Qalin Jaan oo Dib u Milicsanayay War ka Soo Yeedhay Maamulak Sanaag
War murtiyeed uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamud Siciid Nuur oo ku magac dheer dabayl, ayuu ku sheegay in lacagtii sannadkan ay hay’aduhu ugu talagaleen sanaag oo dhan $6.1 malyuun sidan loo qaybiyey:
Jaamacadda maakhir $1000,000.00,
Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe/sare ee maakhir, $2000,000.00,
balaadhinta, maamulka iyo dayactirka cusbitaalka badhan, $500,000.00,
Dhisidda cusbitaalada dhahar, laasqoray, carmale, xingalool, ceelbuh, yubbe,Marraje, Ceelaayo iyo hadaaftimo, $1.50 milyan,
samaynta jidka geeldoora $400,000.00,
$400,000 oo loogu talagalay bilowga jidka laamiga ah oo la gaadhsiinayo badhan,
$100,000 oo Lagu dayactirayo jidka isku xidha celaayo iyo laasqoray, iyo
$200,000 oo loogu talagalay ilaalinta nabadgelyada gobolka.
Guddoomiyuhu wuxu si cadho leh u sheegay in lacagta ay bixiso hay’adda lagu jamciyadda quruumaha ka dhexeysa oo lagu magcaabo undp looguna talagalay horumarinta magaalooyinka puntland oo hadda sidii midhaha gobka ay u gurtaan garoowe, qardho iyo basoso, sida ugu dhakhsaha badan qaybtooda loo siiyo degmooyinka maakhir. Wuxu kaloo guddoomiyuhu sheegay inuu si kulul ula xisaabtami doono dowladda puntland, waayo reer maakhir waxba kama soo galaan cashuuraha laga helo dalka gudihiisa iyo lacaga kaloo soo gala dowlad goboleedka.
War raalli ahaada. War wuxu waa riyo. Waxaan kor ku soo sheegay oo dhan waxba kama jiraan. Xalay intaanan seexan ayaan akhiryey war saxaafadeed u soo saaray mr. dabayl. Warka guddoomiyuhu soo saaray ayuu wuxu ku codsanayey in wasaaradda caafimaadka ee puntland ka taagerto magaalada laasqoray xagga caafimaadka. Markaan akhriyey war murtiyeedka ayaan seexday, dabadeedna riyaadaa wanaagsan ayaa timi.
Aan u soo noqonno guddoomiyaha gobolkee, guddoomiyuhu war murtiyeedkiisa ma carrabaabin waxa uu rabo iney wasaaradda caadimaadku qabato. wuxu keliyoo codsaday in wasaaraddu xagga laasqoray “soo eegto.” cajiib. yaa!!
War maxaa meesha ka socda. Guoomiyaha gobolka miyaanu lahayn qorshe iyo dhaqaale loogu talagalay gobolka? Gobolka miyaan sannadkii miisaaniyad la siin? Gobolka miyaan la siin miyaasiniyad loogu talagalay caafimaadka? war maxamud, ina adeer, maxaa baryada ku baday? Waxan yar oo aad baryeysid miyaadan ogayn in reer laasqoray iyo reer sanaag oo dhammi xaq ugu leeyihiin dowladda garoowe? Sow ma aha iney tahay xilka guddomiyaha gobolka inuu xereeyo qaybta gobolka uu wakiilka ka yahay loo qoondeeyey? taa ma ogayd maxamud? Maxamud, reer maakhir qaybtooda ayaa lagugu hallaynayey inaad soo qaadide sidaa ma ula socotey?
Maxamud, Email ayaan u diray, meesha lagu magcaabo madaxtooyada puntland ee garoowe. waxan weydiiey misaaniyadda sannadkii loogu talagalay sanaag iyo misaaniyadda guddomiyaha gobolka. Sidaan filayey jawaab kama helin. Laakiin ina adeer, waxa igu soo duushay dhawr boqol oo musharo bishii laguu siiyo maahee shilin kale puntland sanaag ma siiso!
Maye qolooyinkii ka mudaaharadeyey wasiirkii magac u yaalka ahaa ee beeshu xamar ka weydey? War waxan garoowe ka socda ayaa mudan mudaaharaad maalin walba jooga
War murtiyeed uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamud Siciid Nuur oo ku magac dheer dabayl, ayuu ku sheegay in lacagtii sannadkan ay hay’aduhu ugu talagaleen sanaag oo dhan $6.1 malyuun sidan loo qaybiyey:Jaamacadda maakhir $1000,000.00,Waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe/sare ee maakhir, $2000,000.00,balaadhinta, maamulka iyo dayactirka cusbitaalka badhan, $500,000.00,Dhisidda cusbitaalada dhahar, laasqoray, carmale, xingalool, ceelbuh, yubbe,Marraje, Ceelaayo iyo hadaaftimo, $1.50 milyan,samaynta jidka geeldoora $400,000.00,$400,000 oo loogu talagalay bilowga jidka laamiga ah oo la gaadhsiinayo badhan,$100,000 oo Lagu dayactirayo jidka isku xidha celaayo iyo laasqoray, iyo$200,000 oo loogu talagalay ilaalinta nabadgelyada gobolka. Guddoomiyuhu wuxu si cadho leh u sheegay in lacagta ay bixiso hay’adda lagu jamciyadda quruumaha ka dhexeysa oo lagu magcaabo undp looguna talagalay horumarinta magaalooyinka puntland oo hadda sidii midhaha gobka ay u gurtaan garoowe, qardho iyo basoso, sida ugu dhakhsaha badan qaybtooda loo siiyo degmooyinka maakhir. Wuxu kaloo guddoomiyuhu sheegay inuu si kulul ula xisaabtami doono dowladda puntland, waayo reer maakhir waxba kama soo galaan cashuuraha laga helo dalka gudihiisa iyo lacaga kaloo soo gala dowlad goboleedka. War raalli ahaada. War wuxu waa riyo. Waxaan kor ku soo sheegay oo dhan waxba kama jiraan. Xalay intaanan seexan ayaan akhiryey war saxaafadeed u soo saaray mr. dabayl. Warka guddoomiyuhu soo saaray ayuu wuxu ku codsanayey in wasaaradda caafimaadka ee puntland ka taagerto magaalada laasqoray xagga caafimaadka. Markaan akhriyey war murtiyeedka ayaan seexday, dabadeedna riyaadaa wanaagsan ayaa timi. Aan u soo noqonno guddoomiyaha gobolkee, guddoomiyuhu war murtiyeedkiisa ma carrabaabin waxa uu rabo iney wasaaradda caadimaadku qabato. wuxu keliyoo codsaday in wasaaraddu xagga laasqoray “soo eegto.” cajiib. yaa!! War maxaa meesha ka socda. Guoomiyaha gobolka miyaanu lahayn qorshe iyo dhaqaale loogu talagalay gobolka? Gobolka miyaan sannadkii miisaaniyad la siin? Gobolka miyaan la siin miyaasiniyad loogu talagalay caafimaadka? war maxamud, ina adeer, maxaa baryada ku baday? Waxan yar oo aad baryeysid miyaadan ogayn in reer laasqoray iyo reer sanaag oo dhammi xaq ugu leeyihiin dowladda garoowe? Sow ma aha iney tahay xilka guddomiyaha gobolka inuu xereeyo qaybta gobolka uu wakiilka ka yahay loo qoondeeyey? taa ma ogayd maxamud? Maxamud, reer maakhir qaybtooda ayaa lagugu hallaynayey inaad soo qaadide sidaa ma ula socotey? Maxamud, Email ayaan u diray, meesha lagu magcaabo madaxtooyada puntland ee garoowe. waxan weydiiey misaaniyadda sannadkii loogu talagalay sanaag iyo misaaniyadda guddomiyaha gobolka. Sidaan filayey jawaab kama helin. Laakiin ina adeer, waxa igu soo duushay dhawr boqol oo musharo bishii laguu siiyo maahee shilin kale puntland sanaag ma siiso! Maye qolooyinkii ka mudaaharadeyey wasiirkii magac u yaalka ahaa ee beeshu xamar ka weydey? War waxan garoowe ka socda ayaa mudan mudaaharaad maalin walba jooga
qalinjan
jsctice2009@yahoo.com
GalGalanews
Qalin Jaan oo Dib u Milicsanayay War ka Soo Yeedhay Maamulak
Moderator: Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 418 Views
-
Last post by kaliil
-
- 12 Replies
- 665 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 2 Replies
- 453 Views
-
Last post by Canuck2
-
- 6 Replies
- 684 Views
-
Last post by mahoka
-
- 19 Replies
- 1488 Views
-
Last post by Advocator
-
- 7 Replies
- 581 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 4 Replies
- 501 Views
-
Last post by DaahirMursal
-
- 1 Replies
- 330 Views
-
Last post by SadeSoulja
-
- 3 Replies
- 763 Views
-
Last post by theyuusuf143