Clashes in Dhagaxbuur!

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Clashes in Dhagaxbuur!

Post by EEGA9 »

Qaybta Dufaan ee CWXO oo dharbaaxo aanu ka soo waaqsanaynin ku dhuftay ciidanka gumaysiga

War dagdag ah oo hadda naga soo gaadhay qaybta Duufaan ee CWXO waxay ku sheegeen fariinta hordhac ah inuu dagaal kulul oo saacado badan socday uu shalay ka qarxay duleedka magaalada Dhagaxbuur iyo wadada cad ee u dhexeysa Dh/bur iyo Jigjiga. Wadadaa ayaa shalay u xidhnayd CWXO. Dadaalka oo culayskiisu uu ka dhacay Tuulada Geedi-Aar loo yaqaan oo 9 km u jirta magaalada Dh/buur kuna taala wadada u dhaxaysa Dh/buur iyo Jigjiga, ayaa cadawga lagaga dilay 35 Askari oy ku jiraan saraakiil ciidan iyadoo dhaawacna la gaarsiinayo 23 Askari oo loo qaaday isbitalka Jigjiga.

Dgaaalkan ayaa bilowaday 7:00 subaxnimo saacada Ogadeniya ee shalay ilaa gabaldhicii shalay oo bishu ahayd 23-11-2010 ayuu socday iyadoo ay CWXO u xoog sheegteen askarta daalan ee gumaystada Itoobiya ka jooga Gobolka Jarareed.

Waxay wararku intaa ku darayaan in shalay oo dhan wadada cad ay u xidhnayd CWXO, iyadoo ay CWXO gaadiidka dadweynaha meel ku uruuriyeen rakaabkii saarnaana laga difacay inay waxyeela ka soo gaadhaan dagaalkaas cuslus. Waxaana islamarka hadal iyo fariinta JWXO loogu jeedinayey shacabka halgamaaga ah ee Ogadeniya iyaga oo makhraati ka ahaa wixii shalay wadada cad ka dhacay.

Hanuunin dheer iyo wargalino muhiim ah ayaa halkaa loogu jeediyey shacbiweynahii la socday gaadiidkaa ee soctada ahaa, wax dhibaato ahna ma soo gaadhin Alle mahadii.

Ujeedad dagaalkan ayaa ahayd dhoolotus ciidan oo u dhacday si habsami ah oo loogu talogalay, iyada oo wali CWXO uu ku sugan yahay aagagii uu shalay ka hawlgalayay cudud iyo awoodna ku joogo kuna maamulaya.

Siday ay sheegeen warar ka soo baxahaya taliska CWXO hadduu cadawgu isku dayo dhaqdhaqaaq aagaas ah waxaa hubaal ah inay dharbaaxooyin kulul la kulmi doonaan inta uu socda hawlgalkan ay fulinays Qaybta Duufaan iyo qaybaha kale ee CWXO.

ONA/Rasaas
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Clashes in Dhagaxbuur!

Post by EEGA9 »

Dagaaladii oo dib uga bilowday aagga Dhagaxbuur welina uu socdo

Dagaalka culayskiisa ayaa ka dhacay aagga ku aadan Qowdheere iyo Dhalaca ku aadkeeeda oo dhanka wadada cad ah. Goobtaas oo ay isku heleeleen Urur ciidanka cadawaga ah oo qiyaastii dhannaa 600 oo askari iyo ciiddamo culus oo ka Tirsan Qaybta Duufaan ee CWXO. Cadawga ayaa gurmadkii uga yimid dhan Dhagaxbuur iyo Qabribayax loo dhigay darsin lama ilaawaan ah aadna loogu eryey dhinacyadii ay ka yimaadeen.

Wararka ka soo baxaya goobta dagaalka ayaa sheegay in cadawga aad loogu riixay dhanka Dhagaxbuur iyo jihada Cobole, iyada oo la raacdaysanayo hadhaagooda anfariirsaan. Taliyaha goobta dagaalka ka hagaya CWXO oo la soo xidhiidhay ONA ayaa noo sheegey inay aad u gacan sareeyaan cadawga ilaa eeggana ciidankii cadawga ka baaba’ay ee dhimasho, dhaawac iyo carar noqday uu gaadhayo 450 askari iyadoo qalab badan oo kala duwan oo hub, saanad iyo isgaadhsiin ciidan ka mid tahayna ay gacanta ku dhigeen dagaalkiina uu wali socdo si xun loo baacsanayo cadawga iyo askartiisa liidata.

Wuxuu sheegey taliyaha in culays dheeri ah ay saarayaan magaalada Dhagaxbuur, si cadaadisk shacabka ay ku hayso askarta horror-ka ah ee Woyaanaha looga yareeyo, isaga oo taliyhu intaa ku daray; "haddii cadawga degan magaalada Dhagabuur uu dhaqadhaqaaq kale oo gurmad ah isku dayo inuu la kulmi doono dharbaaxo lagaga nadiifindoona gabi ahaanba magaalada".

Taliska CWXO ayaa sheegay in ay faahfaahinta dagaaladan iyo hawlgalkan oo dhamaystiran ay soo bandhigidoonaan maraka ay gabagaboobaan dagaaladan xidhiidhka ah ee socda tan iyo saacadan ay Geeska Afrika u tahay 3:30 galabnimo

Rasaas Cilmi/ONA
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Clashes in Dhagaxbuur!

Post by EEGA9 »

Latest:Woyane cut Dhagaxbuur phone lines, calls not going through as usual.
Oxidant
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3235
Joined: Tue Dec 04, 2007 5:52 am

Re: Clashes in Dhagaxbuur!

Post by Oxidant »

It’s funny that Meles diverts away from the ONLF/Ogaden issue and talks about Nile and Egypt. The Nile river issue will always be his playing card when things go wrong
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Clashes in Dhagaxbuur!

Post by new-york24 »

SIdaa ha lagu wado,word is they are in complete control of the road that goes from dhagax to jig :up:
Oxidant
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3235
Joined: Tue Dec 04, 2007 5:52 am

Re: Clashes in Dhagaxbuur!

Post by Oxidant »

Ethiopia Says It Has Evidence That Egypt Supported Rebel Movements

http://www.bloomberg.com/news/2010-11-2 ... ebels.html

They blame Egypt when they struggle to contain OLF and ONLF forces, OLF claimed to have killed 90 Ethiopian soldiers
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”