Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.0

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.0

Post by muftaax »

Monk-of-Mogadishu wrote:Amidst reports of drilling south of Bosaso port region, Puntland's senior-most civilian and military leadership goes on to visit the turbulent Galgala region situated between Bosaso and the drilling zones to consult with elders and townspeople and to ensure them of their safety and to ensure them a better life quality.

Source - Horseed Media
Wefdi uu hoggaaminaayo madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Galgala oo ka tirsan gobolka Bari halkaas oo hadda saldhig u ah ciidamadii dhawaan dagaalka uga saarey malayshiyaadkii taabacsanaa Shiikh Maxamed Siciid Attam kuwaas oo dagaal adag la galay ciidamada Puntland.

Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga ee Puntland, Wasiirka Qrosheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta iyo wasiiro kuxigeeno dhawr ah.

Ujeedka Socdaalka madaxweyne kuxigeenka ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa dib u dajinta iyo dib u soo noqoshada dadkii ka barakcay Galgala, kadib dagaaladii halkaas ka dhacay, iyo in ay ka warhayaan ciidamada difaaca ee ku sugan Galgala.

Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulan la qaatey odoyaasha iyo bulshada ku dhaqan magaalada Galgala, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Taliyaha guud ee difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), odoyaasha dhaqanka ee Galgala waxaa hoggaaminaayey Xuseen Gurxan Geedi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa kulankii gaarka ahaa ee uu la qaatey duqeyda Galgala ay diirada ku sareen sida ay dib ugu soo noqon lahaayeen dadkii ku barakacay dagaaladii dhexmaray Ciidanka Dawladda Puntland iyo Malayshiyadii daacadda u ahayd Maxamed Siciid Attam. Gen.Cabdisamad ayaa sheegay in Puntland oo kaalmeysanaysa hay’adaha caalamiga ah in ay soo gabagebeeyeen qaabkii iyo habkii dadka qaxay dib loogu soo celin lahaa.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa loo sheegay in qaarbadan oo kamid ah dadkii ka barakacay Galgala ay dib ugu soo laabteen halkaas noloshuna ay caadi ku soo laabatay.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ciidanka Puntland ee ku guuleystey in ay ka saaraan Malayshiyaadkii halkaas isku urursadey, aysan weligood ku sugnaan doonin, hawlo badan ayaa jira waxaana la reebayaa ciidamo gaar ah kuwaas oo ka hortaga in aan mardanbe la caburin shacabka Galgala ayuu yiri Gen.Cabdisamad.

“Galgala isha ayaan ku hayneynaa markasta mana oggolaaneyno in ay dib danbe ugu soo laabtaan malayshiyaadkii halkaan laga saarey” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay in dhawaan shir lagu qaban doono magaalada Garoowe shirkaas oo loo qaban doono beesha halkaan iyo deegaanada ku xeeran deggan iyo weliba bahweynta guud ee Puntland, waxaana shirkaas looga arinsanayaa sidii loo soo afajari lahaa wixii ka dhashey dagaalkii Galgala kadib, shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ma sheegin xiliga laga daadgureynaayo ciidamada Puntland magaalada Galgala, waxaase loo badinayaa in ay noqon doonto marka uu qabsamo shirka looga hadlaayo xalinta iyo dhamaystirka dhibaatooyinkii ka dhashey dagaalkii Galgala, kaas oo ka dhici doona casimadda Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale waxaa ka hadley kulankii maanta ka dhacay magaalada Galgala wasiirka Amniga Puntland Yusuf Axmed Kheyr, wasiirka ayaa ku dheeraadey dhibaatooyinkii ka taagnaa deegaanada Galgala ka hor intii aan dagaalka looga sarin malayshiyaadkii halkaas deganaa ee uu hoggaamin jirey Maxamed Siciid Attam, waxaana uu sheegay in hadda wixii ka danbeeya baab cusub furmey isla markaana laga wada shaqeynaayo adeegyadii laga hor istaagey deegaanka.

Duqa magaalada Galgala oo ka hadley kulankii maanta (Sabti) ayaa dhankiisa sheegay in xaaladda magaaladu aad u wanaagsan tahay isla amrkaana isfaham aad u wanaagsan uu ka dhexeeyo bulshada ku dhaqan Galgala iyo ciidamada Puntland, Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhamaystiro adeegyada magaaladu u baahan tahay.

Wefdiga Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Bosaso, halkaas oo ay ku sugnaayeen maalmihii u danbeeyey.

Image
Image
Image
Image
Image
Image

If this is the route they are taking a pre-emptive clan war in the name of Maakhir is ensuing, MASHALLAH I AM PLEASED.

2012, Bosaaso-Maakhir :D
hahaha1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 253
Joined: Sat Nov 13, 2010 4:57 pm

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by hahaha1 »

respect harti people and stop acting bad front of the computer you have big issue what harti people done to you i hope you will forgive them bro
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by muftaax »

Go and fight Ataam.
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by muftaax »

Image
hahaha1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 253
Joined: Sat Nov 13, 2010 4:57 pm

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by hahaha1 »

puntland army will destroy him .
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by muftaax »

BACK TO EYL DHABODHILIFS BACK TO EYL
hahaha1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 253
Joined: Sat Nov 13, 2010 4:57 pm

Re: Oil Drilling in Maakhir-Fantasy of Dabaycos Adde Muse 2.

Post by hahaha1 »

who lives in galgala
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”