

Al-Shabaabka Kismaayo oo sheegay inuu dilayo laba ka mid ah dadka degaanka
Mogadishu Monday 22 November 2010 SMC
Horjoogaha ciidamada ururka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa shalay ka hadlay laba nin oo ay ka soo qabteen xero ay degan yihiin dad barakacayaal kuna taalla gudaha magaalada, waxa uuna sheegay in baaritaanno muddo socday oo ay ku hayeen laba nin oo lagu kala magacaabo C/llaahi Maxamuud iyo Xasan Yuusuf Sheekh ay yihiin basaasiin u shaqeeya dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Labada nin oo iyagu ka mid ahaa barakacayaasha Kismaayo degan ayaa la sheegay in midkood uu yaqaano afka Ingiriiska, iyadoo ciidamada maamulka Shabaabka Kismaayo ay kala baxeen guryihii ay ka degenaayeen xerada dadka barakacayaasha ah, iyadoo lagu xiray goob qarsoodi ah.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in labada nin oo da' ahaan lagu qiyaasay 40-sano ayna ka xoogsan jireen gudaha magaalada Kismaayo, isla markaana aan wax lug ah ku lahayn eedeymaha ay Shabaabka ee basaasnimada ah, iyadoo xaasaska iyo caruurta labadaasi nin ay si weyn uga naxeen markii ay maqleen in la dilayo seygooda, waxayna ugu baaqeen maamulka Al-Shabaab inay dib uga laabtaan xukunka dilka ah.
Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo kooxda Al-Shabaab dadka degan goobaha ay maamulaan ay ku eedeeyaan falalka basaasnimada, iyagoo dilay dhowr ka mid ah dadka rayidka ah, waxayna arrimahaasi isa soo taraya ee Shabaabku ay ka wadaan gobolada ay ka taliyaan sababtay inay isaga haajiraan dadkii degenaa, kuwaasi oo iyagu indhahooda ku arkay ficilada ka baxsan bani'aadaminimada ee kooxda Al-Shabaab ay ku kaceyso sida dadka oo qoorta laga jarayo lana soo dhigayo wadada dhexdeeda sida ay sheegayaan dad reer miyi ah oo iyagu maciin biday inay u barakacaan meelaha ay Dowladdu maamusho.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088
http://www.somaliweyn.org/pages/news/No ... Nov12.html