Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Maxamed Nuur Cagweyn ayaa sheegay in Puntland ay u qoondeysey in cayaaraha goboladu ka furmaan Caasimadda Puntland ee Garoowe 15.12.2010, waxaana uu hoosta ka xariiqey in Puntland u diyaargarowdey dhankeeda waxyaabihii laga doonaayey ka hor bilowga cayaaraha, sida Garoonkii lagu qaban lahaa, kaas oo noqonaaya Mire Awaare Stadium, goobihii ay degi lahaayeen cayaaryahanada gobolada ka imaanaya iyo martingelintooda, nabadgelyadooda iyo waxyaabihii kale ee loo baahnaa sida adeega caafimaadka
Wasiirka ayaa sheegay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyagana dhankooda ay balanqaadeen arimo muhim ah kuwaas oo ay ugu muhimsan tahay soo daabulida cayaaryahanada ka imaanaya gobolada 10-ka ah ee ka baxsan Puntland, diyaarinta abaalmarinada iyo koobka loo tartamaayo, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ay balan qaadeen in ay keeni doonaan dhamaan agabkii loo baahnaa, isla markaana dayactir ku samaynayaan garoonka Mire Awaare. xigasho..horseedmedia.net
markaa groupka dhalinyarada garowe waxey si toos ah ini la socodsinaya hadba meshey wax maryana . halkana waxanu inugu soo gudbineynaa isku begbega ciyaraha .
Group A: nugaal,Hiraan iyo Marko
Group B: Sool,Mudug, Banaadir Iyo gado
Group C: Bari, Jawhar, Bakool iyo jubada dhexe
Group D :sanaag, Kismayo , Bay iyo Galkaduud
Go Nugaal and Mudug


