The Dhullo Garaad gets Kicked out of Buuhoodle
Posted: Fri Nov 19, 2010 2:57 pm
Over 300 ergo arrives in Qorulugud from all isaaqs and Samaroon, and over hundred of ergo from Dhullbahante arrives in Buuhoodle for a Peace Talks, but the Dhullbahante Garaad from Laascanood gets kicked out of Buuhoodle ...
Ergo nabadeed isugu jira Cuqaal iyo Waxgaradka deegaanka Laascaanood oo uu hogaaminayey Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa la sheegay inay saaka ku waabaristeen Magaalada Buuhoodle,kadib markii ay martiqaad ka heleen Chief Caaqilka degmada Buhoodle Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo Nabbadoonada deegaanka Buhoodle.
Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale
Iyada oo ergada nabadeed ku-tala-galkoodu ahaa inay gacan ka geystaan waan-waanta nabadeed ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan dirirta iyo qaldoofooyinku ku dhexmareen deegaanka Buuhoodle. Kadib markii ergada la soo dhaweeyey, lana dejiyey hudheelka loogu talagalay martida, waxaana isla markiiba weerar ku soo qaaday ciidmo ku hubeysan qoryaha boobayaasha iyo baabuurta tignikada ah, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye kuxigeenka Jabhada SSC Col. Cali Sabari, iyaga oo markiiba gacanta ku dhigay Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo nabadoonadii uu hogaaminayey,Kadib markii ay dhicisowday magangelyadii ay milidayeen Chief Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo cuqaasha kale.
Sida ay tibaxayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Garaadka iyo ergadii nabadoonka oo ka soo jeeday beesha Maxamuud Garaad ee deegaanka Laascaanood in loo taxaabay xerro ciidan oo ay ka arrimiyaan jabhada SSC.
Wararkii ugu danbeeyey ee na soo gaadhaya waxay tibaxayaan in Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo ergadiidi nabadeed xoog iyo gacan-saar lagaga soo saaray deegaanka degmada Buuhoodle,iyada oo hab-qankoodi soo gaadhay Sool-joogto oo ah fadhiisin uu Ciidanka Somaliland ku leeyahay daafaha Magaalada Buhoodle.
Hadaba,arrintan foosha xun waxay meesha ka saaraysa waan-waantii iyo gurmadkii walaaleed ee ay ku baaqday xukuummada Somaliland, iyada oo madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan Saylci uu hore u magacaabay ergo nabadeed oo ka koobnayd 40-xubnood oo isugu jira Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasada, iyo hogaan dhaqameedka.
Sidoo kale, Waxa meesha ka baxday rajadii laga qabay hogaamiyo dhaqameedyada deegaanka Burco ee uu hogaaminayey Suldaan Cismaan, kuwaas oo iskood isku xilqaamay kuna baxay deegaanka shaqaaqooyinku ka dhaceen.
Hadaba, Sida muuqata falxumooyinka soo if-baxay waxay shaacinayaan dhibaatadii ka dhacday deegaanka Buuhoodle inay ka baxsan tahay awooda is-maan dhaafka labada beelood ee walaalaha ah.
Sidaa darteed, Waxa muuqata dilkii ka dhacay deegaanka inuu ahaa mid Siyaasadeysan oo ay soo abaabuleen kooxaha nabad-diidka ee SSC.kuwaas oo horena colaad u geliyey deegaanka Buuhoodle iyo dalka dariska ah ee Ethiopia, hadana u soo tafaxaytay inay dhaawacaan nabadgelyada iyo xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso, iyaga oo ka amar-qaadanayaa hogaamiyahooga Saleebaan Xagla-toosiye oo ku sugan Muqdisho.
Bulshadu waxay dhowraysa go’aan qaadashada ergada nabadeed ee uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo aaga colaadu ka dhacday ku sugan, Iyo Ergada Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo afhayeenkoodu noocadeeyey inaanay u nuglaan doonin koox yar oo nabad-diid ah, iyaga oo ku hawlan inay dib ugu rogaal celin doonnaan Magaalada Buuhoodle,oo aanay halkaasi ka soo noqon doonin ilaa inta ay ka midho dhalinayaan nabada ay u soo guntadeen.
Sidoo kale waxa uu afhayeenku aad u soo dhaweeyey ergooyinka nabadeed ee ka soo gurmaday gobolada dalka Somaliland, isaga oo ku booriyey in aanay u liicin isku dayga kooxda nabad diidka ah.