye
La bardaan biyii geed-quwaax baqa daraadoode
Biixiyaa mataanaha ka jabe reer Biciid yahane
Bogga Tuurwareen waxa ku go'ay boonti reer Gedo'e
Biirbiir la soo ururiyaan biidna kuu tarine
Balli Shiikh bartaa qararro, iyo bananki Heegaale
Bogcaddaa Hayiyo Qaydar-Jeex bower naga raacye
Teeriyo Birroolena waa badanyay meydkoode

Birjab baa Ugaadeen ku dhacay laguna baalbaalye
Buundadii Wardheer iyo ka carar baro Walwaaleede
Baqtigoodu waakaa ka uray webiga baalkiise
Allaylehe burdaa loogu taxay biidhi-qaatihiye
Billaawa-cadda Habar yoonisbaa goysey boqontiiye
Markuu Arab boggaa kaga riduu keenay bawdada'e
Haddii goob dagaal loo ballamo oo buunka la afuufo
Sacad Muuse waa badanyahoo keenyey baariga'e
Iyaguna bartay jiifsadaan looga kala baydhye
BeeBeega iyo Kaarahay kugu badugaane

Ninki belada heensaday ma helo baarax nabadeede
Berri waxaynu eegnaaba waa balanbalkiinniiye
banjartee halkiinnaa ku jira boobte taladiiye
-----------------------------------------------------------------
Gabaygani wuxu abwaanku tiriyey dagaaladii Dhulmahante iyo Faqashtii kalkaalin jirtey damceen inay ku soo ceshadaan dhulkii laga maroorsaday horraantii qarnigii tegey. Gabaygu ma saxna

Jawi gabay maantii naxwaha, jalasku ii daaro
Ayaan anigu been kuma jiree, Jiidha mariyaaye
Jabka dhacay ninkii Aadan Carab juuqna laga waaye.

Jiilaalka waatii la baday, jaynaf iyo ceebe
Kolkii lays jirrabay reer Garaad, jaahwareer noqoye
Jibba beena iyo laaqi waw, jamac salaadeede
Marka cadawgu kugu jawr falaa, lala jihaadaaye
Jimcihii la galay baa awood, loogu joogsadaye
Wixii Jabarti lagu faani jirey jeesna laga waaye.

Jamaamiyo Garoowiyo Marqaan, jinawga Buuhoodle
Hubka kii Jabbaan lagu ridaan, jeer la dhacayaaye
Markii jaxarku weedhiyo ka naxay, jalalawdii taarka
Jarraajurrood buuqa iyo, Jiibab iyo Taangi
Jidka xamar woqooyiga u kacay jaahilkii mariye.

Jiidali iyo Eyl wixii, joogay soo kace'e
Jinbaa soo hor kaca maalintuu, jabayo Daaroode
Laamigii kolkii laga jaray, jara habaabeene
Rabbi baa la jira reer Isaaq, meelu joogaba'e
Waa niman Jamaamiira, iyo Jiic Maroodiyahe
Waa Johorad xoogliyo Libaax, jeenyihii qaba'e
Kolka goob dagaal lagu jiraa Jibin la moodaaye.

Gobanimadu waa Originale (1), joomihiyo tiirka
Jirdaa iyo lafaha waxannu nahay Buurti JebelQaafe
Kolkii jilibka laysula dhigay, jilicsanaadeene
Jidbaaliyo sidii Raydab-Dhuub Jaanta lagu gooye
Teeriyo Nugaal iyo Jigjiga, Jimicsi loo diidye
Jaankii baddiyo Caynabaa, laysku joogsadaye
Jiidaha Hargeysiyo Burcaan jaadha ka hayaaye.

Waa niman nabsigu waa jiraa, jaar ka buuxsadaye
Kuwii diinta Jiinjaye (2) beddeley Jiinka iyo wowga
Ee shicibka Jaanjaamiyaa Jaanis(3) loo helaye.

Rag dagaalka juuno ah ayaa, jiitin weyn dhiga'e
Jailkiyo Istoodhada(4) wixii, jiifay laga saarye
Jeermaannadii naaxay iyo jiimbarkiyo Eyga
Judhii waxay dileen Faalso(5) iyo jeexa kii galaye.

Jeegaanta dhiigiyo didmada, jeedha dhan u yaacye
Jidhcastiyo addoonkii la madhi, jidhifta weynaaye
Jeeraaradii bay baqaha, jagac ka siiyeene
Jalaadkiyo cabaadkii ka baxay, jawda lala yaabye
Janankiyo Birgaydhada runtii, jooga laga waaye
Jigta danabka Kaaraha markii, Jaynka(6) laga gooyey
Ee loogu jiifsaday maalintii, jeerinkiyo ayda

Juucaanka gaajiyo harraad, jaaqulkiyo oonka
Jungalkiyo(7) bartii baa la dhigay, Jinici duullaane
Jirridii na boobtiyo, Cadceed(8) looma jiidh nixine.

Iyadoo jinsiyad loo xarbiyey, Jaawa dhicinteeda
Jabhaddiyo xisbigu waa kuwaa, joojay calankiiye
Jinawgiyo Karuurkii qabsade Jaammudka lahaaye
Xukunkii jariiriga dhaqsaa, loo jannabayaaye
Jamhuuriga cusubi maamulkii, jaarisoo wadoe

jiriiddada Afweynaa ka ruqay, jaahi gubayoow e
Mar jaraaid Ruushkiyo qarbigu, qorayey joornaalka
Jarmalkiyo Talyaanigu warkuu, jamac ku weydiiyey
Jawaabteeda muu qiran rag waa, kugu jujuubaaye
Jeesjeesigiyo bay arkeen, jaarri dhididkiiye
Jalaalaynka beentu dibna jiilka ku lahaaye.

Jareexiyo Dhulmahantoow murtida, idinku soo jeedda
Waxay godobtu jeebkiisa tahay, Jeedal dheeraha'e
Duqiinnaa janjeedhsaday kolkaad, shalay u jaamaysay
Aad Jaalle Aabboow lahay jiidashiyo qaabka
illeen waan u jeedaye halkay maanta iga joogto
janjadh amarkay waa nagu gefteen jiidh addoonsiga'e
-------------------------------------------------------------------------
Xalleef, Eebbe ha u naxariistee, wuxuu gabaygan ka tirshey dagaalkii Dhulmahante lagu wiiqay 1983-kii ee ka dhacay "Haye". Dagaalkan abwaanno aad u badan oo hayb walba leh ayaa ka gabyey, tixdanna wuxuu abwaan Xalleef kaga warramayaa badraddii (Adyadii) loola yimi Habar Jeclo iyo baqihii iyo baroortii lala guryo noqday:

Basharyohow la dagay geesahaad, bayr ku leedahaye
Buushbaa wadnaha kaaga jira, baydad goonniyahe
Waa waxa bahdii kaala baxay, beer kiraysaniye

Maxaad Baabullaha aar dharaar, ugu badheedhaysey
Niman beer libaax liqay maxaad, buud u maqashiisay
baruurtaada goosha ah maxaad, bahalaw siisay

boqnahaaga seedda ah maxaa, bir u dhaweynaayey
Maxaa bawdyihii kaa jebshey, iyo biixiyii dhabarka
Baqtigaaga wadhan Raydabdhuub, ba'e maxaa geeyey

Ma baraarugteen Baynaxoow, baadi baad tahaye
Ma ninkii bilaa guursadaa, bigil idiin qaaday
Ma Baan baa laguu furay dorraad, booligii qaranka

Badarkiyo Galleydii miyaa, idinla buurraaday
Diintii miyaa uga baxdeen, baahidii sebenka
Ballankii miyaa oofiseen, Baadariga Roma

Ma billaahidii baad gubteen, baalashi Quraanka
Badrad iyo ba'naan iyo baqdini, maydin baabi'isay
Ma burburay barbaar iyo raggaad, biiriseen dhimaye

Bilcilkii Haye ee Aadan Carab, baqa ku dheeraaday
Balli-Lebile, Heegalahay, beden ku foofaysey
Bogga laba-Fariid-yare waddada, baasha kaga taalla

Banka Qudhac-Dhallaan iyo halkiyo, Buruci Goosaalle
Illaa Boodda dheeriyo Marqaan, Bowdka Lebi-weyne
Baalidhaye Illaa Toommo iyo, barasankii hawdka

Bogga Goray jidbaaliyo badweyn, laanta bacaroorta
Bohol iyo Kulaaliyo xadeed, ilaha Beerweyso
Baalweyne iyo Daarseyiyo, taniyo Booc-Yeyle

Bashka Ceelafweyn iyo dhulkii, belelku qiiqaayey
Bananka iyo aydaba markii, weerar lagu baadhay
Buuhoodle iyo laasku waa, baraq nuglaadeene

Beelaa Dhulmahantoo dhanbaa, laga baroortaaye
Habarwaa bayuurbaa ku taal, aan bogsi lahayne
Bootaan shirshoorii hadduu, bacadka jiifaaye

Burdihi Taleex waayadii, booge kuugu reebye
Maantana cirkuu kuula baxay, beretenkiisiiye
Shaydaan buraanlaynayaa, babaca kuu saarye
Batarkii Ibleys baad cayaar, bilicle mooddaye

Biya aad cabtaa kuu sanqadhay, badalli roorkiiye
Idinkiyo Bukaasaba cidlaad, dad uga baaqdeene
Bilaash baysu raacdeen addoon, bar isma dhaantaane
bakayle iyo Galaw baan rafiiq, baafiya lahayne
--------------------------------------------------------------------------

Sxb. who really won. You have one poet I have 7 who confirm what the realiy on the ground is. Haye is owned by its masters. But anytime you guys are feeling brave dont be shy to let us know. Remember th when you play with us its a costly game and the end result is the lose of a town.... :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”