(Hadhwanaagnews) Tuesday, November 30, 2010
Hargeysa (HWN) Wafti ay xukuumada cusub ee somaliland u dirtay soo afjarida colaad ka taagnayd deegaanada hawdka oo uu hogaaminayay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ay xubno ka ahaayeen Caaqil Khadar Maxamed Axmed iyo Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay xaalada deegaamadii ay dirirtu ku dhex martay labada beelood ee Cidagale iyo Ogaadeen,
Waxaanay sheegeen in ay ku guulaysteen sidii ay labada dhinac isugu keeni lahaayeen miiska wada hadalka isla markaana isula qaadan lahaayeen ka wada shaqaynta nabada.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen waraysi gaar ah oo shabakada caalamig aah ee Hadhwanaagnews xafiiskeeda magaalada ah ku siiyeen.

waxaanay intaasi ku dareen in dhexdhexaadinta labadan beelood ay si weyn gacan uga geysteen xukuumada Cusub ee Somaliland iyo waliba ismaamulka somalida Ethiopia.
Ugu horeyn caaqil Xasan Ibraahim Xuseen oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi
“Waxa aanu u baxnay dhibaato ama dagaalo yaryar oo ka soo cusboonaaday labada beelood ee Cidagale iyo Ogaadeen, sidii aanu nabad uga dhex dhalin lahayn, waxa ay runtii arrintaasi noogu soo dhamaatay si wanaagsan oo guul ah, waxaanan jeclahay in aan halkan uga mahadnaqo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo markii aanu kala tashanay arrintan u guntaday sidii aanu ugu anbobixi lahayn”
Caaqil Xasan waxa uu sheegay in markii ay tageen deegaankaas ay xukuumada Ethiopia si heer sare ah u soo dhaweysay waxaanu yidhi “Markii aanu halkaas tagnay waxa si heer sare ah noo soo dhaweysay xukuumada Ethiopia, gaar ahaan maamulka Awaare.
Shirkan oo naga horeeyay laba maalmood waxa aanu tagnay iyada oo ay dood fiican oo qurux badani dhex marayso labada dhinac waxaanay runtii ahayd mid lagu diirsado, waxa aanu jeclaanay in aanu ku hambalyayno sida fiican ee ay walaaladayo nabada u soo dhaweeyeen barnaamijkana u wadeen, markii aanu aragnay halka ay wax marayaan waxa aanu isla qaadanay sidii aanu dhinacayaga ugu baraarujin lahayn in ay nabada la qaataan walaaladood oo iyagu diyaar u ah” ayuu yidhi Caaqil Xasan.
Waxa isna halkaas kelmado koob-kooban ka yidhi Caaqil Khadar Maxamed Axmed Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Sidaas uu caaqilkii uga horeeyay sheegay waftigayagan halkan (Hargeysa) ka baxay ee ay ka midka ahaayeen boqorka iyo cuqaashu, waxa aanu u anbabaxnay sidii aanu wax uga tari lahayn dhibaatadii halkaas ka taagnayd ee u dhaxaysay beelaha walaalaha ee Ogaadeen iyo waliba Cidagale.
Markii aanu meesha tagnay waxa aanu si toos ah u galnay degmada Awaare, oo ah meesha ay dhibaatadu ka taagan tahay, halkaas oo aanu ugu tagnay odayaashii labada dhinac, waxaanay labada dhinacba soo xusheen ergo min sagaal xubnood ah, oo iyaga loo saaray in ay wixii dhibaato ah ee jira ka hadlaan”
Caqil Khadar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in ujeedadii ugu horeysay ee loo saaray guddiyada labada dhinac ay ahayd in la isweydiiyo bal cida u sabab ahayd dhibaatada meesha ka dhacday iyo dagaalada had iyo jeerba soo noq-noqda waxaanu yidhi “Waxa guddiyada loo saaray in ay isweydiiyaan bal cida sabab u ah dhimashada iyo dagaalada had iyo jeerba soo noqnoqda, waxa la isla qaatay in cida wada ay kaw ka tahay ururka nabad diidka ah ee ONLF, taas oo doonaysa in ay ku dhex gabato beelahan walaalaha ah si ay mar kasta dhib taagan uga abuuraan, qodobkaasina waxa uu noqday mid si adag looga wada hadlay dawlada Ethiopia-na ay ku tidhi beesha reer Isaaq ee ogaadeen waa in aad wax ka qabataan ninkan maalintii dabka ku dhex tuuraya beesha cidagale, habeenkiina dhinaciina u soo caraabaya waa in aad wax ka qabataan, waxaanay balan qaadeen in ay wax ka qabanayaan” ayuu yidhi.
Waxa uu mahadnaq gaar ah u soo jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo waliba xukuumada waxaanu yidhi “Waxa aan u mahadnaqayaa dawlada Jamhuuriyadda Somaliland, khaasatan Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo markii aanu anba baxaynay waftigayagan si mug leh noo anbabixiyay, waxa kale oo aan jeclahay isna in aan u mahadnaqo madaxweyneha ismaamulka Ethiopia oo isna gacan wayn ka geystay sidii nabad loo dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah” ayuu hadalkiisa kaga baxay Caaqil Khadar Maxamed Axmed.
Ugu danbayntiina waxa isna halkaas ka hadlay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi waxaanu si aad ah ugu mahadnaqay waxgaradka dhinacydii ay dirirtu ku dhex martay deegaanada awaare waxaanu carabka ku dhuftay in dagaal aanu wiil ku dhalan ee uu wiil ku dhinto hadaladii Boqorkana waxa ka mid ahaa sidan “Waxa aanu halkan uga baxnays si aanu u soo ogaano xaqiiqada ka jirta deegaankaas hawd iyo dhiilad maalin walba taagan, ayaa waxa sidii aanu u gaadhi lahayn gacan wayn naga siiyay badhasaabka gobolka Hargeysa iyo waliba Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, dareenka ay iska saareen, waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan uga mahadnaqo badhasaabka jigjiga sidii fiicnayd ee uu u maamulayay shirka.
Boqor raabi ayaa tilmaamay in deegaamada ay soo mareen oo dhan oo ay ka taagnayd xaalad biyo yaraan iyo waliba abaari waxaanu yidhi “Deegaamadii aanu soo marnay oo dhan waxa ka taagnay xaalad biyo yaraaneed, abaarna dadku way noo sheegeen, duruufo dhaqaalena way iska jiraan, colaaduhuna way taagan yihiin” ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu tilmaamay in markii ay dib uga soo laabteen deegaankii uu muranka ka taagnaa ay dib ugu soo noqdeen deegaamada beeshooda waxaanu yidhi “Markii aanu ka soo laabanay halkii uu shirku ka dhacayay isla markaana wixii warar iyo warbixino ah ee aanu siin karayn labada dhinac, waxa aanu ku boorinay in ay arrimaha dhulka dhigaan oo wada hadal lagu dhameeyo wax kasta oo dhexdooda yaala, arrimahaasina meel fiican ayay noo marayeen oo hadda gacanta ayaa lagu hayay, waxa aanu ugu baaqaynaa in nabada la qaato” ayuu yidhi
Waxaanu intaasi ku daray in deegaamada uu soo maray oo dhan uu ku arkay abaar iyo biyo la’aan waxaanu yidhi “deegamada aanu soo marnay walaahi waxa ka taagnayd xaalad abaareed oo xun, waxaanan ugu baaqayaa dhamaanba bulshada in ay ka shaqeeyaan dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo waliba imkaaniyad kale ee ay bulshadu u baahan tahay” ayuu hadalkiisa kaga baxay Boqor Raabi Yuusuf.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office