Maakhir Sultan:Dib Ugu Noqday Soomaaliya Kadib Markii uu Mud

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Maakhir Sultan:Dib Ugu Noqday Soomaaliya Kadib Markii uu Mud

Post by muftaax »

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo Dib Ugu Noqday Soomaaliya Kadib Markii uu Mudo Joogay Magaaladda Nairobi.
Posted by Lee Heelo on December 6, 2010 in Warar | 2 Comments
Suldaanka Guud ee Deeganada Maakhir Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo ku sugnaa ku dhawaad bil Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya ayaa maanta dib ugu noqday Soomaaliya, Sida wararku nagu soo gaadhayaan Suldaanka tagi taankiisa kama aysan war hayn Jaaliyadda Reer Maakhir ee Dalka Kenya waxay ka war heshay Jaaliyaddu Suldanaka oo Maanta ka dhoofaya Garoonka Diyaarahada ee Jomma Kenyatta

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan ayaa Magaaladda Nairobi ee Xaruunta Dalka Kenya soo gaadhay bilowgii bishii hore waxaana booqashadiisa Lagu sheegay in uga sii gudbi doono Magaaladda London oo uu kaga qeyb galayo Shir Lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan kama uusan qeyb galin Shirkaas sida dad ka og dhow sheegeen wuu ka baaqsaday inkastoo aan la cadeyn sababa keenay in uu ka qeyb gali waayo.

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan mudadii uu ku sugnaa Magaaladda Nairobi wax shira uma uusan qaban Jaaliyada Reer Maakhir oo dadaneynaysay in uu Suldaanku uga Xog waramo Xaalada deegaanka Maakhir oo qeybo kamid ahi dagaalo ka dhaceen iyo guud ahaanba Gobolada Maakhir Xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin.

Waxaa Xusid mudan in Shirkii Suldaanka Lagu casuumay ee ka dhacayay Magaaladda London uusan jirin meel qudha oo lagu soo daabacay amaba sheegaya in uu dhacay shirkaas, ilaayo hada dad badan oo reer maakhira ayaa ku wareersan Safarka Suldaanku ku yimi Magaaladda Nairobi.

Wararka qaar baa sheegayay in Suldaanka lagu Casuumay Shir ka dhacayay magaaladda London ee Xaruunta Dalka Britain oo lagaga hadlayay Arimaha Somaliland inkastoo markiid ambe uu Suldaanku beeniyay.

Dad badan oo reer Maakhira ayaa is weydiinaya Waxa ka dhigay Suldaanka Safarkiisa marwalba Sir ama Qarsoodi, dadka qaar baa waxay u nisbeeyaan arintaas Suldaanka oo ku xidhan maamulada dhinacyada islamarkaana raba in uu qanciyo Beesha Reer Maakhir ayaa keentay in Suldaanka Safaradiisa dad badan ku wareeraan.

LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”