Kalsooni kala noqosho bessha Xasan Gaalshireedle

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Kalsooni kala noqosho bessha Xasan Gaalshireedle

Post by CoolPoisons »

Kalsooni kala noqosho bessha Xasan Gaalshireedle ee dawlada federalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed
December 6, 2010 // Warar Somaali

Ku: Umada soomaaliyeed meel walba ay jogto

Og: IGAD Xafiiskeeda Nairobi
Og: Midowga AFrican Xafiiska Nairobi

Og: Jaamacada Carabta Xafiiskeeda nairobi

Og: Wakiilka Jamciyada Qaruumaha Kadhaxaysa Xafiiskiisa Nairobi

Og: Midawga Yurub Xafiiskiisa Nairobi

Ujeedo: Kalsooni kala noqosho bessha Xasan Gaalshireedle ee dawlada federalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed


Waxaa intii muddo ahba beesha Xasan Gaalshireedle u socday shirar ay kaga arinsanayso guud ahaan xaalada uu dalku marayo gaar ahaana qalqalka siyaasadeed ee kusoo kordhay arimaha Soomaaliya,

Taas oo ay sababtay nidaamka uu soo qaybiyay xukuumadda uu soo dhisay Ra iisal wasaare Mudane Maxamed A. Maxamed. Waxaa uu Ra iisal wasaaruhu garab maray si ula kac ah axdi qarameedkii lagusoo dhisay dawlada kaasoo saldhigiisu ahaa hanaan awood qaybsi oo kusalaysan 4.5.

Waxaa uu Ra iisal wasaaruhu si bareer ah u yaraystay talooyin wax tar u ahaan lahaa qaab miisaanka awood qaybsiga oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xasan Gaalshireedle. Waxaa Nasiib darro ah in Ra iisal wasaaruhu asagoo udhashay beesha Sade garanayana qaabka awood qaybsi iyo baaxada dhuleed ee Gedo, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe ee ay beeshu degto, isla markaasna dawladdiisu sal u tahay nidaam awood qaybsi qabaa ileed, inuu si ula kac ah u duudsiyo xaqii beesha Xasan Gaalshireedle ay ku lahayd xukuumadda uu soo dhisay.

Waxaa nasiib darro ah in kadib 20 sano oo burbur umadeed dhacay sababtiisuna ahayd cadaalad xumo iyo sadbursi in Ra iisal wasaaraha cusub oo la islahaa wuxuu wataa maskax kabadbaaday burburkii qaran uu asagii kudhaqaaqo sadburin iyo kala faqooq qabaa ilka soomaaliyeed dhexdiisa ah taasoo sababi karta burbur umadeed oo horleh. Waxaa uu Ra iisal wasaaruhu u cadaalad fali waayay beesha uu kadhashay taasna waxa ay muujinaysaa inaan laga fili karayn inuu Soomaaliweyn u cadli falo.

Waxaa dood dheer iyo falanqayn kadib ay isla garteen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culimaa udiinka, haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshoweynta Xasan Gaalshireedle qodobada hoos kuqoran.


1. Laga bilaabo taariikhda uu qoraalkaan faafo waxaa ay beesha Xasan Gaalshireedle ay ogeysiinaysaa umadda soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, beesha caalamka kuwooda arimaha Soomaaliya kuhawlan in ay guud ahaan kalsoonidii kala noqotay dawlada federalka ku meelgaarka ah ee soomaaliyeed.


2. Waxaa la farayaa xildhibaanada beesha ee kamidka ahaa dawlada federaalka kumeelgaarka ah inay joojiyaan lashaqeynta dowlada Mudane Farmajo,una cadeeyaan mowqifkooda.

3. Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan waxgaradka, culumaa udiinka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay beesha Xasan gaalshireedle ee kala joogo dalka iyo dibadaba in laqaban doono shirweyne ay beeshu uga arinsanayso talaabada middaan xigta ee ay kudhaqaaqi doonto. Waxaa shirkkasi lagu qaban doonaa meel kamid ah degaanka balaaran ee ay beeshu Soomaaliya kadagto, goobta iyo waqtigase guddi farsamo ayaa soo cadayn doono.


4. Waxaan uga digaynaa umadda Soomaaliyeed ee samaha jecel inayan ku kedisoomin shirqoolada lagasoo maleegaayo xamar ayna tashtaan intii isku dan iyo degaanba ah sidii ay shirqooladaas uga hortagi lahaayeen.

5. Waxaa ay beeshu soo dhawaynaysaa lana shaqaynaysaa cid kasta oo wadda nidaam xalaal ah,oo aan kudhisnayn sadbursi umaddEED una xaqsooraysa umada sooaamliyeed.



Waxaa bayaankan soo saaray wax garadka beesha Xassan Gashiredle mareexan.

1) ugaas maxamed Hassan yarrow

2) suldaan cali xandule cadow

3) Gashanle sare xareed keretoy

4) suldaan macalin adan cabdi geesey

5) suldaan maxamed mursal adan

6) suldaan adan cabdulaahi hussien

7) axmed bashiir osmaan (madoobe)

8) Bashiir maxamed cali (galey)

9) Maxamed ibrahim musse(amiin)

10) muktaar kaamil kulow

11) Osmaan shuqaale

12) Cabdi daahir Hassan (garabroor)

13) Farah Hassan yarrow

14) Axmed cisman Ibrahim(daqare)

15) Axmed buule maxamed (canjeex)

16) Hassan Daahir yarrow( Hassan dheere)

17)Cabdirashid Maxamed Yaqub

18) Isaaq Xareed Sharmarke

19)Daahir Barre Axmed

20)Cabdirisaaq Maxamed maxamud (Buux)

21)Maryan Sheeq Cali

22) cabdirisakh maxamed aar

23)Dr.cabdikhadir bille

24)cabdulaahi macalin foodle

25)cabdulaahi cabdi doqow(cabey)

26)axmed shiekh calinuur

27)col.bashiir bara axmed

28)aadan cusman nuur(calgee)

29)cabdikhadir maxamed cabdi(iris)

30)hussien shiekh cabdirahman

Wabillaahi Towfiiq.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”