Page 1 of 1

The President of Somaliland Stays in His own House London

Posted: Wed Nov 24, 2010 5:08 am
by LiQaaye_TDH
Image

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii la soo dhaafay isaga iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayaa ay socdaal ku joogeen magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaan degin Hoteelada Qaaliga ah ee ku yaala dalkaasi waxaanu sheegay in uu degay guri uu ku lahaa magaalada London.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu culays dhaqaale ku soo kordhiyo dalkiisa oo aanu degin Hoteelada dhaqaalaha badani ku baxo oo hore ay u degi jireen Madaxwaynihii hore ee xilka ka degay Daahir Rayaale Kaahin.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu shir uu kala hadlayo jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriiska kula yeelan doonaa Sabtida fooda inagu soo haysa magaaladda London Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaas. Sidoo kale, war aanu ka helay wefdiga madaxweynaha ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegaya in uu maalmahan soo socda kulamo la yeelan doono wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Wasiirka caawimada iyo mudanayaal golaha xildhibanaada Ingiriska ka tirsan.

Somaliland.Org

Re: The President of Somaliland Stays in His own House Londo

Posted: Wed Nov 24, 2010 5:58 am
by Executive
Wasn't he at ramada hotel, I thought u said u was going to meet him there.

Re: The President of Somaliland Stays in His own House Londo

Posted: Wed Nov 24, 2010 6:06 am
by LiQaaye_TDH
Executive wrote:Wasn't he at ramada hotel, I thought u said u was going to meet him there.
My Meeting with the His Excellency Ahmed Silaanyo will be held there on Thursday, and the Big somaliland meeting will also be held in Ramaada Hotel!!