Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Wasiiro iyo Kuxigeeno

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyey Wasiiro iyo Kuxigeeno

Post by FBISOMALIA »

Image


Baarlamaanka Puntland ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku ansixiyeen qaar kamid ah Wasiirada iyo Wasiir kuxigeeno uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Bishii Febraayo ee lasoo dhaafay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah codka kalsoonida siiyey 7-Wasiir,1-Wasiir dowle iyo 9-Wasiir kuxigeeno.waxaana Wasiirada iyo Wasiiru dowlaha la ansixiyey maanta kala yihin;

* Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
* Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
* Wasiirka Wasaarada Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda
* Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha
* Wasiiru dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga
* Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Diinta
* Wasiirka Wasaarada Caafimaadka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa kulanka kadib la hadlay saxaafada,waxaana uu sheegay in ay ansixiyeen dhamaan Wasiiradaas iyo kuxigeenada oo la horgeeyey Baarlamaanka.

Baarlamaanka Puntland ayaa sabtidii ansixiyey xeer lagula dagaalamaayo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida iyadoo lagu wadoo dhowaan in ay ka doodaan xeerka Tahriibta.

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”