
Sabti, November 27, 2010(HOL): Xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen seddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa waxaa lagu dhaariyay Wasiirrada uu soo magacaabay Ra’iisal Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).
Xafladda oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu dhaariyay Wasiirradii, Wasiiru-dowlayaashii iyo Wasiir ku xigeennadii uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo dhaarintooda lala sugayay in codka kalsoonida ka helaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah maanta ku ansixiyay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Farmaajo, taasi ayaana saamaxday in Xubnaha Xukuumadda la dhaariyo, si ay howshooda u guda-galaan.

Labo kulan oo ka horreysay midka uu Baarlamaanka maanta ku ansixiyay Xukuumadda ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku kala dareereen iyadoo uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Xildhibaannada, kuwaasi oo ku kala doodayay in Xukuumaddan ay tahay middii loo baahnaa iyo in ay tahay mid aan waxba qaban karin oo soo xulitaankeeda aanu sax ahayn.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, waxaa la eegi doonaa waxa ay qabato Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo ay xubnaheeda macal Ra’iisal Wasaaraha u badan yihiin dad aan horay dalka u sii joogi jirin oo dibadda ka yimid

