Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa dhowaan hadal uu u jeediyey shacabka Puntland waxaa uu ku daafacay siyaasada maamulka Puntland isaga oo si qoto dheer uga waramay dad aan wadin danta shacabka iyo deegaanada Puntland kuwaasi oo qaarkood ku jira dawladda FKMG Soomaaliya.
Madaxweynaha oo goob fagaaro ah kala hadley dadweynaha Puntland maalintii Ciida ayaa sheegay in la magacaabay Wasiiro ka mid noqonaya Xukuumada FKMG Soomaaliya, iyadoo shaqsiyaadka laga qeyb geliyay ee ka soo jeeda beelaha ku abtirsada Puntland ay noqdeen kuwa aan lagu soo xulin rabitaanka shacabka iyo la tashiga dawladda Puntland sida uu cadeeyay Madaxweynaha, waxaana Madaxweynuhu ku dhawaaqey in aysan matalin dadka iyo deegaanka Puntland Wasiirada la magacaabay oo gaaraya saddex Wasiir.
Madaxweynaha ayaa diidmada ragga Wasiirada loo magacaabay u cuskadey.
Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ragga saddexda ah labo kamid ah ee ka soo jeeda Puntland ee ku jira Xukuumada cusub ee Farmaajo in aysan ahayn kuwa matali kara Puntland, waxaana Madaxweynuhu ku sifeeyay in ay ka mid ahaayeen rag ay isku fikir yihiin saaxiib aad u dhowna ay la yihiin Madaxweyne Shariif oo in badana ka shaqeeyay siyaasad ka soo horjeeda jiritaanka Puntland, isla marahaantaasna markii ugu dambeysayna ka shaqeynayey xafiisyada Madaxweyne Shariif, shaqsiyaadkaasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in aysan Golaha Wasiirada cusub kaga qeyb gelin hab cadaalad ah oo ka dhashay la tashiyo iyo wadahadal, balse ay meesha ku yimaadeen xeerinta arimo badan oo ay ka mid tahay ka shaqeynta danaha gaarka ah ee Madaxweyne Shariif.
Hadalka Madaxweynaha & fasiraada dadka qaarkii.
Hadalka uu jeediyey Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ahaa mid lagu daafacayey siyaasada iyo jiritaanka Puntland ayaa dadka qaarkii oo ku abtirsada mid ka mid ah labada Wasiir ee uu dhaliilay Madaxweyne Faroole ayaa hadalka Madaxweynaha u rogay hab aan cadaalad iyo run ku saleysneyn taasi oo ah in ay warka u rogeen in Madaxweynuhu ka xun yahay Wasiirka ay heleen beesha Tanade Daarood, (Leelkase) taasi oo xaqiiqda ka fog.
Kadib markii wararkaasi aan runta ku saleysneyn ay soo galeen suuqyada ayaa waxaa RBC Radio la soo xiriiray Cuqaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ku abtirsada Beesha Leelkase waxayna cadeeyeen mawqifkooda ku aadan siyaasada Puntland, iyaga oo sheegay in hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland uu yahay mid ku saleysan go’aan rasmi ah ayna ku taageersan yihiin in aan meesha la keenin shaqsi aan matalin beelaha degan Puntland kaasi oo la shaqeynayey dadka burburka dawladda Puntland har iyo habeen u taagan.
Cuqaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Leelkase ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad fara kutiris ah oo aan matalin ama ku hadli karin magaca Beesha Leelkase kuwaasi oo wada dacaayado ka dhan ah Madaxweynaha Puntland, isla markaana waxaan mar labaad iyo saddexaadba cadeyneynaa anaga oo ku hadlayna magaca Beesha Leelkase in aan taageersanahay hadalka Madaxweyne C/raxmaan Faroole, Beeshuna ay ka tirsan tahay beelaha Puntland degan ee laga qadariyo, talo ahaana ay maamulka uga dambeyneyso” ayey yiraahdeen Cuqaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Leelkase ee degta gobolada Nugaal iyo Bari.
Talo soo jeedin ka timid Cuqaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta & Qurbajoogta Beesha Leelkase.
Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Leelkase ee ku jirta Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland ay u sare kacaan wax ka qabashada dadka daneynaya siyaasadaha horseedi kara burburka Puntland, ayna cambaareeyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan kuwa doonaya in laiska horkeeno bulshada Leelkase iyo Madaxdooda waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ay cadeeyaan in aysan marna raali ka aheyn shaqsiyaad aan beesha si guud ahaan ah u matalin , isla markaana aan meesha ku iman la tashi lala yeeshay beesha uu ka dhashay iyo maamulka uu ka soo jeeda ee Puntland balse meesha uu ku tagey ka shaqeynta dano shaqsiyadeed oo guracan.
Ugu dambeyn Beesha Leelkase ee degta gobolada Nugaal iyo Bari waxaa ay raali gelin ka bixineysaa hadalada gefka ah ee Madaxweynaha Puntland loo geystay markii uu eedeeyay siyaasada Shariif ee looga soo horjeeda Puntland hadalkaasi oo loo rogay meel uusan ahayn, waxayna mar labaad iyo saddexaadba Beeshu taageeraysaa siyaasada Madaxweynaha Puntland isla markaana ay uga dambeyneyso hagitaanka siyaasada Puntland.
Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha Punt
Moderator: Moderators
- Monk-of-Mogadishu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4962
- Joined: Mon Oct 08, 2007 1:06 pm
- Location: The thought of gemini07 and her family getting rich sends chills down my spine
Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
Patriots! Their devotion to the interests of their people and the prosperity kept in their land is uncompromising, we need more clans who think like this in the great state. 

- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
its good signal to the heaters that puntland unity can not being broken 

Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
NO name and NO signature on it
fake post from Crooks and Liars
Just last week, Minnesota waxaa ku kulmay beesha Leelkase iyo beesha Dhulbahante 2011 will be very interesting! Futoole will soon be expelled from Bosaaso. he will be lucky to find refuge in Garowe.
Prime Minister Farmaajo has promised to rebuild Somalia's military strength and SSC,Maakhir State and Goldogob District
promised to help rebuild the Army
its 1969 all over again!



Just last week, Minnesota waxaa ku kulmay beesha Leelkase iyo beesha Dhulbahante 2011 will be very interesting! Futoole will soon be expelled from Bosaaso. he will be lucky to find refuge in Garowe.
Prime Minister Farmaajo has promised to rebuild Somalia's military strength and SSC,Maakhir State and Goldogob District
promised to help rebuild the Army

its 1969 all over again!


- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
what a joke bossoso is in mj hands and it will for everqardasay wrote:NO name and NO signature on itfake post from Crooks and Liars
Just last week, Minnesota waxaa ku kulmay beesha Leelkase iyo beesha Dhulbahante 2011 will be very interesting! Futoole will soon be expelled from Bosaaso. he will be lucky to find refuge in Garowe.
Prime Minister Farmaajo has promised to rebuild Somalia's military strength and SSC,Maakhir State and Goldogob District
promised to help rebuild the Army![]()
its 1969 all over again!

Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
You have awakened a sleeping giant Warsangali !!
Sheik Atom:The Next Mayor of Bosaaso Insha'Allah
Sheik Atom:The Next Mayor of Bosaaso Insha'Allah

- D-Runner
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1293
- Joined: Mon Nov 02, 2009 12:09 am
- Location: What plan? Let's just meet up for a cup of tea and come up with our own state too.
- Contact:
Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
Indeed Puntland's unity can not be broken 

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4010
- Joined: Sat Jun 11, 2005 5:42 pm
- Location: Garowiyo Galkacyo, Gelaadiyo Reer Godey Dhaanto laxidhay, Garrisa Gadhayo, Allo Kismayo aan Tagay
- Contact:
Re: Beesha Leelkase Oo ku Taageertay Siyaasada Madaxweynaha
qardasay wrote:NO name and NO signature on itfake post from Crooks and Liars
Just last week, Minnesota waxaa ku kulmay beesha Leelkase iyo beesha Dhulbahante 2011 will be very interesting! Futoole will soon be expelled from Bosaaso. he will be lucky to find refuge in Garowe.
Prime Minister Farmaajo has promised to rebuild Somalia's military strength and SSC,Maakhir State and Goldogob District
promised to help rebuild the Army![]()
its 1969 all over again!






This has to be the "Joke of the century"!!!....
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1082 Views
-
Last post by juelz
-
- 10 Replies
- 904 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 899 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 56 Replies
- 2230 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 28 Replies
- 1687 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 7 Replies
- 738 Views
-
Last post by Advo
-
- 9 Replies
- 122 Views
-
Last post by Enlightened
-
- 9 Replies
- 1227 Views
-
Last post by Enlightened