Story about Somalia selling its internet domain was a lie
Posted: Sun Dec 05, 2010 5:23 pm
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in la iibsaday furihii khadka internet-ka ee ay Soomaaliya lahayd
Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta beenisay in shirkad laga leeyahay dalka Jabbaan laga iibiyay furaha internet-ka ee Soomaaliya (somalia.so), waxaana wasiirka warfaafinta,
boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac oo arrintaan ka hadlay uu sheegay in warkaas uu been yahay.
“Maalmahaa, waxaa jiray warar sheegayay in la iibsaday furaha khadka internet-ka ee Soomaaliya, wararkaas waa been aanay waxba ka jirin,” ayuu yiri wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay ka hor intii uusan
maanta ka dhoofin.
Wasiirku, wuxuu sheegay in shirkadda la sheegay in laga iibsaday ay heshiis kula galeen inay si rasmi ah u howlgeliso furaha, isagoo sheegay in dhawaan hay’adaha dowladda oo dhan ay isticmaali doonaan
khadkaas.
Agaasimaha wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Inj. Axmed Maxamed Aadan oo isaguna ka hadlay arrintaan, ayaa sheegay in qandaraaska ay gashay xukuumaddii hore, ayna jiraan dad Soomaali ah oo
loo tababarayo inay ku shaqeeyaan khadkan, kuwaasoo tababarkoodu uu ka socdo dalka Kenya.
Wararka ku saabsan arrintan, ayaa waxaa la isla dhexmarayay shacabka Soomaaliyeed, waxaana baahiyay saxaafadda Soomaalida qaarkood, waxaana beenintan ay noqonaysaa middii ugu horreysay oo kasoo yeerta dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wasiirka wafaafinta Soomaaliya, ayaa ka dhoofay Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Mareykanka, halkasoo uu uga qaybgalayo shir looga hadlayo Isgaarsiinta caalamka, isagoo ku meteli doona shirkaas Soomaaliya.