Page 1 of 1

Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB)

Posted: Sun Nov 28, 2010 12:08 pm
by LiQaaye_TDH
Image

Guddoomiyaha xzafiiska Siyaasada UDUB Cumar Jaamac ayaa u soo jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo lagu tuhunsan yahay in uu lunsaday hanti badan in uu xisaabta ogolaado isla markaana shacabka reer Somaliland iyo xukuumada cusuba u soo bandhigo wixii maqan iyo halka ay maqan yihiin.


Sidaasna waxa uu guddoomiyuhu ku sheegay warsaxaafadeed kooban oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

Warsaxaafadeedkaas oo dheeraa ayuu guddoomiyuhu ku yidhi sidan “Waxa dhaqanka siyaasada ah in marka nin masuul ah lagu eedeeyo inuu musuqmaasuq galo inuu iska casilo xalka uu ummadad hayo si uu isaga maydho caybta , una hartogo hay’adaha baadhitaanka haddaanu waxba lunsan. Waxa jirta inay soo baxayeen in Wasiirkii hore ee Maaliyada lagu tuhunsan yahay inuu lunsaday hanti badan mudadii uu xilka hayey taasoo keentay inaan lagala wareegin deyn fara badan oo faraqa uga buuxday. Hadda oo aanu xil hayn waxa haboon in Cawil hortago hay’adaha baadhitaanka si uu ceebta isaga maydho una xaqiijiyo shacabka inaanu lunsan wax hanti qaran ah.



Ma aha haddii lagu tuhmo inaad qabiil dabada la gasho oo tidhaa reernimo ayaa la igu eryanayaa, waxa haboon inay dhaqan inoo noqot qof kasta oo lunsada hanti qaran in la hor keeni karo sharciga. Ma lihi Cawil waa danbiile oo lama odhan karo qofna waa danbiile ilaa maxkamadi ku caddayso.

Cawil waxu horseed ka ahaa guuldaradii la soo deristay Xisbiga UDUB waqtigii doorashada sida ay noo caddaysay baadhitaan aanu ku samaynay guul daradii xisbiga ee doorashadaii 26 June 2010. Ta kale Cawil waxu hadda kor u dhaafay 80 jir waxayna tahay waqtigii uu siyaasada ka bixi lahaa una bannayn lahaa jiilka cusub si ay ula wareegaan siyaasada, isagoo kor u dhaafay waqtigii hawl gabka.


Sida aan dareensan ahay Cawil waxa damac ka hayaa inuu hantiyo hogaanka sare ee Xisbiga UDUB, waxan filayaa inay ceeb ku tahay Xisbiga inuu safka soo mariyo ragii shalay guul darada u horseeday in loo ogolaado inay hogaanka qabtaan, taas oo muujin karta inaan Xisbigu dan ka lahayn doorasho danbe inuu ku guuleysto. Sidaa darteed Cawilow Ceebta iska maydh oo ogolow hay’adaha sharcigu inay ku baadhaan oo weliba adigu si daacadnimo ku jirto u hortag si aad dadka ugu xaqiijiso inaadan lunsan wax hanti qaran. Waxan doonayaa inay noqoto dood furan oo qof weliba ka dhiibto ra’yigiisa.


Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiyaha xafiiska Siyaasada UDUB

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 12:38 pm
by Cali_Gaab
'ceebta isaga maydh' :lol:

Liqaaye, leave Cawil alone man. He is history and has embarrassed himself as it is, sii kasta ha ahaato eh, qaar baa weli jira oo 'Mujaahid Cawil' ku leh. :lol:

Ha iska raaxeystaan.

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 12:39 pm
by Siciid85
Cawill being 80 years old LOL? it seems Cumar Jaamac is bitter.Cawill will run for UDUB if he wants. He has the credentials. But i perfer Warancadde. Anyhows this public attacks within UDUB is not good for the party.

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 12:41 pm
by Cali_Gaab
Siciid85 wrote:Cawill being 80 years old LOL? it seems Cumar Jaamac is bitter.Cawill will run for UDUB if he wants. He has the credentials. But i perfer Warancadde. Anyhows this public attacks within UDUB is not good for the party.
:lol: :lol: :lol:

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 12:43 pm
by Siciid85
:lol: .I don't know what is funny laakinse he is a educated man oo xilaal badan so qabtay. Not to forget he was part of the 1961 Coup led by Muj.Xassan Kayd Walanwal. You can dislike the man but to try and deny his educational background is something else.

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 5:39 pm
by ChiefAaqil
Wiilka Habar Yoonis, Stop defendinf Cawil, he is a disgrace to all the Habar Yoonis.


You better start defending Kaluun or Jamac Yare, even they have more credibility then Cawil.

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 5:56 pm
by Siciid85
Dude i am not defending anybody because of Qabil. If i was defending anybody because of Qabil i would have defended the countless other politicians, such as Kaluun etc. bwt Jamac Yare is not H.Y.

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 6:00 pm
by ChiefAaqil
well, let me explain why ppl dont like Cawil.

HJ dont like him, cause he said stuff about Silaanyo/Kulmiye. And he tells them HY are bigger HJ.

HA dont like him because they think he is wealthy, and HA dont like to see other wealthy Isaaqs.

HY dont like him, cause he doesnt share $$$$ with them.

Somaliland politics in a nutshell. :sland: :up:

Re: Cawil is the Reason Why UDUB Failed (Gud. Siyaasada UDUB

Posted: Sun Nov 28, 2010 6:04 pm
by Siciid85
Who cares who likes who. Meesha siyaasad ba ka jirta of course a politician will have certain haters so it's always best to brush them off.