Shir Ay Ka Soo Qaybgaleen Dhawr Wadan Oo Geeska Afrika Ahi, Lagagana Hadlay Dhibaatada Tahriibku Ku Hayo Wadamadaa Oo Lagu Soo Gababeeyey Jabuuti.
Jabuuti(Ramaas) Dis.04, 2010 - Shirkan oo laga soo casuumey Jamhuriyada Somaliland waxa qaban-qaabisey Dawlada Djibouti iyo hay'ada I.O.M wuxuu ku saabsanaa dadka Qaxootiga is-miidaamiska ah ee xeebaha iyo berrigaba isku soo tuura ama soo mara ee kasoo barakacaya dagaalada ka socda wadanka Somalia ama nolol ka-wanaagsan doonaya ee dalalka carbeed ama Europe usoo tahriibaya ee kasoo kala kaca Somalia, Ethiopia iyo dawladaha kale ee geeska Africa.
Shirkan waxaa Gudoominayey oo furey:
1 - H.E. Mr. Yaasiin Cilmi Buux, Wasiirka arimaha gudaha ee Djibouti
2 - Mr. Mahboub Ma'alim, Excutive Secretary of IGAD
3 - Mr. Ashraf El Nour, Regional Representative of I.O.M
Dawlada Somaliland oo si rasmi ah loogu casuumay Shirkan waxaa uga qayb galay weftiga ka kooban:
1 - Director General of RRR Mr. Khadar Ahmed Jama oo ka socdey Wasaarada Arimaha gudaha
2 - Chief of State Protocol & International Cooperation Mr. Liban Ahmed Cashuur oo ka socda Wasaarada Arimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga
3 - Representative of Somaliland Immigration Mr. Dahir Esse Mire
4 - Fahmi Qassim Mohamed - Qaabilsan qaybta protocolka wasaarada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Waxaa shirkaa goob-joogey safirka Mareykanka Mr. James Swan, deeq bixiyayaalka caalamiga ah ee ka kala socdey: Denmark, USA, Japan, Switzerlan, Spain, Netherland, EU, Italy, Germany, France EC iyo hay'ado caalami ah oo badan.
Shirkan waxaa kaloo kasoo qayb galey: Dawladaha Yemen, Djibouti, Somaliland Ethiopia
Dawlada qabanqaabisey shirkan ee Djibouti waxaa u matalayey:
* Wasiirka arimaha gudaha ee Djibouti Mr. Yasin Cilmi Buux
* Colonel Abdillahi Abdi Farah - Director of National Police of Djibouti
* Mr. Abdullahi Said Yussuf - Secretary General of the Ministry of Interior of Djibouti
Dhinaca Yemen: waxaa u mataleyey:
* Ku xigeenka wasiirka daakhiliga dawlada Yemen Mr. Abdul Rahman Ali Al-Barawi - Ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee Yemen
* Mr. Mohamed Abdulkader Al - Ramli - Ministry of Interior
* Hmood Al Qudaami - Ministry of Foreign Affairs
Dhinaca Dawlada Ethiopia:
* Mebrat Beyene - Ministry of Foreign Affairs
* Daniel Lemma - Ministry of Labor and Social Affairs
* Moni Mengesha Woldegebriel - Federal Police
Mr. Liban Ahmed Cashuur oo ku hadlay Afka-waftiga Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu halkaasi ka jeediyey khudbad aad u heer sareysa oo ku sahabsan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan tahriibta loona heli lahaa xal, sidii dadkan tahriibayana loo caawin lahaa, sidii xuquuqdooda bani-aadannimo loo ilaalin lahaa iyo sidii xidhiidh, xogwareysi iyo iskaashi buuxa looga yeelan lahaa oo ay ka yeeshaan dawladahan madashan isugu yimid.
Mr. Liban Wuxuu uga mahad caliyey dawlada Djibouti oo uu matalayo wasiirka arimaha gudaha Djibouti Mr. Yacine Elmi Bouh iyo Colonel Abdilahi Abdi Farah Director of National Police of Djibouti iyo hay'ada I.O.M ta sida heerka sareysa ee ay usoo agaasiimeen shirkan, iyo arintan ku habsatey geeska Africa sida ay uga shaqeynayso in la iftiimiyo xal deg-deg ah oo waara loo helo.
Waxa kaloo weftigu u mahad celiyey Mr. Mahboub Ma'alim, Excutive Secretary of IGAD inuu shirkan muhiimka ah kala soo qayb galey wafdiyada iyadoo ay cidwalba tusayso inay arintani ahamiyad weyn leedahay.
Waxa kaloo u mahad naqay weftigu deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee madashaa kasoo qayb galey kuna hambalyeeyey sida joogtada ah ee ay u daneeyaan arimaha insaaniga ah iyo xuquuqda dadka qaxootiga ah.
Khudbadaa uu Mr. Liban Cashuur ka jeediyey madashaa wuxuu ka hadley dhow qodbood oo kala ah, asbaabta dadkaa ku kalifaysa tacabirka iyo tahriibta oo ay ka mid tahay daganaansho la'aanta iyo dagaalka joogtada ah ee ka socda Somalia iyo saboolnimada iyo raadinta nolol wacan ee dadka geeska degan.
Taasna ay xalkeedu tahay kow: in Somalia arinteeda la xaliyo oo si daacad ah laga xaliyo gudaha caalamkuna si daacad ah uga qaato xal aan jilicsaneyn oo daacadnimo ka muuqato xalinta arinkaas.
Waxa kaloo uu sheegay in ay dawladaha geesku noqdeen (Destination, Source iyo Transit point) oo ay ka mid tahay Somaliland taasoo sababtu noqotey in ay Somaliland dal degan, nabad iyo dawladnimo ka jirto oo dadka tahriibayaashu usoo shaqo iyo degenaansho doontaan amaba kana baxaan iyakoo xeebaha isku tuuraya ilaa iyo Yemen, dawladaha carbeed ee kale iyo Europe.
Wuxuu Mr. Liban Cashuur madashaa ka cadeeyey in ay Jamhuuriyada Somaliland ka go'antahay oo ay wado shirar iyo wada tashi heer qaran ah, kuna guda jirto asaasida xeerar kala duwan oo ku sahabsan xalinta arinta tacabirida iyo tahriibta, iyo arimo badan oo taabanaya oo xalinaya arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, bulshada, dib u habayn qawaaniinta ku sahabsan arintan.
In ay wadaan sidii loo xoojin lahaa korna loo qaadi lahaa Somaliland's Inter Ministerial Task Force oo ay iska kaashanayaan:
1 - Ministry of Foreign Affaris & International Cooperation
2 - Ministry of Interior
3 - Ministry of Planning & Development
4 - Ministry of Defense
5 - Ministry of Justice
Si looga wada hadlo, loona wada shaqeeyo la iskana kaashado arimaha immigrationka, tahriibta iyo sidii kor loo qaadi lahaa maciishada muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaanu sheegay in ay dawlada cusub ee Somaliland ay ka go'antahay inay abaabusho, ka hawlgasho oo ay asaas u dhigto barnaamij adag si aanu muwaadinku isku haleyn dawlad wax siisa ama quudisa ama uu noqdo fadhi ku dharag sida xaalku yahay dawlado badan oo African ah, laakiin ay ku talo jirto inuu muwaadinkuna uga qayb qaato barnaamijyada caalamku ka wado Somaliland, ama kuwa ay dawladu wado oo ladoonayo in muwaadin walba tacliintiisa, tababarkiisa iyo farsamo yaqaankiisa kor looqaado si aanu cidna isku haleyn oo uu isagu noloshiisa iyo waxsoo saaridiisa hogaankeeda hayo kana taliyo.
Waxa kaloo uu ku darey in ay dawlada cusub ka go'antahay iskaashi heer geeska Africa ah iyo in dib looga dabo tago loona xoojiyo tobankii qodob ee lagu heshiiyey shirkii Sanca, Yemen lagu qabtey April 2007 kii ee ku sahabsanaa Mixed Migration Task Force.
Waxa kaloo uu aad ugu adkeeyey madashaa in ha'adaha geeska, kuwa carbeed iyo caalamkaba ay ka mid yihiin IGAD, The Arab League and The Arab Cooperation Council in shirarkan ka noqdaan hormood iyo xubno firfircoon oo aanay ku haleyn dawladahan isugu yimi meeshan oo kaliya.
Waxa kaloo si adag uga hadley in xuduudaha geeska Africa iyo Gulf of Aden la adkeeyo loona dabar tiro arimo badan oo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin budhcad badeedka, tahriibta hubka, daroogada iyo tahriibta dadkaba, si uu geesku iyo mandiqaduba u degto oo uu noqdo geeskii iyo mandiqadii hore loo yiqiiney iyo mid heer kasii wanaagsanba.
Waxa kaloo uu aad uga hadley dadka rayidka ah ee u tahriiba Yemen marka dawlada Yemen qabato in ha'adaha caalamku xaqiijiyeen in si arxan daro ah loola macaamiilo, oo la jidh dilo, ama kaw lagaga siiyo, oo uu kufsigu badanyahay, iyo in khasab lagu shqaaleeyo sidii dad la iska leeyahay. Taas oo sababta inay dadkaasi naftooda la baxsadaan oo iyagoo jahwareersan dib badaha ama xuduudo ay ku dhintaan dib isugu soo tuuraan iyakoon arimahaa foosha xun leh ay ka arkeen Yemen ka cararaya.
Hadaba dawlada cusub ee Somaliland iyadoo ay hormood iyo kow ka tahay ixtiraamka iyo dhowrida xuquuqal insaanka, xuriyada bani aadamka, xoriyatul qawlka, garsoor madax banaan iyo ay aaminsantahay Universal Declaration of Human Rights, waxay si adag ugasoo horjeedaa arintaas, si adagna uga dalbanaysaa xukuumad kastoo geeska ah ama caalamka ah in la ixtiraamo xuquuqda muwaadiniinteeda, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta caalamkaba ee dhibaateysan oo aan lagu tacadiyin. Waxay dawladaha jaarka ah iyo caalamkaba ku adkeynaysaa inay muwaadiniinteedu iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in wax loo qabto oo shuruucdii bani'aadamnimada la dhowro, oo hoy, cunto iyo wixii bani'aadamku u baahanyahay lasiiyo oo loo qabto - lalana socodsiiyo wadamada ay ka yimaadeen iyo hay'adaha caalamiga ah sidii ay uga tashan lahaayeen soo noqodkooda ama la ogaan lahaa sida ay ku noolyihiin, xaaladahooda iyo caafimaadkooda.
Waxa kaluu Mr. Liban Cashuur madashaa kasoo jeediyey in la ilaaliyo, lana dhowro, lagana war hayo lacagyoga caalamku iyo deeq bixiyayaashu siiyaan wadamada geeska, lana hubiyo in ay gaadho dadka u baahan ee loogu talo galey lagana ilaaliyo leexsi iyo inay ku baxdo farsamo xumo.
Wufuuda madashaa isugu timi shirar gooni gooni ah ayay wada galeen oo qodobo badan oo asaasi ah oo ay isku fahmeena way soo saareen.
Shirka madashaa waxa xidhay wasiirka arimaha gudaha ee Djibouti, Mr. Yacine Elmi Bouh iyo Mr. Ashraf El Nour, regional Representative of IOM.
Sidoo kalena:
Wafdiga Jamhuuriyada Somaliland na wuxaa wada tashi iyo xog wareysi u fidiyey safiirka mareykanka Mr. James Swan oo shalay December 2, 2010 ku qaabilay safaarada mareykanka ee Djibouti.
Waxaa wafdiga iyo safiirku ka wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo sidii loo yeelan lahaa wada tashi joogto ah.
Waxa kaloo:
Wafdiga Somaliland maanta si kooban isku qaabileen hotelka Kempinski ee Djibouti Ambassador Mr. Augustine Mahiga, the U.N. Secretary-General’s Special Representative to Somaliand/Somalia..
Executive Secretary of IGAD Invites Somaliland
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 1462 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 804 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 348 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1677 Views
-
Last post by giftshoprad
-
- 4 Replies
- 2564 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 15 Replies
- 1440 Views
-
Last post by Ka darag
-
- 2 Replies
- 565 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 3 Replies
- 504 Views
-
Last post by juzme123
-
- 0 Replies
- 499 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 369 Views
-
Last post by Xamari_76