Kuweyt:(Allpuntland)-Amiirka Dalka Kuweyt Sheekh Sabaax Al-Sabaax ayaa Qasriga Madaxtooyada ee dalka Kuweyt si rasmi ah ugu qaabilay Wafti sare oo reer Puntland ah kuwaas oo uu horkacayo madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaansa ay kamid yihiin Xubno katirsan Golaha Wasiirada & Madaxtooyada dawlada Puntland.
Kulankan dhexmaray Amiirka Kuweyt oo ay la joogeen xubno sarsare oo katirsan Madaxda dalkaas & Waftiga Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ee kusugan Kuweyt ayaa looga hadlay Arimo badan oo ku saabsan xaalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland.
Waftiga Madaxweyne Faroole ayaa Amiirka Kuweyt uga warbixiye Xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland & Hor’umarkii ay ku tilaabsatay Mudadii ay jirtay,waxaana ay sidoo kale Amiirka Kuweyt gudoonsiiyey Waraaqo ka hadlaya Arimo badan oo quseeya Puntland.
Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegey in guud ahaan ay isku afgarteen madaxda Kuweyt arimihii la’isku soo qaaday,isagoo sheegey in Kuweyt ay balanqaaday in Puntland ay ka taageerayso Hor’umarka gaar ahaan dhisitaanka & dib udayactirka Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Puntland.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland


