Sheekh Cali Dheere oo u jawaabay kuwa Akhlaaqda Xun

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Sheekh Cali Dheere oo u jawaabay kuwa Akhlaaqda Xun

Post by AhlulbaytSoldier »

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale ku celisay in ay jalaafayn doonto xukuumadda cusub ee dhawaan lagasoo dhisay Addis Ababa iyo Washington oo ah dalal cadaw ku ah ku dhaqanka shareecada Islaamka.





Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere oo waraysi dheer siiyay Idaacadda Qur'aanka Kariimka Muqdisho ayaa sheegay in Mujaahidiinta Somaliya ay si adag ula dagaalami doonaan xukuumadda cusub ilaa ay ka ridaan.





Sheekh Cali wuxuu ku nuux nuuxsaday Farqiga u dhexeeya xukuumadihii hore iyo midda hadda dibadda lagasoo camcamay wuxuuna sheegay in Mujaahidiinta aysan waxba isku dhaamin balse ay ka go'antahay sidii ay feylaha uga jari lahaayeen xukuumadda cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo R/wasaaraha looga dhigay.





"18-ka Nin ee kooxda Riddada loo keenay waa kuwa Akhlaaq xun oo Canada iyo Mareykanka laga keenay waana kuwa Akhlaaq xun, shariif ayaa yimid Cabdullaahi Yuusuf ayaa baxay, Nuur cadde ayaa yimid Geedi ayaa baxay, sharmaake baxay Farmaajo ayaa yimid, weli waxaa sidii loo dilayaa wadaadada magaaladii ayaa la duqeynayaa maxaa isbedelay insha'allaah kuwaas waan la dagaalamayaa wayna fashilmeen" ayuu yiri Sheekh Cali.





Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in keenista wasiirada Qurba joogta Akhlaaqda xun ujeedkoodu yahay sidii akhlaaqda looga fasaadin lahaa shacabka, "waad hoogteen waadna Khasaarteen Bi'idnillaah gaalada waan iska saari doonaa idinka oo Murtadiinta ahna waad shalaay doontaan, aaway shariifkii Tuutaha beenta ah isku sawiri jiray taako masoo ceshtay dhulkii Mujaahidiintu ka qabsadeen gaalada waardiyaha u ah" Sheekh Cali.





Goodiska ka yimid Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo aadaya xilli Ciidanka Mujaahidiinta ay Horumar dhanka dagaalka ah ka sameeyeen hardanka u dhexeeya Xaqqa iyo baadilka ee ka socda magaalada Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”