Mudaharaad aad u ba laadhan oo loogaga soo horjeedo Dowlada England oo kadhacay 10 Downing Street(DaawoSawiro
Written by Jidbaale.com
Sunday, 05 December 2010 13:25
Mudaharaad aad uba laadhan oo loogaga soo horjeedo Dowlada England oo kadhacay 10 Downing Street Albaabka Hore ee Aqalka Raisal Wasaaraha Dalka Britain David Cameron.
Mudaharadkan oo ay kasoo qaybgaleen Dadweyn Farabadan oo ka kalayimi Dhamaan Gobolada Wadanka Ingiriiska Dadkaas oo safaro usoo galay sidii ay Shucuurtooda umuujin lahaayeen in Cashuurta Lagaqaato lagu taageero Kala Goynta Soomaaliya.
Dadweynaha Kasoo Qaybgalay Mudaharaadkaas ayaa Noosheegay in Ujeedada Mudaharaadku ay tahay in ay kasoo Horjeedaan in Somali lagala jarjaro iyo in Lacagta Lagaqaato ee Lasiiyo Maamulka isku magacaabay Somaliland ay u isticmaalaan in ay ku barakiciyaan Qoysas dadna ay ku xirxiraan oo ay Hada Jeelka mandheera Kumanaan Shacab ah ay ku xiranyihiin.
Dadkan waxay kaloo Kasoo Horjeedaan imaantaga uu Magaalada London Yimi Siilaanyo oo ay ku sheegeen in uu yahay worlord ama qabqable iyaga oo ku canbaareeyay in uu ahaa Gudoomiyihii jabhadii SNM ayna Xasuuqeen shacab aad ufarabadan oo cadayn dooda lahayo .
Ugu Danbayntii Qabanqaabiyaashii Xaflada oo ahaa Jaaliyada SSC ee Wadanka UK ayaa Waraaq Qoraal ah ugudbiyey Dowlada ingiriiska ay kaka Codsanayaan in ay joojiyaan taageerada in Somaliya lagalajarjaro iyo in Lacagta Lagaqaado ee tax ama Cashuurta ay Siiyaan Maamulka isku magacaabay Somaliland.
Maxamuud Maxamed Xasan (Boocame)
London UK

