Muqdisho(OWN)-Bariijiya Bahuuku oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gaadhaan ciidamo ka socdo wadanka Burundo kuwaasi oo uu tilmaamay in ay durbadiiba dageen fariisimihii loogu talagalay.
Afhayeenku ayaa waxaa uu sheegay in ay soo gaadheen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ciidamo ka socda wadanka Burundi oo tiradoodu ay gaarayso kun Askari kuwaasi oo uu sheegay in markii ay soo gaadheen magaalada ay la wareegeen fariisimihii loogu talagalay inay dagaan, Afhayeenka ayaa tilmaamay in ay filayaan ciidamo dheeri ah oo ka tiro badan kuwaasi in ay soo gaadhaan magaalada Muqdisho si ay qayb ugu noqdaan kuwa AMISOM, isagoo sheegay in ciidamadaan ay qayb ka yihiin ciidamii dheeriga ee Ururka Midowga Afrika iyo IGAD shirkii ay ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda ay ku go’aamiyeen in loo soo diro wadanka Soomaaliya.
Afhayeenku waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dhalinyaro ka yimi gobolada Jubooyinka oo askar ahaan u qoranayaan Xarakada Mujaahitiinta Al Shabaab si ay ugu qayb qaataan dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho,.
Dhinaca Kale Ururka Midowga Afrika iyo IGAD ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho in tiradoodu gaadhsiiyaan 20-kun oo Askari kuwaasi oo ay ugud biyeen Qaramada Midoobay oo laga sugayo in ay bixiyaan qarashaadkii ciidamadaasi lagu keeni lahaa wadanka Soomaaliya.

leader of the Niggers (Bantu) in somalia General Bahuku.



