Adis ababa(puntlandi.com) Wasiirada Qorsheynta, Maaliyada, Maamul Wanaga, kuxigeenka Arimaha Gudaha & Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha haweenka ee dawlada Puntland Iyo Dhowr Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland
kamid ah oo baryahan kusugnaa Itoobiya ayaa magaalada Adis ababa kula kulmey Ardeyda reer Puntland ee wax ka barta Itoobiya. (sawirada hoos ka daawo)
Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Ururuka ardeyda Reer Puntland ee Itoobiya loona yaqaan Puntland Student Association In Ethiopia (PSA).
Kulankaan oo ahaa mid dhiiri galin ah ayaa wafuudii kasocotey Dowlada Puntland ku amaaneen ardeyda dadaalka ay wadaan iyo iney ku faraxsanyihiin iney ardeydaan oo qaarkood waxbarashada dhameystey ay hada kusii jeedaan Puntland si ay uga qaybqaataan horumarinta dalka.
Ururka Ardeyda Reer Puntland ee Itoobiya ayaa sheegey in ay qaar ka tirsan ardeyda oo waxbarshada dhameystey ay imaan doonaan Puntland kuwasoo badankoodu kasoo baxey kuliyadaha Caafimaadka iyo kalkaaliyayaal caafimaad.
Sawirada iyo macluumaadkan waxaa nasoo gaarsiiyey Faadumo Axmed Jaamac (Gaashaan) oo ah Xoghayaha Puntland Student Association In Ethiopia (PSA).