british envoy visits prime minister in xamar
Posted: Thu Dec 02, 2010 8:49 am
R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ergeyga dowlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya
R/Wasaaraha Xukuumadda Federalka KMG-ka ee Soomalaiya ayaa shalay kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya kaas oo maslintii shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
kadib markii uu maalintii shalay booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya Ergayga gaarka ah ee Dowlada Ingiriiska u qaabilsan wadanka Soomaaliya Matt Baugh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhaweeyay R/wasaaraha Xukuumadad Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
R/wasaaraha ayaa waxa uu kulan la qaatay Ergayga garka ah ee Dowlada Ingiriiska u qaabilsan Soomalaiya Matt Bauhgh, waxa uuna R/wasaare Farmaajo kala hadlay Ergaygaasi arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada Dowladood, iyo sidii ay dowladda Ingiriiska gacan uga geysan laheyd arrimaha Bani’aadaninimada Soomalaiya.
Ergayga gaarka ah ee Dowladda Ingiriisjka u qaabilsan Soomaliya Matt Baugh ayaa dhinaciisa waxa uu ballan qaaday in ay Dowladda Ingiriisku sii joogteynayso taageerada ballaaran oo ay siinayso Hay’adaha ay ka koobantahay Dowlada Federaalka KMG-ka Soomaliya, isagoo sheegay in ay Dowlada Ingiriisku la shaqeyn doonto Xukuumadda cusub ee Soomaliya.
Ergayga gaarka ah ee Dowladda Ingiriiska u qabilsan arimaha Soomaliya Matt Baugh ayaa markii uu la kulmay R/wasaaraha Soomaliya kadib waxa uu ka dhoofay Garoonka diyaradaha ee Aaden Cadde.
Kulanka ay wada qaateen R/wasaaraha iyo Ergayga gaarka ah ee Dowladda England u qaabilsan Soomaliya ayaa qeyb ka ah kulamada uu R/wasaare Farmaajo ku xoojinayo xiriirka caalamiga ah oo ay Dowladda KMG-ka Soomaliya la leedahay wadamada caalamka.