Qaybtii kowaad ee ciidamada Badda PL oo tababar u xirmey
Waxaa maanta 29.11.2010 tababar ugu xirmey dufcadii koowaad ee ciidamada Badda ee Puntland duleedka magaalada Bosaso.
Xaflad loo qabtey qalinjabinta tababarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galey ku- xigeenka Madaxweynaha dowlada Puntland islamarkaana aha ku-simaha xilka Madaxweynaha, Wasiiro, saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Puntland iyo saxaafada qaybo ka tirsan.
Ciidamada tababarkaan u xirmey maanta oo tiradooda gaareyso 170 askari ayaa ka tirsanaan doona ciidamada Badda ee Puntland [ Puntland Marine Forces "PMF"] kuwaasoo tiradooda guud noqon doonto 1050 askari.
Dowladda Puntland ayaa asbuucii la soo dhaafey shaacisay in ay heshiis la gashey shirkad shisheeye oo tababari doonta ciidamada cusub ee Badda Puntland.