M.Puntland oo la kulmey EU

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

M.Puntland oo la kulmey EU

Post by FBISOMALIA »

Image
Madaxwaynaha Dawladda Puntland Md. Cabdiraxman Farole ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay inta badan Safiirada dalalka Yurub u fadhiya dalka Kenya.

Kulankaas oo ka dhacay xartuna ay magaalada Nairobi ku leedahay EU-du, ayaa waxaa isna goob joog ahaa safiirka Somaliya u fadhiya dalka Kenya Md. Maxamed Cabdi Afay.

Kulankaan oo aad loo lafa guray xaaladda Somaliya ayaa si wayn waxaa looga hadlay halka uu marayo khilaafka soo kala dhexgaley TFG-da iyo madmadowga soo kala dhex galay Puntland iyo TFG-da.

Dhamaan ka soo qaybgalayaashii shirka ayaa iyagu si buuxda isugu af-gartay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa kulankan ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulahi Axmed Jama (Ilko-jiir), wakiilka dawladda Puntland u fadhiya dalka Kenya Prof. Maxamed Xasan Bare (Shimbiro-laaye), iyo mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Madaxwaynaha.

GAROWEONLINE
go puntland :up: :up:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”