Hargaysa-(Qaran news)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay Mooshinka ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Wakiiladu uu yahay mid wax lagaga badalayo xeer hoosaadka Golaha balse aanuu ahayn mid qas lagaga abuurayo dalka.
Xildhibaanadan oo shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukumada uga digay inay farogalinta ka dayso shaqada Golaha Wakiilada.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la yidhaahod waxay ridayaan Shirgudoonka Golaha isagoo tilmaamay waliba inay yidhaahdaan wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin niman laga keenay dalka Maraykanka oo aan wax halgan iyo dhibaato ah u soo galin sidii uu Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ugu guulaysan lahaa hogaanka, waxaana uu xusay in xildhibaanada sidaasi lagu eedaynayaa ay yihiin kuwii u soo halgamay Xisbiga Kulmiye, waxaana uu yidhi “Waxaan ka xumahay aniga oo ah xildhibaanadii mudada badan la soo halgamay Xisbiga Kulmiye, dhibaatada adag u soo maray in wasiir ka tirsan Xukuumada oo laga keenay Maraykanka uu yidhaahdo waxay ridayaan Shirgudoonka, Madaxweyne ninkan kula hadlayaa waa siciid ee hanalaga daayo faragalinta nalagu wado”.
Xildhibaan C/qaadir Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa si cad u sheegay in Mooshinkan yahay mid wax lagaga badalayo xeer hoosaadka Golaha Balse aanuu ahayn mid lagu abuuryo Dhibaato isla markaana wakhtiga xaadirka loo baahan in wax ka badal lagu sameeyo xeer hoosaadka kale.
Togdhnews
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukumada Digniin U Diray
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 1081 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 4 Replies
- 699 Views
-
Last post by thelucky1
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 7 Replies
- 512 Views
-
Last post by quark
-
- 1 Replies
- 448 Views
-
Last post by kaliil
-
- 1 Replies
- 243 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 381 Views
-
Last post by sahal80
-
- 13 Replies
- 1573 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 1 Replies
- 234 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 236 Views
-
Last post by XimanJaale