http://somalimemo.net/index.php?option= ... 48:wararkaBaarlamanka DKMG ah ayaa wajahaysa Fadeexad aad u daran kadib markii ay si xun ula dhaqmeen mudanayaashooda hogaamiyaa DKMG ah ee maganta u ah shisheeyaha Muqdisho ku sugan.
Xildhibaanada DKMG ah ee sidii Xayawaanka Eyga oo kale u bartay wax dalafsiga iyo Laaluushka ayaa ku dhegan R/wasaaraha Qurbajooga ah ee Max'med Cabudullaahi Farmaajo oo in xukuumadiisa la ansixiyo aawgeed ku dacweeyay Xildhibaanada safaaradda Mareykanka.
Gudoomiyaha baarlamanka KMG ah shariif Xasan Sheekh Aadan oo Shariif Sakiin loo yaqaan ayaa aad ugu dhegan Kalsooni siinta Xukuumadda Farmaajo wuxuuna doonayaa in kalsoonida lagala laabto xukuumadda ay ku badanyihiin Jeega xiirka qurbaha laga keenay.
Shariif Xasan wuxuu qaati ka taaganyahay Aflagaado uga imaanaysa Xildhibaanada taageersan Hogaamiyaha DKMG ah shariif Sheekh Axmed oo Shariif Xasan caay kala dul dhacaya xiliyada ay kulamado socdaan.
Saxaafadda soo tebisay Cod qarsoodi ah oo ay Xildhibaanadu sidii Ciyaal dugsileey Gadoodsan isugu buuqayaan kadibna si xun loo ceynayo shariif Sheekh Aadan, Shariif Xasan ayaa Ahbinaya xildhibaanada wuxuuna leeyahay "maxaad maalin walba iicaynaysaan".


