Hub lagu qabtay Dameercad oo lo siday qorulugud
Posted: Wed Dec 01, 2010 12:55 pm
Dameercad(Riinji.com) Ciidamada xuduudaha ee Ethopia ay gacanta ku dhigeen gaadhi xamuula oo saanad isugu jirta hub iyo rasaas u siday magaalada Qurilugud.
hubkaasi lagu waday in lagaga qaybqaato xiisada colaadeed ee laga dhex hurinayo labada beelood ee kala dega magaalooyinka qoriligud iyo buuhoodle. gaadhigan oo ahaa Nooca ay soomaalidu utaqaano Waaraad ayaa waxuu kasoo ambabaxay magaalada gaalkacyo waxaana xograsmi laga helay markii uu marayay magaalada Bursaalax, iyadoo ay markaasi ciidamo kaga baxeen magaalada buuhoodle inkasta oo Markii danbe ay gaadhigaasi gacanta ku dheen ciidamada Booliska ee Degmada Bookh oo ay ku qabteen Tuulada Dameercad. wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in gaadhigii waday Hubkan haatan lagu hayo saldhiga dhexe ee degmada Bookh ee gobolka wardheer waxaana ciidamadu ay baadhitaano kuwadaan labo qof oo lasheegay inay lasocdeen gaadhigan markii ay gacanta ku dhigeen. dhanka kale waxaa habeenimadii xalayto kabaxay magaalada Buuhoodle Ciidamo difaacaya gaadhigaasi Hubka usida magaalada qorilugud kuwaasi oo ku andacoonayay sababo aan lagaranayn, Ciidamadaasi oo ay abaabuleen Xubno Masuul sarsare ka ah qaar kamida shirkadaha Xawaaladaha ee Magaalada, arintaasi oo layaab ku noqotay intabadan Bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle