Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud

Post by malakumod »

Dameercad(Riinji.com) Ciidamada xuduudaha ee Ethopia ay gacanta ku dhigeen gaadhi xamuula oo saanad isugu jirta hub iyo rasaas u siday magaalada Qurilugud.
hubkaasi lagu waday in lagaga qaybqaato xiisada colaadeed ee laga dhex hurinayo labada beelood ee kala dega magaalooyinka qoriligud iyo buuhoodle. gaadhigan oo ahaa Nooca ay soomaalidu utaqaano Waaraad ayaa waxuu kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo waxaana xograsmi laga helay markii uu marayay magaalada Bursaalax, iyadoo ay markaasi ciidamo kaga baxeen magaalada buuhoodle inkasta oo Markii danbe ay gaadhigaasi gacanta ku dheen ciidamada Booliska ee Degmada Bookh oo ay ku qabteen Tuulada Dameercad. wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gaadhigii waday Hubkan haatan lagu hayo saldhiga dhexe ee degmada Bookh ee gobolka wardheer waxaana ciidamadu ay baadhitaano kuwadaan labo qof oo lasheegay inay lasocdeen gaadhigan markii ay gacanta ku dhigeen. dhanka kale waxaa habeenimadii xalayto kabaxay magaalada Buuhoodle Ciidamo difaacaya gaadhigaasi Hubka usida magaalada qorilugud kuwaasi oo ku andacoonayay sababo aan lagaranayn, Ciidamadaasi oo ay abaabuleen Xubno Masuul sarsare ka ah qaar kamida shirkadaha Xawaaladaha ee Magaalada, arintaasi oo layaab ku noqotay intabadan Bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud

Post by kaliil »

Beenta arka. gaadhiga Gaalkacyo ka yimi maxaa xaga Ethiopia iyo Bookh soo marinaya?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud

Post by Siciid85 »

Beenta ayaa u xalaal ah ayaad moodaa websites kaasoo baxa beesha SSC. Waxaad mooda in ay beenta in ay ka dhigteen shay caadi ah oo la iska sheego mar Alle iyo markii la rabbo. Dadku miyaayanay limit lahayn. Kaaga daran been run u eeg ayaa la sheegaa ee waxay soo bandhigayaan bahal aan caadi ahayn oo waadix ah. waa ragii yidhi ciidanka SL ayaa doofaro nuurad wajjiga loo mariya ku sii daayey suuqa laas Anod si ay dadka ukala eryaan. :shock:
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud

Post by KyrieJama »

The most factual dhulbahante website is Lasanod.com :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”