Clashes in Dhagaxbuur!
Posted: Wed Nov 24, 2010 8:37 am
Qaybta Dufaan ee CWXO oo dharbaaxo aanu ka soo waaqsanaynin ku dhuftay ciidanka gumaysiga
War dagdag ah oo hadda naga soo gaadhay qaybta Duufaan ee CWXO waxay ku sheegeen fariinta hordhac ah inuu dagaal kulul oo saacado badan socday uu shalay ka qarxay duleedka magaalada Dhagaxbuur iyo wadada cad ee u dhexeysa Dh/bur iyo Jigjiga. Wadadaa ayaa shalay u xidhnayd CWXO. Dadaalka oo culayskiisu uu ka dhacay Tuulada Geedi-Aar loo yaqaan oo 9 km u jirta magaalada Dh/buur kuna taala wadada u dhaxaysa Dh/buur iyo Jigjiga, ayaa cadawga lagaga dilay 35 Askari oy ku jiraan saraakiil ciidan iyadoo dhaawacna la gaarsiinayo 23 Askari oo loo qaaday isbitalka Jigjiga.
Dgaaalkan ayaa bilowaday 7:00 subaxnimo saacada Ogadeniya ee shalay ilaa gabaldhicii shalay oo bishu ahayd 23-11-2010 ayuu socday iyadoo ay CWXO u xoog sheegteen askarta daalan ee gumaystada Itoobiya ka jooga Gobolka Jarareed.
Waxay wararku intaa ku darayaan in shalay oo dhan wadada cad ay u xidhnayd CWXO, iyadoo ay CWXO gaadiidka dadweynaha meel ku uruuriyeen rakaabkii saarnaana laga difacay inay waxyeela ka soo gaadhaan dagaalkaas cuslus. Waxaana islamarka hadal iyo fariinta JWXO loogu jeedinayey shacabka halgamaaga ah ee Ogadeniya iyaga oo makhraati ka ahaa wixii shalay wadada cad ka dhacay.
Hanuunin dheer iyo wargalino muhiim ah ayaa halkaa loogu jeediyey shacbiweynahii la socday gaadiidkaa ee soctada ahaa, wax dhibaato ahna ma soo gaadhin Alle mahadii.
Ujeedad dagaalkan ayaa ahayd dhoolotus ciidan oo u dhacday si habsami ah oo loogu talogalay, iyada oo wali CWXO uu ku sugan yahay aagagii uu shalay ka hawlgalayay cudud iyo awoodna ku joogo kuna maamulaya.
Siday ay sheegeen warar ka soo baxahaya taliska CWXO hadduu cadawgu isku dayo dhaqdhaqaaq aagaas ah waxaa hubaal ah inay dharbaaxooyin kulul la kulmi doonaan inta uu socda hawlgalkan ay fulinays Qaybta Duufaan iyo qaybaha kale ee CWXO.
ONA/Rasaas