Cismaan Kaluun oo dalka dib uga noqday

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Cismaan Kaluun oo dalka dib uga noqday

Post by Siciid85 »

Cismaan Kaluun oo dalka dib uga noqday.
(Hadhwanaagnews) Friday, November 19, 2010

Cismaan Jaamac Cali (Kaluun)
Hargeysa(HWN) -Cismaan Jaamac Cali (Kaluun) oo muddo ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa dalka dib uga noqday ka dib markii uu dhammaystay booqashadiisii. Cismaan ayaa shalay ka socdaalay magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta.

Cismaan Jaamac Cali, oo uu socdaalkiisu sababay in bulshadu aad u hadal hayso, ka dib markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhinacna u saari weyday sifaha uu dalka ku soo galay, maadama oo uu aaminsayahay mabda’a federaalka Somaliya, ayaa mudadii uu Hargeysa joogay waxa uu la kulmay siyaasiyin iyo aqoonyahano kala duwan oo ka soo jeeda beeshiisa iyo weliba qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ee magaca leh, lamana garanayo waxyaabaha uu kala hadlay dadkaas oo shirarka uu la yeeshay ay albaabadu u xidhnaayeen. Mana jiro wax war ah oo ay ilaa hadda soo saareen xukuumadda Somaliland iyo Cismaan toona. Waxase la filayaa in Cismaan warbaahinta la hadlo marka uu ku laabto magaalada London oo uu markii hore ka soo kicitimay.

Wargeyska Geeska Afrika.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”