Ergooyinka Somaliland ee Dhexdhexaadinta Shaqaaqada Deegaanka Kalshaale Oo Jawaab Cad Ka Helay Beesha Qurilugud
Burco(OWN)- Ergooyinka nabada ee Somaliland oo tiradoodu gaadhayso 400 qof ee ku suganaa Deegaanka Qorilugud ayaa waxa ay maanta abaaro 11 duhurnimo a jawaab cad oo ku saabsan in ay qaateen nabad isla markaana ay diyaar u yihiin wax kasta oo lagu gaadhayo nabad ay ka heleen Beesha deegaanka Qurilugud oo ka mida labad beelood ee walaaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Kalshaale.
Ergooyinka nabad oo ka socda dhamaan Gobolada Somaliland ayaa waxa ay caawa ilaa bari u qulqulidoonaa deegaanka Buuhoodle si ay dhinac labad ee ka uga helaan jawaab cad oo ku saasab in ay nabad qaateen, waxa ay bari ergooyinka nabada kulano la yeelan doonaan madaxdhaqameed ku iyo Garaadada deegaanka Buuhoodle.
Waxa ay salaadiinta iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee Somaliland ee u hawlan deminta colaadan ayaa waxa ay yihiin awooda koowaad ee hawsha dib u heshiisiinta labada beelood ee walaaha ah. Sidoo kalena waxa deegaanka Quirlugud ku sugan wafti ay hogaaminyanaan hogaamiye yaasha sadaxeda Xisbi Qaran ee Somaliland oo kale ah Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafid ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Ku xigeenka Xisabiga UDUB ahna ku simah Xisbigaas Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md.Aadan Maxmed Mire (Waqaf), waxan ay waraku tibaaxayaan in wufudaasi ka socota Xisbioyada Qaranku in ay dabada ka riixayaan haysha ay wadaan Salaadiinta iyo Madxdhaqmeedku.
Waxa kale oo ay wararku tibaaxayaan in ay Magaalda Burco ku sugan yihiin Wafti Culis oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarda Gaashaan dhiga Somaliland Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ay ka mid yihiin wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilad Somaliland, iyo qaar ka mida la taliyayaasha Madxweynaha, waxana ay waftigaasi ku sugan magaalda Burco ka war sugayaan hawsha ay wadaan Salaadiinta Somaliland ee ku saabsan dib u heshiisiinta beelaha walaaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay deegaanka Kalshaale.
Wasiirka Wasaarda Warfaafinta Somaliland oo u waramyey qaar ka mid warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aanay waftigoodu dhaafay Magaalda Burco isaga oo taas saba uga dhiagay in aanay doonayan in ay shaqaadadan isu badasho arin siyaasadeed.
Geesta kale Madxweynaha Puntiland Cabdiraxmaan Sh.Maxmed Faroole ayaa sheegay ina ay Puntland wafti u soo diraso deeagaan ay shaqaaqadu ka dhacday.
Saddam Mohamed Ahmed
Oodweynenews/ Hargeysa Office
Beesha Solomadow - Habar Jeclo accepts Peace
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 24 Replies
- 2270 Views
-
Last post by gurey25
-
- 20 Replies
- 1352 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 3 Replies
- 588 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 9 Replies
- 1194 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu