beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartay baliga kalshaale, labada beelood oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Qorulugud iyo Buuhoodle.
Gogoshan oo ay dhigeen odayaasha deeganka Buuhoodle, waxayna udhigeen madax dhaqameedka kasoo jeeda dhinaca waqooyi, waftigaas oo ka koobnaa 40 xubnood ayaa waxaa kamid ahaa 13 Suldaan,Boqoro, Cuqaaal, Nabadono iyo culumaa u diin, waxayna dhamaantood ka yimaaden deegaanada ay kamid ka yihiin ceerigaabo,sheekh,boorame,saylac,galbeedka burco,iyo deegaano kale oo badan.
Wafdigan ayaa markii hore ku soo horeeyay dhinaca dhinaca Qorulugud, halkaasoo ay ku sugnaaye muddo shan casho ah oo ay ka wadeen arrimo nabad galyo iyo xabad joojin isugu jira.
hadaba maanta ayaa waxaa ay si rasmiya u soo gaadheen magaalada Maygaagle, halkaas oo gogol loo dhigay, waxaana halkaas ka furmay wada hadalkii, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Garaad C/laahi Garaad Soofe oo halkaas kasoo jeediyay khudbad kooban oo isugu jirta salaan iyo soo dhowayn.
Intaasi kadib waxaa ubaxay hadalka dhinaca kale, iyagoo uu uhadlay Suldaan Saleeban Cali Ismaaciil oo isagu kasoo jeeeda degmada Boorame, suldaanka ayaa halkaa kasoo jeediyay khudbad aad u dheer oo uu kaga hadlayo safarkoodii iyo ujeedada ay usocdeen ay ahayd in ay dhexgalaan dadka walaalaha ee dirirtu dhexmartay si ay uga dhaliyaan nabad.
Hadaladiisiina waxaa kamid ahaaa "(walaalayaal) waxaanu joognay mudo shan habeen ah magaalada qorulugud, waxaanu halkaa kula shirnay beesha qorulugud iyo coodanle, waxaanuna kala hadalnay ugu horayn nabad inay qaataan xabad joojina ay sameeyaan, taana way naga aqbaleen illaahay mahadii.hadaba walaalayaal waxaan idinkana idinka rabanaa inaad taa mid le eg aad qaadataan xabad joojina aad samaysaan marka aanu intaa idin ka helno baanu wixii kale ee hawl ah galaynaa)".
Kadib waxaa hadalkii ubaxay oo uu ku soo wareegay dhinaca reer Buuhoodle, iyagoo uu halkaasi uga hadlay Caaqil C/laahi Xasan Qanbi oo isagu sheegay "inay ka aqbileen isimada uuna sheegay inay diyaar u yihiin nabada awelana ayna cidi naga jeclayn",
Shirkan maanta waxaa wareegii koowad uu ku dhamaaday xabad joojin ay isla qaateen labada dhinac ismada dhexdhexaadinta iyo kuwa Buuhoodle, waxa la sugayaana ay tahay hawsha kale oo lagudo galo.







