Waxan aad iyo aad ula yaaba markan arko meelay ku qoran tahay sanaag bari
ama dad beesha ka soo jeeda oo isticmaalaya kalmadaas sanaag bari, waxa
dhibaato ah hadii qof ka bin aadam ka ahi aanu aqoon ama wax fekrada ka
haysan wuxu ka hadlayo ama erayadu isticmaalayo sida eraygan sanaag bari.
Waxaan is waydiiyaa dhowr suaalood markan arko Sanaag bari,
1- Gobolka Sanaag ma Bari iyo koonfur bu kala leeyahay? oo ay kala degan
yihiin beelaha isaaq iyo warsengeli.
2- Gobolka Sanaag ma gobol dhexda ka kala qaybsan baa oo labada beelod an
kor ku sheegay kala leeyihiin, sida Sanaag koonfor iyo sanaag bari.
Markaan suaalahaa kor ku xusan aad ugu fiirsaday jawaabahoodana baaray,
waxaan ogaaday Gobolka sanaag inuu yahay gobol beesha warsengeli degan
tahay 80% beelaha kalena degan yihiin 20%. Inaanu ahayn gobol u kala qaybsan
koonfur iyo bari, e beesha warsengeli ay degan tahay bari iyo koonfurba,
waxana cadaynaysa sidan hoos ku qoran.
Marki dowladi somalia bur burtay gobolka sanaag wuxu ahaa gobol ka mida 18
kii gobol ee dowladu ka kobnay, wuxuna ku jiray gobolada ugu waa wayn 18
kaas, gobolka sanaag wuxu ka koobna 5 degmo oo sidan hoos ku qoran kala ah
1-Degmada Badhan iyo tuuloyinkay xukunto (Beesha Warsengeli)
2-Degmada Dhahar iyo tuulooyinkay xukunto (beesha warsengeli)
3-Degmada Laasqoray iyo tuuloyinkay xukunto(beesha Warsengeli)
4-degmada ceerigaabo waa magaala madaxda Gobolka waana la wada degan yahay
waxayna u kala qaybsan tahay beesha harti iyo beelaha isaaq
laakin degmadu waxay xukunta 14 tuulo, 14 ka tuulo sidanay beelaha ugu kala
qaybsan yihiin,
* 3 tuulo beesha dhulbahante aya degta(jiidali,Awrbogays,Fiqifuliye)
* 1 tuulo oo ah waxa degan beesha isaaq(Maydh)
* 10 tuulona waxa dega beesha warsengeli (waxana degan beelaha Bah
ugayslabe, Jibriil siciid, Muxumud)
5- Degmada 5 aad oo ah degmada Ceel Af wayn (waxa degan Beelaha Habar jeclo
iyo Habar yoonis)
Waxa hadaba dhibaata ah iyadoo gobolka sidaa loo kala degan yahay inBeesha
Warsengeli ee gobolka 80% leh maanta loo soo qaato Sanaag Bari, dadka erayga
isticmaalayana ay yihiin dad beesha u dhashay qaar kood.
Beesha Warsengeli Awalba iyagoo danahoodi gaar ahaaneed ka seexday,
cadkoodiina goosan kari waayay, malina 5 kursi baarlamanka somalia laga
siiyo, maalinta kalena kan Puntland laga siiyo 9 kursi iyagoo degan gobolka
sanaag iyo bari aya hadana waxa ah wax aad looga sii xumaado
in dhulki ay degnaayeen oo baaxada intaa le eg ah in lagu magcaabo sanaag
bari, oo gobolkodi lakala qaybiyo nin 5% degan lagula meel dhigo, waa wax
ihaana ah aad na looga naxo.
Waxaa Warbixintan Qoray Xaaji Gaadh Haye
Gobolka Sanaag se maw kala Qaybsamaa Bari iyo koonfur?
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 532 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 982 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 8641 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 8017 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 2127 Views
-
Last post by JamalAddow
-
- 1 Replies
- 616 Views
-
Last post by BlueBlood
-
- 10 Replies
- 733 Views
-
Last post by HayWire
-
- 5 Replies
- 961 Views
-
Last post by Netanel
-
- 3 Replies
- 603 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 458 Views
-
Last post by FBISOMALIA